Friday, October 12, 2007

Ururka Agoonta Kaalmo Oo Ugu Baaqaya Jaaliyadaha Dibada Inay Soo Ciidsiiyaan Agoonta .

Gudoomiyaha Ururka Daryeelka iyo badbaadada ee Kaalmo Caasha Jaamac Faarax ayaa ugu baaqday jaaliyadaha dibada iyo kuwo dalka gudihiisaba in ay ka codsanayaan in caruurta Agoonta ee Kaalmo ay gacanta ku hayso aanay sanadkan u hayn wax ay ku ciidsiiyaan

sidaasi awgeed waxay ka dalbanayaan umadaha muslimiinta ah ee daneeya nolosha caruurta barakacday iyo kuwa agoomaha ah inay kala qayb qaataan sidii loo ciidsiin lahaa caruurtaasi waxaanay sheegtay in agoomuhu ay ka awood bateen ururkaasi gacanta ku haya tiradooduna ay kor u kacday oo gaadhayso 170 caruur ah oo u baahan in ciida sidii ay si farxad leh ugala qayb qaadan lahaayeen inaad gacan nagu siisaan isla maantana waxay ka murugsan yihiin ciid la’aanta la soo gudboonaatay caruurtaasi waxaanay Caasha Jaamac Faarax tidhi” Ilaahay dartii idinkoo ugu dhawaanaya waxaan idinka dalbanaynaa ama codsanaynaa inaad gacan naga siisaan sidii caruurtaasi aad gacan noogu siin lahaydeen.

Waxaana nalaga soo xidhiidhi karaa Telephone-nada kala ah 00252-2-613070 Caasha Jaamac ama 00252-2-4456357 Xaawa Rooble , 00252-2-4486847 Madiino Axmed Jagne, 00252-2-4453059 Aasiya Cabdi Jirde iyo ugu dambayntii 00252-2-4456997 Wasiiro Cabdi Faarax.

Abokor Hassan Afi
Saylicipress - Borama

No comments: