Thursday, July 26, 2007

URURKA WAFAA OO SOO GABAGABEEYEY AQOON KORODHSI AY U SAMEEYEEN ARDAYDA - Abokor Afi

waxaa maanta lagu qabtay masaajidka AlI-ibraahim ee magaalada Boorama xaflad lagu soo gabageeynayey aqoon iskorodhsi socday mudo bil ah kaas oo ay ka faaiidaysteen 1090 arday oo u badan ardayada iskuulada dhigata taasina ay uga faa'iidaysteen xiliga fasaxa ah waxaanay ardaydu mudadaas baranayeen cilmiga diinta Islaamka gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, culuumta Xadiiska, Caqiidada iyo Naxwayaha luuqada carabiga.

waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Axmed Sheekh Jibriil oo ah gudoomiyaga ururka samafalka ee wafaa oo sheegay in aradayda ka faa'iidaysatay casharatan socday mudada bisha ah ay gaadhayaan 1090 araday hasa yeeshee ay dhamaysteen mudadii loogu talo galay 120 arday oo iyagu maalin kasta xaadir ku ahaa goobta wax barashada oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba, waxaanu ku booriyey in ay waqtiga iyo fustadaha soo maraya ay ka faa'idaystaan oo aanay dhayal kaga lumin, waxaa kale oo Axmed xusay in ay sii wadi doonaan hawlaha barida diinka Islaamak si ay ugu faa'iideeyeen dadkooda.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh. Xasan Deheeye oo ah gudoomiyaha ururka Awdal Charity waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay da'yar sidaas ugu heelan oo rabta in ay bartaan diinta islaamku in ay yihiin wax Ilaahay lagu mahadiyo, waxaanu sheegay in aduunyada tartan lagu jiro kaasana lagu kala badin doono cida horaynaysaana ay tahay cida diinteeda iyo dhaqankeeda barata ee ku mitida, wax kasta oo ka hor yimaada islaamkuna isaga ayaa burburi doona ayuu yidhi, waxaana lagama maarmaan ah ayuu ku soo gabagabeyey in ay dadku ku tartamaan sidii ay raali aahaansha ilaahay ay ku gaadhi lahaayeen.waxaa kale oo halkaasi ka hadlay sheekh Cumar Aw Yuusuf iyo Sh. Mamxed Yuusuf Cabdi oo sheegay in ay ku dardaaryaan dhalinyardy in ay ka faa'iidaystaan waqtigooda oo aanay iska lumin fursadaha soo maraya, isal markaana ay xojiyaan barshada diinta Islaamka.

waxaa isgauna halkaasi ka hadlay Cabdulqaadir Aadan Nuur oo ah gudoomiyaha Telesom waxaanu amaanay sh. Xasan Deheeye oo uu ku sheegay in uu yahay culimadii ugu horaysay ee ku dadaashay in ay dadka diinta baraan, isalamrkaana aan ahaa ayuu yidhi dadkii wax ka baran jiray sheekh sanadihii sedeetameeyadii ee ay jirtay dawladii MSBarre oo aan la ogolayn in dad badani meel lagu kulmiyo laakiinse imika ay jirti fursad badan oo dad wax lagu bari karo ama lagu kulmin karo.

weriye Hassan Isse iyo Abokor Afi
Saylicipress.net
Borama, Awdal

Wednesday, July 25, 2007

Association of Awdal Community of North America. (AACNA) - Press Release

Association of Awdal Community of North America. (AACNA)
25 July 2007
FOR IMMEDIATE RELEASE

Assocaition of Awdal Community of North America is a Not for Profit organization (or Non Profit Organization) formed at the Awdal Convention in Minneapolis, Minnesota of 15-17 June 2007. It was consitituted to organise, research, initiate and implement development projects in Awdal in collaboration with Awdalian Diaspora around the world, the Community inside Awdal and to seek the support of International donors, grant makers and philanthropic foundations and governments.AACNA has been given the mandate to make every effort to reverse the severity of underdevelopment in Awdal.The Board of AACNA has unanimously accepted that mandate and all the responsibility it entails during their tenure.

The resolutions of the above Convention have produced a long list of needs, and as is common to all underdeveloped communities, all of these needs are indispensable. Yet, in the interest of realization and fruition some have to be designated a priority. Those must have the characteristics of engendering community development. Some projects will need the altruistic sacrifice of a few members of the community, whereas others will require the collective determination, resources and the utmost sacrifice of the people of Awdal.

