Friday, October 12, 2007

Borama Iyo Munaasibada Ciidul Fidrida Ee Maanta.

Waxaa maanta si xoogleh looga ciiday magaalada Borama iyo guud ahaan Dalka Somaliland waxaana salaadii ciidul fidrida saaka subxadii hore lagu tukaday masaajida magaalada Borama qaarkood kuwaasi oo ay ka soo qayb galeen Maamulka Gobolka , Degmada , Culumaa’udiin iyo dadwayne aad u tiro badan oo ay ka qayb qaadayeen salaada ciida .

Waxaana munaasibada Salaada horteed iyaduna socotay bixinta sakaatul fidrida oo ay dadku siinayeen Masaakiinta taasi oo ah mid ku waajib ah qof yar iyo qof wayn inuu bixiyo Munaasibadan Ciidul Fidrida oo ka duwanaa munaasibadihii hore waxay ahayd mid dad aad u tiro badan oo aan awal magaalada Laga dareemi jirin ay isugu soo baxeen dariiqyada magaalada Borama , Goobaha Cabitaanka , Hotalada Waawayn iyadoo munaasibadaasi ay waliba dadku isku booqanayeen Xaafadaha si ay isugu hambalyeeyaan Munaasibadaasi farxada leh waxaana lagu tilmaami karay inay tahay Maalintii Caruurta sabobtoo ah waxaa jidadka marayay waalidiintii oo daadahaynayay caruurtii ay dhaleen oo xidhnaa labisyo cusub oo aad u qurux badan iyo qalabka lagu ciyaaro isla markaasin aad dareemaysay in maanta oo kale ilmuhu waxkasta oo uu dalbado inuu u ogolaanayay .

Waxaa kale oo ay dadku isugu hambalyaynayeen Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarik , Sanadkan sanadkiisa ku gaadha bash bash barwaaqo waxa aan iyaduna meesha ka maqnayn Biifowyada ama Leexooyinka Curuurtu ku ciyaaraan iyo Baabuur laga kiraynayay Caruurta oo daafaha magaalada Borama u kala gooshaysay taasi oo ciyaarku dareemayeen inay barteen goobo aanay hore u aqoon sida Dhigta iyo Airportka taasina ay u saamaxday munaasibadan ciida ee Farxada badan ay waalidiinta u ogolaadeen inay caruurtoodu u ogolaadaan inay usoo damaashaad tagaan suuqyada magaalada Borama .

Hadaba munaasibadaasi ciida awgeed waxaa hambalyo u diray umada reer Somaliland iyo dhamaanta Adduunka ku nool badhasaabka G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna ugu hambalyeeyey inay ku waaraan nabad iyo barwaaqo isla markaasina ku dadaalaan sidii iskaashi waxqabad loo samayn lahaa .

Waxaa isaguna munaasibadaasi hambalyada ciida hadal ka jeediyay Duqa degmada Borama C/raxmaan Shide Bile waxuuna u rajeeyey dhamaan umada reer Somaliland ee u dabaaldagaysa Munaasibada Ciidul fidrida inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo inkasta oo uu xusay in sida ugu dhaqsaha badan wadadiil laamayda ahayd ee magaalada Borama dhismaheeda loo bilaabi doono taasina ay ka qayb qaadanayso horumar ay gaadho degmada Borama.

Waxaa iyaguna munaasibadaasi Ciidul fidrida Awgeed hambalyo u diray Abukar Miicaad Shiine Dheere ,Faarax Abiib , iyo Ibraahim Aadan Qaalib waxaanay salaam iyo bogaadin u direen Madaxda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan iyagoo u rajeeyey in laga wada shaqeeyo Nabad ku wada noolaanshaha.

Abokor hassan Afi
Saylicipress - Borama

No comments: