Saturday, February 23, 2008

Somalia: Situation Report no. 7 – 22 Feb 2008

Main Developments

A major search for arms in the main market in Mogadishu, Bakara, triggered heavy fighting this week between Ethiopian/Transitional Federal Government (TFG) forces and anti-government elements. Following the fighting on 18 and early hours of 19 February, at least seven people died including three civilians and several others were wounded. Fresh fighting broke out again on 21 February with about five casualties reported. There was restricted movement in and out of the market during the week completely paralysing trading for thousands of civilians left in Mogadishu who solely depend on the market for their daily income. Despite the skirmishes, WFP supported 'wet feeding' programme is ongoing in 10 districts feeding an average of 53,000 people on a daily basis.

Meanwhile, on 20 February, the UN Security Council extended the African Union-led mission in Somalia for another six months. Currently, the mission, which has also been attacked several times by anti-government elements, consists of 1,700 Ugandans and 192 Burundian troops.
In order to eventually phase out water trucking along the Mogadishu/Afgooye road and establish more sustainable water supply, partners in the water cluster are rehabilitating and developing existing water supply systems including extension of water pipeline, and construction of water tanks, bladders and kiosks. Construction of 1,100 additional latrines and wash basins are also ongoing. UNICEF and partners commenced the second round of a health campaign to provide 56,000 children under five and 11,200 pregnant women in the Afgooye Corridor with basic immunization, Vitamin A and iron supplementation and de-worming. The first round took place in early December 2007.

Famine Early Warning Systems Network (FEWSNET) latest Weather Hazards Impact Assessment confirms that rainfall has been below-normal for the short rains season (October - December) in most parts of east Africa. In the central regions of Somalia, this has caused poor pasture conditions and limited water availability for the pastoral and agro-pastoral populations. Already, the central regions of Mudug and Galgaduud are experiencing severe drought. In southern Somalia, the assessment says crops suffered from the low rainfall totals, which could limit food availability until the next harvest season in March.

The priorities in the area are food and water and a number of UN agencies and Non Governmental Organisations are in the area responding to the crisis. In Galgaduud, International Committee of the Red Cross (ICRC) completed a non-food items distribution to about 8,000 households and another to 4,000 households in Mudug region. Plans in the coming weeks to upscale operations in the area are at an advanced stage.

Puntland

The overall security situation in Puntland has been unsatisfactory following threats of kidnapping of aid workers and actual kidnappings. The current situation does not yet allow a return of NGO international staff and might also compromise smooth running of operations in the area.

Severely wounded people from the bomb blast on 5 February might be discharged as authorities claim that they are taking up much needed space in the hospital. The discharges could cause concerns as some of them have undergone amputations and may need further specialized care. Humanitarian workers in Bossaso are advocating for alternative places where the people can stay. Other victims have been supported with provision of 24 jerry cans, 34 insecticides treated bed nets and plastic sheets during the week.

In response to the fire that broke out in five Internally Displaced Peoples (IDP)' camps in Bossaso on 7 February; UNICEF has provided 140 family relief kits and 280 jerry cans.
For those displaced by the Sool conflict, UNICEF has so far provided 2,000 family relief kits and supplies to purify water, including over 6,000 jerry cans, eight bladder tanks and two drums of chlorine along with training on how to use it. Agencies continue to rehabilitate wells, truck in water and construct latrines (400 planned), as well sd raise awareness amongst IDPs about the importance of hygiene. In addition, eight health posts have been provided with supplies and essential drugs, and some 6,380 IDP families have received mosquito nets. Health and Nutrition mobile teams continue to reach locations where no health facilities are available with basic health services and immunisation.

Other

CARE International Somalia, with support from the Disaster Emergency Committee (UK), has prepared a Somali language version of 'The Sphere Project' manual to be shared with humanitarian workers (both UN and NGO) and Government officials in Somalia. The Sphere manual gives minimum standards in disaster response as well as a broad process for collaboration, and is an expression of commitment to quality and accountability in humanitarian work.

Further Information, contact:

Rita Maingi on +254 734 800 120 - maingir@un.org
Muna Mohamed on + 254 733 643 737 - mohamed26@un.org

Thursday, February 21, 2008

Lughaya.com oo baroosinka si toos ah u aasatay

Dhamaan akhristayaasha shabakada wararka dalka ee lughaya.com waxaan idiinku bishaaraynaynaa in shaqo faro badan aan galinay sidii aan idiinku soo gudbin lahayn wararka dalka. anagoo wax ka badalayna aalada aan isticmaalno oo aan u heelanahay inaan la qabsano carsiga.

Nashqadan cusub oo noo saamixi doonta in aan kasii badino shaqadii aan u haynay shacab waynaha Awdal meel kasta oo ay joogaan ba iyo gobolada deriska ahba iyo guud dalka Somaliland. anagoo waliba isku taxalujin doona in aan wax ka taabano koonfurta Soomaliya oo marba marka ka danbaysa kasii daraysa hadii eebaha awooda lihi ogolaado.
Wax yar ayaa hadhay noo dul qaata insha allah war dhexdhexaad ah iyo wada shaqayn dhamaan shabakadaha gobolka ayaan ku boorinaynaa.

aad ayaad ugu mahadsan tihiin tageerayaasha Lughaya.com sida wanaagsan ee naloogu dul qaatay iyo hanbalyooyinka aad noosoo fidiseen.

Badheedhaha Lughaya.com

Rashid Bakaalow Malaha Qof kalaad Igu Qaldaysaa.

Waxaan akhriyey maqaal uu cinwaankiisu ahaa “Ducadii Axmed Sh.Faarax lama aqbalin” oo uu ku saxeexnaa Rashiid Bakaal.Maqaalkaasoo aad iidhibay rashiid wuxu ku sheegay inaan kasoo horjeedo gargaarka loo ururinayo dadkii ku caydhoobay masiibadii dhawaanta ka dhacday gobolka iyo gudigii isku xilqaamayba.Laakiin haddii uu rashiid akhriyi lahaa qoraaladayda aan kaga hadlayo dhibta dadkeennii ku dhacday iyo sida ay gurmad ugu baahanyihiin iyo waliba sida aan ugu hawlanahay arintaa lafteeda,malaha waxa loo sheegay ama uu akhriyeyba wuu iska hubin lahaa. Waa qalin iyo xeerkii oo mar marbuu ku xadaa.

Balse ceytami maayo,cadhoonmaayo,ku habaari maayo,kuuna hanjabi maayo si hilan uunbaan kuula hadli.Waxan kuleehay Walaal iska hubso malaha qofkalaad igu qaldaysaaye. Anigu ma qorin article waxaa ka hadlaya,kamana hadal arinta aad sheegayso.Waxan filayaa way ku khaldeen oo telefoonbay wax kuugu sheegeen.Waayo hadii aad akhriday article-ka aad ka hadlayso cidda ku saxeexanbaad arki lahayd,waa haddii uu jiro.Mise midbaa isu key ekeysiiyey toloow. Saban waliba waxbuu caan ku yahay sabankanna waxa fududaaday sida wax loo qoro iyo in waliba qofku fikirkiisa dadweynaha usoo bandhigo.Laakiin waxa fiican in qalinka si quruxbadan loo adeegsado oo waxa maskaxdaada kasoo maaxanayaa uu noqdo wax aan umadda dhibin oon fidmo dhexdhigin.

Waxan uga socdaa Waayadan danbe markii qoraalkii fududaaday maamulayaashii mareeguhuna xil iska saari waayeen inay qofka wax usoo qorey xaqiijiyaan,waxa soo baxay dad Aaladda internetka si xun u isticmaala oo intay magac bug ah qaataan bulshada kala dila.Rashiidow malaha midbaa Emailkeygii iyo isamkeygii koobiyeystay oo isu key ekeysiiyey sidii maskax geel kala baxda. Bulshada sharafta leh iyo akhristayaashaba waxan halkan ugu caddaynayaa article-ka uu Rashiid sheegayo hadduu jiro inaanan anigu qorin.(waan raadiyey laakiin waayey meel uu ku qoranyahay). Tafatirayaasha shabakadaha waxan kula talinlahaa laba arimood.

Tan koobaad:Marka hore qofka qoraalkiisa inaad tafatirtaan oo wixii umadda dhibaya aad ka reebtaan, haddii meel laqaato uunan lahayna aad iska tuurtaan. Tan labaad:Dadka wax idiin soo qora inaad iska hubisaan inay yihiin dad jira iyo inkale.waxa jira dad fidmo wadayaal ah oo kolba shaadh soo xidha oon isa soo caddayn karin.waa fule aan soo badheedhi karin oo magac beena wata.Waa virus.Laakiin si fudud baad ku ogaan kartaan,meesha uu joogo iyo qofka uu yahayba. Halkan ka akhri maqaalka uu qoray rashiid bakaal ee sida hubsiimo la’aanta ah uu dhiidhida iigu dhextuuray.
http://lughaya.com/lug/?p=377
Jawhar Cabdisamad Qalinle
korwaayeel@hotmail.com

“Ma garanayo goorta deeq Burco iyo Hargeysa la gaadhsiiyey reer Boorama dembi ka dhigeen” Cabdiraxman Saylici

Cabdirahan Zaylici oo difaacay sifihii Xisbiga uu Wareejiyey deeqdii qalabka caafimaad
Musharraxa xisbiga Kulmiye ee mansabka Madaxweyne kuxigeenka, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dafaacay sifihii xisbigiisu kula wareegeen iyo sidii ay qalabkii caafimaad oo deeqo ahaa ugu wareejiyeen wasaaradda Caafimaadka iyo xukuumadda Somaliland.

Sida uu ku soo waramay Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, C/raxmaan Saylici oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Boorama, ayaa dhinaca kale waxaa uu kaga hadlay ujeedooyinka laga leeyahay ama xukuumad iyo kuwa gobolkan Awdal ka taageera xisbiga udub ka leeyihiin hadalada beryahan dambe lagu durayo isaga iyo xisbiga Kulmiyeba, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dacaayad siyaasadeed oo xukuumaddu miciin moodday markii dadweynaha Reer Awdal ka soo jabeen xisbiga UDUB iyo Dawladda Rayaal,e danna ay u arkaeen Xisbiga Kulmiye.

C/raxmaan Saylici ayaa shalay shirkiisan kaga hadlay arrimo kale oo door ah oo ay ku jiraan sida isaga iyo taageeraayaasha xisbiguba uga go’antahay in aanay dhegaysan doonin aflagaado kasta iyo dacaayaad kasta oo ay xukuumaddu miciin mooddo.

Hadalakii uu halkaa ka yidhina waxa ka mid ahaa “Waxaad mooddaa in xukuumadda iyo kuwa taageera ay waayadan dambe hal-hays ka dhigteen Saylici baa Kulimiye siiyey deeq dadka gobolka Awdal loo soo ururiyey, hadaladaasi iyo kuwa kaleeba waxaad arkaysaa inay yihiin kuwa gobolkan Awdal ka dhigaya inuusan ku jirin Somaliland, deeqda reer Awdal loo soo ururiyo ama reer Somaaliland loo ururiyaanna tahay mid ku kooban gobolka Awdal, iyadoo siday hadalka u dhigayaanna ay dareemayso in deeqda reer Awdal ama xisbigaa qaranka ee Kulmiye uu gadhsiiyo goboladdaa kalena ay reer Boorama u tahay dembi gobolka laga galay, waana xaasidnimo iyo cunsurinnimo, maadaama gobolada kale ee ay Somaliland ka kooban tahayna xaq u leeyihiin in la gaadhsiiyo wixii dadkeedu soo ururiyaan.

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal waxa qalabkaasi kaga baxday lacag dhan $15,000 oo Doolar, oo lagu soo gaadhsiiyey, dawladduna xaq uma lahayn inay cashuurto ama tidhaa cashuur baan ka dhaafnay, inaan qalabkaasi ka kulmiye ahaan u guddoonana xaq baan u lahayn, inaan dedaalkayaga sheeganana xaq baan u lahayn, waayo dawladu magacayaga horee ayey u sheegi weyday dedaallo aan muujinay oo taageerayashiisu ku geeyeen gobolada Sool.
Waxa wax lala yaabo ah oo daciifnimo ah in la yidhaa ha sheegina xisbigaasi kulmiye wixii uu dalka keenay, waxaanan u aragnaa laba arrimood.

Waa tan kowaade inay maamulayaasha dawlaadda ee daba ordayey qalabkan dhkhtarka weyn mooyee aan la dhigi karin tuulooyin aan lahayn cisbitaallo la doonayey in la lunsado oo agaasimayaasha daba ordayey doonayeen inaan Kulmiye la tusin.Iyo tan labaad oo ah in xukuumaddu Kulmiye u quudhi la’dahay sida daacdnimada leh ee ay dalka u soo gaadhsiiyeen, loona qaybiyo cisbitaalada dalka.

Tan sadexaad waxaan odhan karaa waa markii u horeysay ee deeq lagu wareejiyo xisbigaasi, isla markaana uu si daacadnimo ku jirto dawladda ugu wareejiyo, mana dhici jirin tan oo kale oo dawladda uun baa wixii shicibka debedda ee Somaliland iska soo ururiyaan meel dhigan jirtay, isla markaana aan la ogeyn meesha ay mareen.

Waxaan la yaabaa oo kale wasiiro iyo taagerayaasha xisbiga Dawladdu waxaan u sheegeynaa in qalabkaasi annaga oo xisbiga kulmiye iyo taageerayaashiisa gobolkan Awdal uu ku qornaa, magacoodana uu dalka ku yimi, iyagana loo soo wakiishay, wakhtigaasina uu ahaa wakhti ka horreeyey aafada ka dhacday gobolka Awdal, alaabtaasina ay dalka timi aafadaasi ka hor, ciddii ujeeddo ka lihina iyadaa og, waxanan leeyahay raggaa maanta leh goboblkii awdal baa Kulmiye ka qadiyey qalabkaasi, waa ragga maanta ka xun qalabkaasi inuu gaadho Somaliland cisbitaaladaeeda, sida deeqaha reer Awdalba loo geeyo Sanaag iyo gobolka Sool, mana fiicna in gobolkan laga dhigo mid u xidhan xisbi keliya iyo dad keliya, afkana laga sheegto Somaliland, deeqda reer Somaliland ay gaadhsiiyaan reer Awdal siyaasiyiinta Hargeysa fadhida iyo kuwa halkan jooga ee dawladda taageeraa ka dhigaan qalab dad shisheeye ah la siiyey oo aan Somaliland ahayn.

Sidee reer Awdal lagu dooran doonaa haddii halkaa la marayo. halaga waantoobo arrimaha keenaya kala qoqobnaanta Somaliland iyo cunsurinnimda. Ta nalagu haystaa waa taa, kana yeeli mayno inaan gobolaysi iyo qabyaalad wax ku bixinno ee qarannimo ayaan wax ku bixinaynaa”.

Xigasho: Haatuf

Wednesday, February 20, 2008

Laabi Laba Ula

salaamu calaykum dhamaantiinba marka hore waxaan arkay wax iga yaabiyaay anaan rabo inaan kadhiibto jawaabteeda walaalayaal saxaafadu sidaa maaha ee waasidaa?

saxaafadu waxay leedahay hanaan iyo sifo gaara oo loo dhigo xigashadeeda ama hanaankeeda qoraal ahaaneed ama akhris ahaaneedba hadaba in waxla qoraa way haboon tahay lakiin waxa fiican in lafahmo sidii wax loo qoraayaay iyo hanankeedii hadii ay qalinka iyo warqadu soo galo shaqsi iyo xumaan waxaa halaabaya habkii waxloo qoraayaay ama wax laysugu sheegaayaay

waxaan walaalayaal idika waaninaayaa inaad marka hore barataan sida wax loo qoro ama qorka loogu jawaabo lakiin waxaa yimiday nacab iyo ncaybsho baladhan oo dhinac walaba yeeshay iyo in cid walaba ay wa sooqorto iyada oo aan laga fiirsan wixii afkiinaskoo baxyay website yada dadka kale lee yihiin waxaad ku arkaysaa afsomali hufan oo wax laysugu sheego aanad akhriyi karto lakiin dad waxaa jira wax walba qoraaya oo moodaaya in waxan uu qorayaa meel ku eg yahay waayo waxa galaaya dadka oo dhan halkaasana waxaa ka imaanaysa burbur balaadhan

hadaba markaad wax sheegaysaan iska dhaafa shaqisyadka aad siigalaysaan naftiisa iyo beelahan aad sheeganaysaan somalida kale idinlama wadaagto waxaan rer borame ahayn ayaa lagu yaqaan shaqsi weerarka iyo beel wweerarka markaa website yada

qaarkood waxaad u samaysateen beel in lagu caayo ama dad gaara lagu aflagaadeeyo hadii aan ka hadlo maqaalkii uu qoray rashiid bakaal iyo ninka layiraahdo iyo ninka kale ee layiraahdo rashiid bakaal oo iyagu keenay aflaagado shaqsi waxaan leehay sidaa waxlaguma sheegee waa walaalayaal kdaaya oo u dhiga sida fiican ee qofka waxloogu sheego waayo tani waxay katurjumaysaa kaliya ducfiga aad qabtaan kalidiin lakiin inta kale idinlama wadaagto umaduna waa walaalo hana ku beerina dad wanaagsan xumaan ayna aqoon waxana diiin fiican inaad bahisaan oo aad sheegtaa tariikhda wanaagsan iyo horumarka fiican ee bulshada wax u tara lama huraana waa caws jiilaal.

Mohamed Cali
cwcarab@hotmail.com

Ducadaii Axmed Sh. Faarax Lama aqbalin

Waxaan idinku salaamayaa salaanta muslinka; salaamu calaykum waraxmatulaah wabarakaatu. walaalayaal anigu wax ma sooqoro laakiin waxaa igu kalifay inaan soo qoro articalkan waad wada garanaysaan.walalayaal baryahan danbe waxaa la ururinaayey lacago dadkeenii dhibaatadu ay ku dhacday loo ururinaayey waxaa baryahandanbe axmed sh.faarax uu wado qofkastoo caqlileh wuu garanayaa waayo walalayaal arinkan maanta jiraa maaha siyaasad ama lama dooranayo xisbi.

waxa lagu wareeray gudidan ama axmed sh.faarax uu ku wareeray ragan gudidaa iyaa soo doortay. axmadoow walaal adiga iyo reer menasota wixii idin dhexmaray habar samaroon oodhani way ogyihiin; laakiin walaalkayoow arinkani waa arin dad dhibaataysan wax loogu qonayo. Dadkan loosoo magacaabayna waan ku kalsoonahay oo waxaa ku jira sheekheenii Xasan Daheeye.

walaallayaal axmed sh.faarax ducadii aan u ducaynay waxaan u malaynayaa, inaan la aqbalin; waayo wali wuu ka soo horjeedaa lacagahaa dadka masaakiinta loo dirayo wakaa kolna mid difaacaayo JAWHARNA leh lacagihii halkee lageeyey.

JAWHAROOW AMA KORWAAYEELOW inaadeer lacagihii anaa kuu sheegaya halka lageeyey.
lacaguhu maaha $20,000.00 AAD SHEEGTAY lacaguhu waxay gaadhilahaayeen $100,000.00 uguyaraan MAGACA EEBAAN KU DHAARTAY WALAAHI AXMED SH.FAARAX HALWAYDIIYO.

Waayo waxaan sidaa uleehay wali adiguna waxaad ku hadlaysaa afkiisii gudidan iyaa doortay ama lacagahii halkee lageeyey. Qalinloow waxaasoo kale lama soo qoro waxaanad isku sheegaysaa inaad tahay nin saxaafadaa ka war haya ama suxufiya.

axmed sh.faarax waa ninka iska leh horawo.com isagaa dadkeenii lawada hadlay oo wax kale ka dhaadhiciyey sidaas awgeed ayey lacagihii awda (joojida) hayaan.

WAXA KALE OON U SHEEGILAHAA DADWAYNAHA REER AWDAL EE KU NOOL NORTH AMERICA WALALAYAAL WAA DADKIINII WAXAN DHIBAATADU KU DHACDAY USOODIRA LACAGA WALALAYAL WAA SADAQO WAXBA HA MAQLINA AXMED SH.FAARAX

Dadkeenii kale ee ku noolaa yurub waxa ku dhacay magaranayo ee ka soo qaybgala walaalayaal.
salaamu calaykum

Rashid Bakal
isakbakal@hotmail.com

Tuesday, February 19, 2008

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?.
Waxaynu aad iyo aad uga xumaannay wareysi Shabakada SaylacNews la yeelatay Col Eng Cumar Cabdilaahi Hande, oo ku magac dheer Cumar Shimbir. Waxa aynu ka xumaanayna ma aha Shabakada Saylac.com laftaarkeeda oo waraysatay Eng Shibmir, oo taasi waa wax lagu farxee ma aha wax laga xumaado, Hambaylo iyo bogaadin ayayna nagu leeyihiin inay runta u dagaagaan.

Hase yeeshee Cumar Shimbir waa halyeey Soomaaliyeed iyo halyeey reer Awdala oo guud, sida aynu ku wada naqaanno. Waxanan aad uga xumahay inaan maanta uun kusoo baraarugay in meelo wax lagu qoray lagu eedaynayo Eng Shimbir. Nasiib darro meesha waxaasi ku qoran yahay wali ma galin ama mana akhrisan, oo wakhti badan ma haysan maalmahan.

Kuwa wajiyada badan ayaas kolleyba waxba ka xishoon oo ay ka suurtoowdaa inay iyagoo wajigoda qarinaya meelahaas dadka ku af-lagaadeeyaan. Kuwaasina sida Engineer Shimbir u saamixin IF iyo AAkhiraba, ilaa iyo ay isa soo caddeeyaan, ayay anagana naga yihiin, oo saamixi mayno.

Fadeexaddan ku lug leh daawooyinka ee lagu kala eedeeyay labada Engineer ee kala ah Shimbir iyo Saylici, waa fadeexad aad u fogaatay una baahan in si deg-deg ah loo soo af jaro. Beelaha Maxadcase ayay dul saaran tahay, beelaha kalana waajibkoodu waa inay beeshaas ka sugaan warbaxin rasmi ah, ee ma aha inay ka faa’iidaystaan, oo taasi waa foolxumo labaad, kuna wada fidi doonta Samarroon.

Dawooyinka waxa laga soo diray ayaa nagu maqaalo ah, dalka USA, waliba dadka qaarkoodna waxay tuhmayaan Canadana inay qayb ku leedahay. Hase yeeshee magac ku qornayd ma jirin oo taasi hadday dhici lahayd, fadeexadanu sidan imikana uma fogaateedn. Cumar Shimbir ayaa been laga sheegay, oo hadana Saylici ayaa been laga sheegay. Kuwa warxumo tashiilka wadina halkaas ku joogsan maayaan, malaha inkaarina ma qabato. Labo arrimmood ayaan idiin soo jeedinaynaa inaad yeeshiin:

(1) Beelaha Maxamad Case.
Midda koowaad waxay u taallaa beelaha Maxamad Case, inay iyagu shir dhexdooda ah qaataan, soona saaraan warxbixin lagu caddaynayo cidii ka danbeysay fadeexada dawooyinka. Ilaa iyo inta ay shirkaasi qaadanayaana, ee wakhtigu u saamaxayana aanay hadal danbe ka soo saarin arrintan iyada ah. Dadka fadeexadeeyay Shimbir iyo Saylicina, si wada jir ah loo baadho, badkana loo soo dhigo.

(2). Beelaha Kale ee Samarroon.
Tolnimada guud iyo gobnimadu ma aha in marka tolkaa iyagu dhexdooda wax yar oo dhibaato ah isku keenaan ama isku geystaan, in laga faa’iidaysto, oo kolba sidii la rabo loo jiido. Baaqan aynu usoo jeedinayno beelaha kale ee bulsho weynta Samarroon wuxu yahay. In ilaa iyo inta Maxamad case ad ka helaysiin warbixin danbe, ad sheekada halkaas ku dhaaftiin. Kuwa idinku jira ee an ka soo jeedin beelaha Maxamadcasana ee been abuurka wadana ad soo qabatiin ama ad naga aamusiisiin.

Wa-Bilaahi Tawfiiq.

HiilDan
hiildan@yahoo.com

Castro quits as Cuba’s president

The ailing 81-year-old Fidel Castro has resigned as Cuba’s president after foiling attempts to topple him for nearly half a century, leaving on his own terms by clearing the way for his brother Raul to take power.

The end of Castro’s rule, the longest in the world for a head of government, frees 76-year-old Raul to implement reforms he has hinted at since taking over as acting president when Castro fell ill in July 2006.

“My wishes have always been to discharge my duties to my last breath,” Castro wrote in a letter published today in the Communist Party daily Granma.

But, he wrote, “it would be a betrayal to my conscience to accept a responsibility requiring more mobility and dedication than I am physically able to offer.”

It wasn’t until several hours after Castro’s message was posted on the internet, that official radio began spreading the news across the island. Cubans seemed to go about their business as usual, having seen Castro’s resignation as inevitable, but with a certain sadness.

Cuban dissidents welcomed the news as a possible first step toward possible change.
Moderate opposition leader Eloy Gutierrez Menoyo, a former commander who fought alongside Castro in the revolution, expressed hopes that whoever follows him “will have freedom to launch economic and political changes as well.”

Castro temporarily ceded his powers to his brother after undergoing intestinal surgery. Since then, the elder Castro has not been seen in public, appearing only sporadically in official photographs and videotapes and publishing dense essays about mostly international themes as his younger brother has consolidated his rule.

Castro remains a member of parliament and is likely to be elected to the 31-member Council of State on Sunday, though he will no longer be its president.

Castro also retains his powerful post as first secretary of Cuba’s Communist Party. The party leadership posts generally are renewed at party congresses, the last of which was held in 1997.

PA

Monday, February 18, 2008

Jawhar iyo Jiinlow oo ay ka dhex muuqato farshaxankii oday biiqay

Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Nin wayn waxa ku haboon iinuu uu yeesho meel loogu soo hagaago. Markii jawhar uu lacagta ka urursanaayey bulsho waynta reer awdal wuxuu matali jiray in uu yahay qof caafimaad qaba.

Waxasa cadaatay in uu waabayda isaga laftiisu qaybiyo isagoo isticmaalaya shabakada ku can baxday been abuurka iyo kala dilka sokeeyaha ee harowo. Maalinba magac cusub ayaa nagu soo kordha oo farshaxan la galiyey. Laakiin jawharow waxaad wadkaagii u yeedhatay markaad afkaa hilibka bakhtiga Scandanivianka ku cunaysay aad ku taagtay Col. Omar Abdilahi Hande (Shinbir). Marka hore maxaad ka taqaanaa Col. Hande markaa aad leedahay waxa arinta deeqda xisbiga kulmiye ka danbeeyey nin usoo sheeqayey maamulo hore oo la yidhaah shinbir. Waxa nasiib daro ah in aad si xun u isticmaalaysid warbaahinta in badan oo inaga mid ah ku cusub. Waliba kuwii markii ayna warbaahintani jirin adhiga raaci jiray.

Waa su’aale maxaa ceeb ah maxaa lagu fanaa?

Waxa lacag loo ururin jiray garoonkii ay dhawr ka jeer dhagaxa dhigtay huda barkhad ee uu rayale rabay inuu doorshada ku galo. Waxa lacagta dadka ka guraayey jufada uu Jawhar u hadlaayo ee uu Col. Hande iyo cabdirahman Zaylici u aflagaadaynaayo. Gudida loo xil saaray in ay garoonka dhisaan ee borama joogtay waxay ka koobnaayeen ama u badnaayeen jufada jawhar u ooyaayo. Qof kale kuma jirin.

Laakiin umada kale ee gobolka ku nooli kama hadlin oo waxay u haysteen in ay wax qabanayaan oo way taageereen. Laakiin waxa cadaatay in garoonkii uu siyaasad noqday oo Rayale sugaayo inuu doorashada ku galo sida uu u hor istaagay jidkii la dhisi lahaa. Waxana cadaatay in la cunay lacagtii dadka laga ururiyey ee garoonka lagu dhisi lahaa siduu Rashid Cabdi Bakal horey u sheegayba (Alaaya cisak). Gari allay taqaan. Bilad sharaf ayuu mutaystay Rashid oo runta isha ka tuuray.

Markaa waxa nasiib daro ah in runta la’iska indho tiro oo la eedeeyo masuulo kaalin wayn kaga jira bulsho waynta awdal, Somaliland, iyo Somaali oo dhan sida Col. Shinbir oo kale. Waxa hadaba iska dhex galay dad badan oo adhiga jiri jiray siyaasada, qabyaalada, caawinta umada, iyo run ku hadalkii. Adhi jir ceeb ma’aha ee laakiin fakir kiisa ayaa gaaban oo qabowgaa Sweden ayuu u haystaa inuu Australia ka jiro. Oo wuxuu moodayaa in cirka daruurtu saran tahay ee isaga dul taagi ay sidoo kale dul taagan tahay cidhifka Koonfureed.

Waxase ka khaldantay in cidhifka koonfureed wakhtigan lagu jiro uu u helo 6 bilood oo qorax ah (wixii ka sareeya ama ka hooseeya 66 (N or S) degree parallel) oo loona yaqaano “Winter Solstice” halka uu cidhifka waqooyi uu kaga jiro qaboobe ama “winter” ama 6 bilood oo mugdi ah. Sida “Summer Solstice” ka koonfurtu ay qaboobe ugu jirto; waqooyiguna kulayle.

Adhi jirtu waxa haboon inay ogaadaan in dhulku uu u kala qaybsamo waqooyi iyo koonfur oo 0 (zero degree equator-ku) kala badho; wixii kor ka xiga waxa loo yaqaanaa Northern Hemisphere; wixii hoos ka xigana waxa loo yaqaanaa Southern hemisphere.

Wakhti kala duwan ayey laba xili kala helaan; qaboobaha iyo kulaylaha. Waxba kugu daalin mayo saynis ee waxaan uga dan leeyahay. Aduun yadu ma’aha warka xumaha salka ku haya ee aad raga halyeeyada ah ku aflagaadaynayso oo kaliya; ee waxa jira dhinacyo badan oo laga eego wixii khalad ah ama sax ah.

