Wednesday, October 10, 2007

Xisbiga kulmiye meesha ay dani ugu jirto wuu garanaya ee loo sheegi maayo.

Waxaan rabaa inaan ka jawaabo maqaal uu ku soo qoray harowo nin sheegayana
Mustafe Jaamac Dharaar oo jooga South Africa Ocotober 7, 2007
ninkaasi oo u hadlay si aan aqli iyo cilmi midna kamuuqan.Maqaalkaa oo cinwaankiisu ahaa.

Faalo: Dulqaadka Mujaahidka, Damaca Maxamedd Case iyo
Dayacnaanta Xisbiga Kulmiye

marka hore sxb kay mustafe waxan leehay mujaahid kaad sheegaysaa ayuu mujaahid uyahay??? hadiise uu mujaahid yahay ciduu uyahay ayuu uyahay ee beel waynta samaroon dhexdeeda majaahid kama ihin waana ceeb in aad kufaantaa in uu C/raxmaan Aw cali yahay nin mujaahida oo tol kii laayay.

Hadii aan kajawaabo su,aasha ahayd, waxay wakhtigaas ku hungowday inay keesadaan rag uga qayb gala tartanka Madaxaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, sobabtuna waxay ahayd beesha oo iska dhexweyday rag u dhigma laxaadka iyo miisaanka muj. Cabdiraxmaan Aw Cali ku leeyahay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Horta Mustafow sxb waxaa wax lala xishoodaa inaad ku tilmaanto meel waynta Maxamed Case bilaa aqoon oo aad soo agdhigto Askari iyo wax udhigmaala waayay c/raxman aw cali anigu kaaga warami maayo aqoonta maxamed case iyo taariikh beesha, hadii aan ku noqdo doorashadii Madaxwaynaha ee dhacday sanadkii 2003 waa runtaa oo kulmiye ayaa qaldamay oo C/racxmaan Aw cali ayaa been usheegay kamaysen xumaane meeshu waa udaysay waad ogayd guul daro ayuu ka soo hooyay tii baarlamaanka waad odayd oo gobolka waxaa ka soo baxay xubnihii ugu jiray Maxad case.

Qiyaamada iyo xeelada aad sheegayso ee lagu sadbursaday doorshadii wakiilada dee sxb nindal leh ayaa wax bursada ama wax xeeladeeya ee nin aan meeshaba deganayn muxuu xeeladayn hadiise ay wax isdhaafina jireen somalilanad oo dhan ayaa wax isdama mariyay oo waad ogayd dila iyo quljeed lagama odayn ee waa lagu shubtay.

Markaa sxb kay waxan leehay manta Xisbiga Kulmiye waa ogyahay meesha ay dani ugu jirto ee loo sheegi maayoadigana waxaa laga yaa baa in aadanba kahayn wax badan oo xoga somaliland iyo guud ahaan gobolkaba oo lagaaga waramay uun ee horta dib ugu noqo taariikhda maxamed case iyo G/awdal iyo guud ahaanba Somaliland.

wabilahai towtiiqby
Cumar Maxamuud Qayaad
(cumar xadaari)
Taiz - Yemen

No comments: