Friday, February 15, 2008

Siilaanyo Oo Ku Eedeeyey Rayaale Inuu Wasiirka Caafimaadka Ka Horjoogsaday Xaflad Uu KULMIYE Kagala Wareegi Lahaa Deeq Daawooyin Ah

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu si badheedh ah uga horjoogsaday wasiirkiisa caafimaadka xaflad uu si rasmi ah ugagala wareegi lahaa daawooyin qalab caafimaad ay cusbitaallada dalka u soo direen taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan Woqooyiga Ameerika.

Daawadan oo ah hal kontiinar taageerayaasha xisbigu ugu talogaleen cusbitaallada lixda gobol ee Somaliland, ayaa hoggaanka KULMIYE laba toddobaad ka hor ku wareejiyey masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka si loogu xareeyo xarunta dhexe ee kaydka dawooyinka dalka, iyada oo labada dhinac u ballameen in la sameeyo munaasibad ay si rasmi ah Wasaaradda Caafimaadku ugagala wareegayso madaxda xisbiga, taas oo la qorsheeyey in shalay lagu qabto xarunta dhexe ee kaydka dawooyinka ee magaalada Hargeysa, balse baaqatay kadib markii Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe Maxamed ka cudurdaartay.

Kadib markii ay baaqatay xafladdii loo ballansanaa in shalay Wasaaradd Caafimaadku si rasmi ah ugala wareegto madaxda xisbiga KULMIYE kadib, ayaa shir-jaraa’id oo Axmed-Siilaanyo iyo xubno ka mid ah madaxda sare ee xisbigiisu ku qabteen xarunta kaydka dawooyinka ee Hargeysa waxa uu ku sheegay in 10 daqiiqo ka hor waqtigii ballanta la kala wareegista daawooyinka uu Wasiirka Caafimaadku kula soo xidhiidhay telefoon, isla markaana ku wargeliyey in aannu iman karayn xafladdii ay u ballansanaayeen, kadib markii Madaxweynuhu ku wargeliyey in aannu tegin goobtaa.

“Waxaannu ku ballansanayn in saaka [shalay subax] aannu halkan [xarunka Kaydka Dawooyinka] Wasiirka Caafimaadka isugu nimaadno. Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego war cajaa’ib ah oo qaadan waa ah, anigoo aad iyo aad uga xun halkii aannu ka ballansanayn in daawada aannu la kala wareegno ayuu goor malaha 10 daqiiqo ka hadhsanayd waqtigii ballanta uu Wasiirka Caafimaadku na soo wacay oo waan ka xumahay buu yidhi, Axmedoow kuu iman kari maayo, aad baan uga xumahay oo Madaxweynihii baa amar isiiyey oo toos iila soo hadlay oo igu yidhi;

‘Hatagin halkaa, hana la wareegin daawadaa waad haysataa oo istoodhkay kuugu jirtaa, markaa in KULMIYAA keenay la yidhaahdo looma baahna, mar haddii bahashii istoodhka innoogu jirto faraha ka qaad, waxaan ku idhi Cabdi Hayboow waxyaabaha qaarkood in aan loo xil qarain, haddaan ogaaday wixii Agaasimaha Guud haystayna miiskiinkii aannu ballanay ee axdiga aannu ku kala tagnay haddaan ogaanay arrinta ninka amarka tooska ah bixiyey, maantana ballankii in uu baaqo keenay waa Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha dalka weeye daawada la keenay ee uu ka ba’ayo in ummadda iyo shacbigu ogaadaaan in daawadan taageerayaasha KULMIYE keeneen oo aannu dawladdii ku wareejinay intaasuu ka ba’ayaa oo Agaasimaha Guud u wacayaa oo uu Wasiirka u wacayaa,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo sheegay arrin aannu filayn oo fajiciso ku noqotay uu kala kulmay Wasiirka Caafimaadka Caafimaadka Somaliland.

“Waxaannu doonaynaa in ummadda Somaliland ogaadaan in daawada KULMIYE keenay shacbigana u keenay oo ay hoolka Wasaaradda Caafimaadka taal oo ilaa Ceerigaabo ilaa Saylac u keenay qaar kalena way soo socdaan waliba, arrintaa ayaan doonayaa in aan shacbiiga u sheego, ninka ka ba’aya ee intaa u quudhi waayey in xisbiga KULMIYE keenayna wa Madaxweynaha ee hala ogaado.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo faahfaahin ka bixinayey marxaladihii ay soo martay daawada taageerayaasha xisbigoodu ugu deeqeen cusbitaallada Somaliland iyo sidii ay dalka ku soo gaadhay waxa uu yidhi:

“Waxaan doonayaa in aan ummaddu uga waramo arrin ku saabsan daawooyin aad u qiimo badan oo wanaagsan oo America xisbigu ugu keenay dadweynaha reer Somaliland oo ku xeraysan maanta istoodhka dhexe ee wasaaradda caafimaadka in aannu xaaladeeda iyo sheekadadeeda ugu sheekayno ayaan doonayaa maanta, saacadan aynu taaganahay [shalay subax] halkan waxaannu ku ballansanayn oo saxaafadda kula ballansanayn in aannu si muuqata ula kala wareegno daawada wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe, daawadanina waxay dalka timi bishan 3-deedii, 4-teediina waxa lagu soo wareejiyey istoodhkan, maantana [shalay] waxay ahayd in aannu si rasmi ah ula kala wareegno Wasiirka Caafimaadka.

Daawadan oo ay soo direen taageerayasha xisbiga KULMIYE ee jooga America waa daawo aad u fiican oo aad malayn karayso daawada Maraykanka lagu sameeyaa nooca iyo qiimaha iyo sida ay tahay muddo badanna waa daawo laga shaqaynayey iyo qalab aad u fiican ayaa isaguna istoodhkan Wasaaradda Caafimaadka ku jira.

Alaabtaas markii ay timiba waxaannu ku dhawaaqnay in daawadaas dalka timi oo warsaxaafadeed baannu ku shaacinay, kaas oo aannu ugu mahadnaqnay Wasaaradda Maaliyadda iyo Caafimaadkaba qabanqaabadii iyo cashuur-dhaafkii ay noo sameeyeen si aannu daawadan dalka ku soo galino.

Madax sarsare oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo uu horkacayo Agaasimaha Guud ayaa xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE noogu yimi, si fiican baannu u wada hadalnay, waxaannu u sheegnay in daawadan xisbiga KULMIYE u keenay dadka reer Somaliland oo noolkii ilaa Maraykanka lagaga keenay aannu bixinay, waxaannu doonaynaa in loo qaybiyo dadka reer Somaliland ee lixda gobol ee dalka. Waxaannu ku nidhi, idinka ayaa dawladdii ah oo og gobol walba daawooyinka looga baahan yahay iyo cusbitaallada waaweyn ee dawladdu leedahay ee dadka shacbiga ah ee badani isticmaalo. Markaa in aannu dawladda ku wareejino ayaannu goosanayn si wanaagsan baanuna isula afgaranay.”

Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in heshiiska ay wada gaadheen iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee ahaa in dawada xisbiga KULMIYE u keenay ummadda reer Somaliland, dawladdana lagu wareejiyo ay maalmihii dambe maqleen masuuliyiintii Wasaaradda
Caafimaadka ee heshiiska KULMIYE wada galeen oo Agaasimaha Guud ugu horreeyoo, kuwaas oo ku dhawaaqay, “Daawo la dhacay oo boolisku qabtay oo KULMIYE duwaday.” Waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE tilmaamay in aanay Agaasimaha Guud ka filayn in uu ku dhawaaqo erayada noocaas ah, maadaama xisbiga KULMIYE lahaa oo loogu talogalay ummadda reer Somaliland, isaga oo arrintaa sharraxayeyna waxa uu yidhi; “Yaabaa Illaahay noo keenay oo waxaannu nidhi waar ninkii dhammaa ee Agaasimaha Guud ahaa ee aad heshiiska wada gasheen ee wax isla meel dhigteen maxaa mar qudha markii uu idinka noqday beddelay ee saxaafaddii galiyey alaabtian tuugo ayey ahayd oo waa la qabtay annaga oo la yaaban ayaanu nidhi bal ha degdeginee Wasiirka Caafimaadka u taga annaguna aaminaad baannu alaabta ugu wareejinay annaga oo aan waxba kala saxeexan, waayo ballankaa ahaa in shirka jaraa’id [xafladda xil wareejinta] halkan lagu wada qabto.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in markii ay Wasiirka Caafimaadka u tageen ee ay arrintii uga sheekeeyeen uu aad ula yaabay wararka sheegaya in dawo la dhacay la qabtay, isaga oo ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE dawada ay ummadda u keeneen, una ballanqaaday in xaflad ballaadhan lagala wareeji doono daawada iyada oo loo qaybin doon sida xisbiga KULMIYE rabo in loo qaybiyo.

Eng. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo isna halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihiii dhaliyey in jaaliyada xisbiga KULMIYE daawadan keenaan iyo noocyada ay ka kooban tahayba, waxaannu sheegay in markii taageerayaashu mucaawimada helaan ee gacanta ku dhigeen ay la soo xidhiidheen xisbiga KULMIYE, waxayna sheegeen in ay hayaan koontiinar 4 fuudh ah oo daawooyin, qalabkii naafadda,

qalabkii dhakhtarada ee lagaga shaqaynayey tiyaatarrada qalliinka shaybaadho, sariirihii umulisooyinka iyo waxyaabo kale oo aad u qaali ah, waxaannu intaa raaciyey in KULMIYE ahaan heer qaran iyo heer gobolba ay ka hawlgaleen sidii loo diyaarin lahaa kharashkii daawadan dalka lagu soo gaadhsiin lahaa, isaga oo xusay in daawadani dalka ku soo gaadhay $15,000, taas oo uu xisbiga KULMIYE bixiyey oo habayaraatee aanay wax kootaro baan ah ahayn oo xisbi qaran lagu soo hagaajiyey.

Waxaannu Eng. Saylici xusay in tallaabadan ay xukuumaddu ka qaaday daawada KULMIYE ummadda ugu deeqay muusinayso digtaatoorinimo iyo wixii ummaddani ka soo dagaalantay.

“Waxa maanta dalka ka muuqata wixii laga soo dagaalamay iyo digtaatoorinimo is dheelitirkii iyo isku xidhnaantii ummadda ayaana la diidan yahay, dal nin kali ahi ka talinay weeye, KULMIYE-na waa xisbig qaran in uu magaciisa wax ku qaysado wax u diidayaa ma jiraan, sharci buuna u leeyahay, islaanyaro oo NGO wadata baa halkaa timaada oo saxaafad loo qabtaa laga wareegaa, markaa waxay dhimayso wixii KULMIYE bixiyo ee lo diidayo annagu garan mayno, markaa waxaannu leenahay arrintaas waa mid uu Madaxweynuhu ku khaldan yahay cid kalena lama wadaagto waanna magac diid uu magaca KULMIYE diidan yahay,” ayuu yidhi Eng. Saylici.

Sidoo kale waxa isaguna hadal kooban ka jeediyey Dr. Axmed Xaashi Oday oo isagu xisbiga KULMIYE wakiil uga ahaa qaybinta iyo la socodka daawadan, ayaa sheegay in daawadan dalka markii ay timi isaga loo gacan galiyey, isla markaana bakhaar ku xareeyey, kaas oo markii dambena ay Wasaaradda Caafimaadku kala wareegtay si lixda gobol iyo degmada Gabiley loogu qaybiyo, iyada oo ay baahidooda wasaaraddu eegayso, daawadana markii ay dalka timi waxa lagu qoray jaraa’idka wax la qarinayana may ahayn.”

Waxaannu intaa Dr. Oday intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan u sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ku heshiiyeen saddex qodob oo ahaa in ay xaflad nagala wareegaan, daawadu siday u dhantahay in la geeyo xarunta kaydinta daawada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo inay gobol walba iyagu u qaybiyaan, KULMIYE-na ku dabagalo arrintaa, sidaas ayaana Wasaaradda Caafimaadka daawadii loogu soo wareejiyey.

Waxaannu sheegay Dr. Oday in sababta daawadan u diiday xukuumaddu inay kala wareegto KULMIYE ay tahay iyadoo magaca u diidan xisbiga. “Sababtu waxa weeyaan waxay xukuumaddu diidan tahay sumcada KULMIYE, Illaahay baana KULMIYE sumcadda u haya oo Ina Rayaale iyo daawanadan midna uma haysto, qodobka labaad waxa ku yaal daawada beelaha Maxamed Case, beelaha Maxaxmed Casena qolyihiina jaraa’idku waad la socotaan halkay taagan yihiin, sidee bayna beelaha Maxamed Case sumcad u yeesheen iyaga oo aan na soo marin annaga oo madaxdii ah, waayo Anwar [Agaasimaha Guud ee Caafimaadka] wuu nala ballamay wuu is beddelay, Wasiirka Caafimaadku wuu nala ballamay wuu is beddelay.