Maxaa ku khaldan in laga soo horjeesto dawlada fadhiidka ah ee dalxiiska ku jirta? Maxaa ku jaban in siyaasad caafimaad qabta la’ wada ciyaaro. Been aan jirin maxaa keenay in aad ka faafiso halyeeygii soomaaliyeed ee Col. Cumar Cabdulahi Hande (Shinbir); Waxaan ka dagaalamayaa in aad siiso qof walba sharaf uu leeyahay. Hadii kale waxa iman doonta in geesigii Yusuf Talan in maalin dhow la’aflagaadeeyo. Waar wax iskula hadha oo runta ka hadla. Waabaydu halka ay kasoo maaxanayso waa naqaanaa; laakiin maanta maalin aan ahayn ayuu garan. Hareeraha si wanaagsan iskaga fiiri.

Deeqda la diray

Waxa cad in deeqdaasi ay tahay mid loogu tala galay siyaasiyiinta xisbiga kulmiye looguna talo galay in la’ tuso xukuumada fadhiidka ah in calankeedii dhacay. Waxa diray deeqdan oo mudo sadex bilood ah la’ qorshaynaayey; qurbo jooga waqooyiga maraykanka iyo dad yurub degan. Waxa laga diray lacag ururin loogu talo galay siyaasada oo baryahanba socotay; lacagtaa waxa bixiya qof kasta oo taageersan dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka e Cabdirahman Zaylici uu hormoodka ka yahay. Laf iyo qabiil gaar ah ma’laha. Kadib waxa khaladka keenay in ay isku soo dul dhaceen masuubadii ka dhacday xeebta awdal iyo deeqdan gaadhay dalka. Oo sida qof kastaa og yahay container laga diray Maraykan wuxuu u socdaa Africa hal bil. Markaa qof kaliya oo lagu magacaabi karaa ma jiro waayo dhaqdhaqaaqan gurmadka qaranku malaha waji gaar ah iyo magic qof oo la yeedhiyo. Waa umad isku duuban oo diyaar u ah in Rayale markale soo noqon. Kadibna maxkamad lasoo taago musuqmaasuqa uu galay darteed. Isaaq ayaa ku jira, mahadcase, habarcafaan iyo lafo kale oo kasoo jeeda jufada Rayale lafteeda oo arkay in guusho dul taagan tahay kulmiye.

Hadaba wax hubso kadib awliyooyinka masaajidada ugu gal. List-ka dadka ka qayb qaata taakulaynta xisbiga kulmiye oo lagu daabacay saylicipress.net mudo aan dhawayn dadka taageersan ururka badankoodu waxay ku jiraan dadkii taageeray warkii ay soosaareen odayasha lughaya sida ay anigu filayo-
Wa bilaahi tawfiiq

Xassan Cumar (xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com

Shir jaraaid oo ay qabteen gudida gurmadka aafada Awdal

Gudida Gurmadka Masiibooyinkii Roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee Association of Awdal Community of North America (AACNA) oo Saxaafada siiyay Warbixin

Hashim Goth, Boorama 18 February, - Gudida gurmadka masiibooyinkii roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee ururka AACNA ayaa saxaafada uga xog waramay halka ay marayso hawshii loo soo xilsaaray, ugu horayna waxaa halkaas hadal ka jeediyay gudoomiyaha gudida Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo yidhi marka hore waad mahadsan tihiin bahda saxaafada, marka xigana waxaan war idinka siinaynaa safarkii gudidu ku soo martay 29 tuulo oo ka tirsan Awdal, hadii aan marka hore ku horeeyo sida gudidani ku aasaasantay waxay ahayd magacaabis ay na soo magacaabeen qurbajooga Waqooyiga America anaga oo wakiil ka ah AACNA, waxaa la furay Acount dahabshiil ah oo Lambarkiisu yahay DO616, halkaas oo lagu soo hagaajinayo lacagaha, ilaa hadana waxaa na soo gaadhay lacago gaadhaya 20kun oo doolar, dhanka khasaaraha soo gaadhay dadku wuxuu le’eg yahay mid aad u balaadhan waana ugu yaraan xoolaha meesha ku dhintay 4 boqol oo kun oo neef.

Dr.Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku daray in warbixno kala duwan ay ka qoreen dhibta meelahaas ka dhacday hayadaha samafalka, Ururada caalamiga ah, Dawlada iyo Ururada wadaniga ahba, balse warbixinta aan soo qornay iyo ta dawladu ay yihiin qaar isku dhaw hallka haydaha samafalka qaarkod meelo kooban ay mareen ee ay ka qaateen qiyaas, Anagu waxaan marnay 29 tuulo aadna waan u hubinay, khasaaruhu waa 40%, lixdanka hadhayna xooluhu waa qaar bukaan ah oo aan dadkii waxba ugu filayn, hadaba waxaan u sheegaynaa qofkii toos ugu soo dira Acountkan in 1% laga qaadayo xawaalada, hadii kale sida laga qaado 4% ayaa lagaa qaadaya.

waxaanan ku boorinayaa dadka aan weli deeq bixin in ay dedejiyaan oo ay hore u soo diraan, dhaqaalahaasi hadii uu noqdo mid waafi ah waxaan samayn doonaa in aan dadka xoolo u iibino, waayo lama quudin karo dadkaas xooluhu ka madheen, waxaana haboon in dadkaasi wixii ay ku noolaayeen loo soo cesho. waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadka deeqaha bixinayaa ay meel qudha noqoto si ayna meel qudha ugu dhicin, ee ay meel walba u gaadho oo ay dhibtu gaadhay dadka baahana ay joogaan. wixii baahi jira ee dhanka caafimaadka, hoyga, huga iyo xoolaynta waxay noqon doontaa in la daboolo oo lagu daboolo deeqdaas naga soo gaadha qurbajoogaa soo diraya.