Having that in mind, the Board has decided that three projects namely the Dila-Borama road, Education and Seed Nursery will be the category A projects.Anchored in the criteria of collective sacrifice and owing to its critical importance to the wider social benefits, the Board of Directors of the Association of Awdal Community of North America has resolved that the road between Dila and Borama deserves the utmost attention of the people of Awdal and has been designated the primary project.The Board will, in the very near future, produce a fundraising plan that will involve the Awdal Diaspora around the world and the Awdal Community back home. The Board will produce directions and strategies for the various communities to start the fundraising and if necessary will send members to aid them in that capacity.

The designation of the road as the primary project does not, by any stretch of the imagination, mean that other projects will have to wait or be on hold. The Board and the Awdalian community will continue to implement projects simultaneously and according to the specific requirements of each project.The Board of Association of Awdal Community of North America would like to remind the Awdal Community every where that development is attained by those who unite to achieve it.

For more information please contact:
Mohamed Alabari, President at 612-290-1521
Nur Bahal, Vice President, 416-201-7090

Tuesday, July 24, 2007

Beel ka Mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal oo Damacsan Musharaxnimada - Waaheen online

Beel ka Mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal oo Damacsan Musharaxnimada Madaxweyne-Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye: Ilaa Lix Nin ayaa la Sheegay inay Tartan ku Jiraan: Arrumaha kale ee Jagadaa ku Xeeran Beel ka mid ah beelaha degan Gobolka Awdal ayaa la sheegayaa inay toddobaadka soo socda shir balaadhan ku qabsan doonto degmo ka mid ah gobolka Awdal si ay uga arrinsato sidii ay u keeni lahaayeen musharax u tartama jagada Madaxweyne-ku-Xigeenka oo iska soo sharaxa Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye.Ilo ku dhow dhow qabanqaabada shirkan ayaa Radio Waaheen u sheegay in uga yaraan lix (6) musharax oo ka soo jeeda beesha Moxamed Case ee gobolka Awdal ay u tartamayaan jagadaa, abaabulkuna uu ka socdo ilaa Djibouti. Ragga ugu fara cad cad waxay la sheegay inay yihiin:

1) Cabdilcasis Ismaaciil Samatar
2) Cumar Yusuf Qawdan
3) Cabdillahi Xaashi Abiib
4) C/raxman Cabdillahi Saylici
5) Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
6) Iyo Cabdillahi Xasan (BBC)

Abaabulka shirkan la sheegay ayaa laga dareemay Degaanada Waqooyi Galbeed iyo Awdal iyo magaala madaxda Hargeysa. Waxana la sheegay in Djibouti ay ka imanayaan wufuud ka qaybgalaysa shirkan. Toddobaadkii hore ayaa waxa Hargeysa lagu qabtay casuumad balaadhan oo ka dhacday Hotel Xaraf oo Cugaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo xildhibaanada Beesha Moxamed Case ay u fidiyeen xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiilada, ka dibna shir balaadhan ku qabsadeen Guriga Xildhibaan Moxamed Cali Xirsi., halkaas oo si toos ah ku dalbadeen inay beeshaasi qaadato jagadaa M/weyne Ku-Xigeenka ee Kulmiye.Xisbiga Kulmiye dhexdiisa waxa ka jira tartan xoogan oo rag badani isu soo bandhigeen jagadaa iyada ah. Iyada oo markii hore la filayey inuu xisbigu jagadaa u sharaxi doono nin ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha degga Hargeysa sidaas awgeedna ay isa soo bandhigeen rag ay ka mid yihiin:

  • Mujaahid Muse Biixi Cabdi
  • Dr. Siciid Axmed Xasan
  • Eng. Cisman Cabdillahi Cigaal
  • Muj. Ibrahim Moxamed Meecaad
  • Cali Moxamed Guuleed Ali Marshaal, iyo
  • Axmed Moxamed Xariif

Waxa iyana hunguri wayn ka hayaa beesha galbeedka Toghdeer oo la sheegay rag ka soo jeedaa inay shirar la yeesheen beelaha kale kana codsadeen in iyaga loo daayo jagadaas. Waxa arrimahaas oo dhami ku soo afjarmi doonaan shirweynaha labaad ee Xisbiga Kulmiye oo aan weli la goyn wakhtigii uu dhici lahaa iyada oo uu dib uga dhacay maalintii shalay ee July ahayd 22.

Source: WAAHEEN online