Iminka waxaannu sugaynaa Ina Rayaale oo nala ballama oo isna is beddela, oo waxay yidhaahdeen qoladani Ina Rayaale ayaa wax noosheegaya tolow isagu markuu isbeddelo yuu odhan doonaa wax bay ii sheegeen? Saxaafadda ayaana baadhi doonta cidda wax u sheegta anigu garan maayee, daawadana qiimaheedu waxa weeye $270,000 dollar, KULMIYE ahaana waxa nagaga baxay 15,000 dollar oo nooli ah. Haddaba, dawladda daawadan ay xaraysatay maxaa kaga baxay? Daawadana maadaama hadday istoodhka soo gashay aan la garanayn cid keentay in cid laga wareegay midna, halkaa waxa soo galaysa musuqmaasuq oo laga wado waxan in sidii doono loo galo,” ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday.

Haseyeeshee, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymaha uu u soo jeediyeen Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, kuwaas oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, isla markaana wixii daawooyin ah ee dalka yimaad ay masuul ka tahay Wasaaradda Caafimaadku.

“Daawadaa aad ka hadlayso wasaaraddu hore ayey ula wareegtay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa cashuur-dhaaf u samaysay, wixii wasaaraddu cashuur-dhaaf u samaysana wasaaradda ayaa la wareegta, wixii daawo ku saabsan annagaa gaadhsiina gobollada qaybinana, siday tahayna annagaa ugu qaybina, wax xisbi leeyahayna ma ahayn ee waxay ahayd wax qurbo-jooggu soo direen, arrintaa [amar Madaxweynuhu ugu diiday inuu tago wareejinta daawooyinka] wax ka jiraana ma jiraan.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdi Haybe oo isna shalay saxaafaddu wax ka weydiiyeen eedaymaha uu xisbiga KULMIYE u soo jeediyey iyo sababta ay KULMIYE oo xisbi qaran ah ugala wareegi waayeen daawooyinka taageerayaashooda Maraykanku soo direen.
Waxa kale oo Wasiirka Caafimaadku ganafka ku dhuftay in Madaxweynuhu ku amray inaannu tegin wax xaflad ah oo xukuumaddu daawooyin kalagala wareegayso xisbiga KULMIYE.

Source: Jamhuriya

10 Wajiilaha Ahmed Sh. Faarax - By Rashid Bakal

Waxaan dhamaan dadwaynaha ama akhristayaasha ku salaamayaa salaanta muslinka salaamu calaykum.

Waxaa baryahan danbe ba ka socdoy wadanka north America lacag ururin loo ururinaayey, dadkii ilaaheey dhibaatada uu ku keenay. Hadaba waxaa jira dad marka dadkeena dhibaataysan waxa looqabanyo ama horimarin laga sheekaynayo gobalka dhex dhiga shiki iyo been abuur ay leeyihiin dad gaaraa waxan wata ooka faa’idaysanaya ee lacagihiina ha iska bixinina.

dadkaa waxaa kamid ah aabana u ah Ahmed Sh. Faarax. waayo waxaana articalkan aan usoo qoray, markii aniga oo ku nool magaalada ottawa ee Canada uu iila yimid uuyiri lacagihiinii aad dirteen, ragbaa ku magacdoontay (ILAA HOWNA BADBAADI)

hada waa dhibaatada dhacday maanta ee dadkeenii ku dhacday ayuu ka fikirayaa waxan oo kale.Anaguna kama aanan aqbalin ee waan dirnay lacagihii waanan gaarsiinay boorame.

mida kale waxaa habsaanka ka dhigay dadkeenii kale ee reer awdal ee lacaga uririnaayey,waa axmed sh.faarax,oo dadkii lawadahadley,ee isaga la caqli ahaa shiki buuna galiyey.mida kale lacagii waagii aan rabnay inaan u ururino garoonkii boorame isagaa baa'biiyey markaa walaalayaal waxaan idinka codsanayaa anigoo aanaan is qarinayn magacaygana aan badalayn waayo WAXAAN SIDAA U LEEHAY ISAGAA MAGACA BADALA,MARNA SHEEGTA GABAR MARNA SHEEGTA NINKALE.

magacaygana la yiraahdo RASHID ABDI BAKAL. waxaan rabaa inaan u ducayno walaalkeen axmed sh.faarax oon aan ilaahay aan ubarino inuu qalbigiisa nadiif ka dhigo waayo waanin tolkeena waana iskuwada baahanayay.

Salaamu Calaykum

Thursday, February 14, 2008

xuska maalinta jacaylka aduunka(kudayasho indhala)


Waxa aad looga murugooda ah inay maanta dadkii ku abtirsanayay diinta islaamku kala garanwayaan maxad leedahay iyo maxaanad lahayn maxaa sharciya iyo maxaa xaaraana waxaad moodaaa inay isku soohadheen ciilkama kore iyo calooshii laciyaar Maanta oo ay tahay bisha feberoury 14 waxaa looyaqaanaa inay tahay maalinta jacaylka aduuna dadka isjecelna ay caadaysteen inay maalintaa siiyaan ahmiyad ugara jacaylkooda sanad guure uga dhigaan


waxaad arkaysaa maalintaas inay cirka isku shareeraan ubaxyada xanjooyinka wadnaha kasamaysan love ka iyo waxyaaba badan oo astaan u,ah jacaylka waxaana dhacda mararka qaarkood inay dad dhan oo magac kuleh aduunka;


maalinkaas is guursadaan si,ay uga dhigaan astaanta guurkooda maalinka jacaylka hadaba akhriste inyar ii ogolow inaaan kuwaydiiyo dhawr su,aalood ,,,,,malinta jacaylku halkay katimid ? Inkasta oo ayjiraan fikrada kala duwan oo laga qabo halka ay katimiday hadana waxaa la,isku waafaqsanyahay inay kusoo wada biya shubmayaan inay tahay maalin loogu magac daray qofmartabad kuleh diinta kiristaanka ,,, tusaale ahaan waxaa layidhaahdaa ,maalintani waxay ahayd maalintii ladaldalay.


wadaadkii kiristaanka ahaa ee la'odhanjiray (saint valentine) wadaadkan sida ay sheeganayaan waxaa lagu dilay arin ahayd waqtigaas boqorkii maamulayay dalkaasi talyaaniga oo mamnuucay inaan la isguursado ,,ayuu wadaadkan iyo wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen ayaa waxay kukaceen inay isku dhisaan dadka,, jabiyaana xeerkii uu udhigay boqorku dabadeedna boqorkii wuxuu maqlay warkii sidii ayaana lagu daldalay labadii wadaadba ,,taasi waa mid waxaa kaloo layidhaahdaaa malinta jacaylku waxay kabilaabantay magaalda roma waxaana looguna magacdaray boqorad la.odhanjiray (juno).


Su,aaal,,maxaa inoogu wacan inaan ciida gaalada si,indhala ula xusno teenana lagu tilmaamo inay tahay xadgudub wayn ?Waxaan cidina daah kasaaranayn inay gaaladu aaminsantahay ciida carafo ee u,ah dadka muslimiinta farxada ugu wayn inay tahay maalin lagu xadgudbay xuquuqda xoolaha waanad wada aragtaan oo maaha waxqarsoon dhamaan idaacadaha aduunka waalaga sheegaa ,ma arkaysid xataa iyaga oo shaqooyinkooda kafadhiya ,,maxaa inoogu wacan inaan noqono dadbilaa damiira oo hadii daasad latumaba daba joogo wallaaaaaahi waa wax laga xishoodo Jacaylka ay inala rabaan waa noocma?


Waxa ay inala rabaan mushrikiintu maaha jacayl sharciya ee waxay doonayaan jacayl banayna galmood ,,taasina waxay noqotay mid iyaga laftoodu kuguuldaraysteen oo hada magac uun kasoo hadhay Marlaga sameeyay dalka maraykanka daraasad ayaa waxa la,ogaaday dadka uu hayo cudurka nafsigu ,,inuu yahay haween ay ragoodu jidh dil kusameeyeen Dadbadan ayaa waxaa iimuuqata inay ufahmi doonaan inay diinta islaamku diidayso jacaylka taasina waa been diinta islaamku jacayl inuu jiro kama soohorjeedo laakiin waxay inoo ogoshahay jacayl gogoldhig u ah guur sharciya inta badana mar daraasad lasameeyay jacaylka guulaysta maaha jacaylka lasheekaysto sanadaha badan waxaana laxaqiijiyaya sheekada dheeree kahoraysay guurku inay boqolkiiba 80 fashiliso guurka.


Waxaa ugu wanaagsan oo laxaqiijiyay inaa guul laga gaadhi karo waxa weeyi jacaylka lagala hadlo hooyada iyo gabadha larabo la,iskuna dayo inaan loodejiyo fikrad ah guur degdega sheekaduna ahaado midlagaga tashanayo guur ee ayna ahaanin kolba daasadii latumo daba joogso gabdhiina waqtiga kaga ciyaar kasi maahin jacayl saxa ee waa saqajaan


c/fataax daahir cige



Cairo, EGYPT