Sh.Xasan deheye ayaa isna ka codsaday in dadkaas la soo kaalmeeyo, meelahaas aafooyinku ka dhaceena loo baahan yahay in fikir midaysan laga yeesho. waana in laga ilaaliyaa deeqdan xasaasiyada qabiilka, maadaama dadka qurbuhu yihiin waxgaradkii iyo Aqoontii umadan,Cumar C/laahi Xasan oo ah Xoghayaha dhaqaalaha gudida ayaa ka waramay sida ilaa hada u soo gaadhay deeqdu wuxuuna sheegay in ay meelo kala duwan deeqdu ka timid, dadka qaarna soo mariyeen Acountka Dahabshiil, qaarna toos u soo direen, wuxuuna u mahadnaqay dhamaan dadkii kaalmada soo bixiyay. waxa la aasaasay 28 Jan, 2008, warbixnaha intaas ay jirtay gudidu waxaan u dirnay urirka AACNA iyo websidad qaarkood. Otowa waxaan ka helay, 13610, Dumarka Dalas 3000$ Maxamed Dugsiiye oo ka soo diray Kalgari 1000 $ ,Cali Baxar oo soo diray 1000$ ,Maryan Xasan dugsiiye 2700$ oo kuwait nooga soo dirtay, hadaba dhicisku inta birta loo sido ayuu ka bakhtiyaa ee dadkaas hala soo caawiyo,Maxamed Daahir Dhawal ayaa isna uga mahaceliayay qurbajooga reer Awdal ,wuxuuna intaas raaciyay in tuulooyinka ay soo marayeen meel walba ka xaqiijinayeen odayada goobtaas ay kula kulmeen dhibta gaadhay inta ay le’egtahay, mudada dhibtu haysato dadka way dheeraatay ee waxaan idinka codsanaynaa cidii wax ku deeqaysa in ay soo dedejaan.

Sh.Cismaan Axmed ayaa isna ku guubaabiyay dadka deeqaha bixinaya in ay dadaalkooda laban laabaan, isla markaana ay yartahay ilaa hada wixii kaalmo ay heleen dhanka dawlada iyo haydahaba, waxqabadka dadkasina yahay waajib ina wada saaran, waanan idiinka mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay deeqdaas, wixii hore gurmad loo geyn karayay waa loo geeyay, balan qaadyaduna way badan yihiin dhanka dawlada iyo hayadahaba, waxaana jecelahay in aad wixii deeq ah soo dedejisaan.

Hashim Goth

Borama, Awdal
hashimgoth@hotmail.com

Opinion: Axmed Siilaanyo ma Yuhuudibaa Hadii Macaawimo Loo Dhiibay oo Qaybi la Yidhi?

Waxaan ku arkayay website yada maqaalo wax lagaga sheegayo madaxda sarsare ee xisbiga kulmiye taasi oo loo qoray si badheedha oo aan habo yaraatee gabasho lahayn.

Horta marka uu qofku rabo in uu saxaafad wax kuqoro dhaliil waa jirtaa oo xisbi ayaad dhaliili kartaa ama shakhsi lakin waxaa saxaafada kareeban personal attach intabadan maqaalada aan arkay waxay ahaayeen personal attach taasina saxaafada meelba kama soo gasho.

Waxaa ayadna aqlaaqiyan aan fiicnayn inaad nasab waxka sheegto ama rer oo rerku cida uu rabo ayuu taageeri karaa xisbiga uu rabo ayuu gali karaa markaa sxbday ma waxay rabaan in samaroon dhamaan ay noqdaan xisbixaakimka udub?? taasi su’aasheda waxaa iskaleh akhristayaasha.

Somaliland waxay samaysatay nidaam uyara eeg dimuqradiyad oo larabay in lagaga gudbo marxaladihii laso maray taasi ayaa keentay in Somaliland ninba ninka ay isku mowqifka yihiin isku raacaan mowqifka maaha taasina in laysku dhaliilo oo layidhah ninka kulmiye galay waa gaaloobay ka udub galayna janadii ayuu galay ragbaa sidaa uhaysta arintuse sidaa maahan ee waa xisbi ee yaysan xisbiga iyo qabiiku iskaga kin qaldamin sxb yaal.

Koontiinarka mucaawimadaa hadii ay garteen madaxdii kulmiye in dadka cadaalad loogu qaybiyo wax kujaban ayaan jirin oo marlayba waa laqaybin lahaa. Midakale sxbday miyaysan ogayn ragani ay dhaliilayaan in ay noqondoodaan madaxdii mustaqbalka oo ay dalka maamuli doonaan haduu alah uqoro maxaase maanta keenay Awdal uun wax hahesho.

Dadka dhibaatadu gaadhay inlo gurmadaa waa wax meesha tiila oo waa dad dhimaato gaadhay lakin anigu uma arko in ay baahida dadkaa kasaari lahaa kontiinarkaasi waayo wax dadkaasi wax uqaban lahaa kumajirin oo daruuri ah wakhtiga xaadirka ama looga baahna meesha dhibku kadhacday marka anigu waxaan u arkaa uun buro bugaado ay samaynayaan taageerayaasha xisul xaakimka udub maadaamo ay dhowdahay doorashadii dowladaha hoose iyo tii madaxtinimada taana wax micnaleh in ay soo kordhinayn ayaan qabaa shakhsiyan.

Takale hadii madaxda kulmiye ee sarsare masuuliyad lasaaray oo wax qaybsha layidhi ma yuhuud ayaa wax loo dhiibay miyaysan ahayn madaxdii mustaqbalka taa waalagu qaldamey madaxda kulmiye ee xaal halasiiyo ayaan odhanlahaa.

Hadal iyo dhaman dadka yaan lagu kala wadin wax aan micno lahayn oo wax jirin lagu hadlin hadaladana marka laqoraayo halaga fiirsado somalidu waxay tidhah kafiirso intaadan waxfalin waa hadal dhan.

Wabilaahi Towfiiq.
Cumar Maxamuud Qayaad - (Cumar Xadaari)
Yeman, Taiz

Sunday, February 17, 2008

Lacagaha ilaa immika gaadhay xeebaha gobolka Awdal

Borama (SP) Lacagaha ilaa immika gaadhay meelihii ay masuubadau ka dhcadya waxay gaadhay $ 21, 311 marka la isku wada geeyo inkastoo ay jiraan balan qaadyo ay sameeyeen magaalooyin iyo gobolo badan oo waqooyiga maraykanka ku yaala.

waxaan si toos khadka tellephone ka kula xidhiidhnay gudida aafada xeebaha; waxaan la hadalnay gudidii u qaabilsanayd arimiha masuubada waxayna soo sheegeen ilaa immika lacagaha kusoo dhacay xisaabtii AACNA ee loo furay masuubadan darteed.

$ 13, 611 —– Jaaliyada Ottawa, Ontario - Canada
$ 3000 —— Dumarka Jaaliyada Dallas, Texas
$ 1000 —— Jaaliyada Calgary, Alberta - Canada
$ 2700 —— Jaaliyada Kuwait, Kuwait
$1000 —— Jaaliyada Houston, Texas

Amoud Foundation lacag $6000 dhan waxa naloo sheegay in ay iyagu haynayaan oo marka loo baahdo ay dadka ku isticmaali doonaan.

Jaaliyado badan oo waxa jira balanqaad sameeyey oo ay gudidu noo sheegeen in ay sugayaan.
Gudida waxay noo sheegeen in ay dhawaan u socdaali doonaan meelihii ay dhibaatdu ka jirtay iyagoo dadka u kaudinaya kharashka oo raba marka lacagta badan koodu soo gaadho in ay mar kaliya u socdaalaan.

waxa kale oo ay gudidu noo sheegtay in ay muceeshada iyo shidaalku dhulka uu kacay taasina ay keentay in ay ka fikiraan in ay meeshii tagaan iyagoon hayn wax dadka ku filnaada.
waxa kale oo ay gudidu noo sheegtay in dadka bara kacay ay ka badan yihiin dadkii markii hore la sheegay.

Xoolaha dhintayna ay ka badan yihiin 100, 000 oo neef oo nooc walba leh (Adhi, geel, iyo Lo’).
Gudigu waxay mahadnaq balaan u jeedinayaan dhamaan jaaliyadaha reer awdal, somaliland iyo somalida kaleba kasoo jeeda ee ka’ qayb qaatay taakulaynta dadka ku dhibaataysan xeebaha gobolka Awdal. Waxay amaan balaadhan sidoo kale ay u jeedinayaan ururka Association of Awdal Community of North America (AACNA); oo ka qaatay qayb libaax ururinta iyo abaabulka loo galay dadka tabaalaysan.

Account number: D0616
Dahabshil INC, BORAMA BRANCH
Sh. Cusman Ahmed Ibrahim
Sh. Xassan Deheeye
Dr. Cabdirahman Jamac Hadi
Sh. Mohamed Dahir dhawal
Cumar Cabdillahi Xassan (Gurey)

Shir jaraa’id ayey dhawaan qaban doonaan

Booqo maanta aacna.org aan qaybtaada ka qaado caawin xeebaha gobolka Awdal
SP Borama

Madaxweyne Rayaale Oo Galabta U Dhoofay Addis Ababa, Ugana Sii Gudbaya Waddamo Kale Oo Aan La Ogeyn

Hargeysa-(SP) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo u kicitimay Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, Madaxweyne Riyaale oo intii aanu ka ambabixin dalka, Qasriga Madaxtooyada kula hadlay weriyayaasha wuu diidey inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo socdaalkiisa, waxana uu sheegay keliya inuu tegayo Addis Ababa iyo meelo kale uu sheegay inuu uga sii gudbayo. “Horta caadada noqotay marka la baxayona in la sii warramo, marka la soo noqdona la warramo maanta ayaan ku soo xidhayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Wixii dambe Press release [Warsaxaafadeed] bay noqon doontaa Afhayeenka uun uu bixiyo, waayo, caado uma aha adduunka madaxda in markasta la waraysto,” ayuu raaciyey. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inuu ka warramayo falkii afduubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sanaag ee lagu afduubay ninka Jarmalka ah ee madaxda ka ah hay’adda German Agro Action, falkaas oo uu ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu manjaxaabinayo Somaliland, si gaar ahna loola beegsanayo dhaqdhaqaaqyadiisa dibadda.

Waxana uu hambalyo u diray ciidanka qaranka iyo shacbiga Gobolka Sanaag sida ay uga hawlgaleen, uguna guuleysteen. “Waxaana muuqata, wararka ugu horreeya ee hordhaca ah ee aanu hayno Gugux meel la yidhaahdo oo maamulkaa Boosaaso [Puntland] ka tirsan in laga soo abaabuley,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Laakiin, Argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso uun, meel kastana way joogaan, kuwo inaga [Somaliland] ahina way ku jiraan,” ayuu raaciyey Madaxweyne Riyaale. Waxana uu shacbiga ugu baaqay inay ka feejignaadaan, indhahana furan. Madaxweyne Riyaale, waxa uu ku tilmaamay falalka argagixiso kuwo bartilmaameedkoodu yahay qaddiyadda Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada dibadda ee xukuumaddiisu samayso.

“Waxaan xasuustaa berigii aan Ingiriiska tegaayey 2004tii, markaan Addis Ababa marayo ayaa qabuurihii Ingiriiska la jejebiyey, maalintii Baarlamaanka Ingiriiska aan tegaayeyna GTZ-ka qoladoodii maalintii la afduubay bay ahayd,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey, “Shalayna waxa inoo yimi madax kaloo caalamka ah baa inoo timid. Taasi waxay sheegaysaa markasti oo wax wanaagsani inoo soo socdaanba inay qaar argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan inagu garanayn oo danaheenna ka soo horjeedaa inay mujtamaceenna ku dhex jiraan baa muuqanaysa”.

Ma cadda dadka uu Madaxweyne Riyaale u duurxulayo, hase yeeshee, waxa uu muujiyey in xukuumaddu doonayso falalka noocan ah inay uga faa’iideysato si siyaasi ah, uuna ka dhigayo kuwo lagu xaasidayo ama lagu minja-xaabinayo dedaalkiisa iyo guulihiisa. Waxayna dad badani ka werwersan yihiin, shakina ka qabaan falalkan argagixiso oo dalka ka bilaabmay, wax yar kadib markii uu xilka kala wareegey Madaxweyne Riyaale madaxweynihii hore ee Geeryoodey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Dhinaca kale, socdaalka Madaxweyne Riyaale oo aan la ogeyn cid ku wehelisa iyo meelaha uu u sii dhaafayo Addis Ababa ayaa warar kala duwani ka soo baxayaan. Wararka qaar waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uu u sii dhaafayo Addis Ababa dhinaca Boqortooyada Sucuudiga, halka warar kalena sheegayaan inuu tegayo Imaaraadka Carabta oo ay wararka qaar sheegayaan in Xaaskiisu kaga sii horrayso, xogo kalena tilmaamayaan inuu kula ballansan yahay shirkado uu heshiis dhinaca shidaalka ah la galay.

Xigasho:Somaliland.org