Friday, October 12, 2007

Sakaatul Fidridu Qof Yar Iyo Qof Waynba Waa Ku Waajib Inuu Bixiyo.

Sheekh Aways Sheekh Ali oo ka mid ah Imaam yada masaajiida magaalada Borama ayaa ka waramay bixinta Sakada iyo cidii ay ku waajibto Sheekh Aways waxa uu sheegay in xaafada uu ku nool yahay ee Saybeeriya ay had iyo jeer Culumada odayaasha iyo dhalinyaradu iska kaashadaan sidii Sakada ay qoysasku bixinayaan meel la iskugu keeni lahaa si loo siiyo dadka masaakiinta ah ee u qalma in la siiyo waxuuna sheegay in howshani oo ay iska kaashadaan ururka Awdal Charity inay soo bilaabeen sanadii 1998 ilaa imikana ay wadaan isla markaasina la siiyay Qoysaska ugu liita xaafadaasi

waxuuna sheegay in arintani ay kaga daydeen xaafado kale oo ka mid ah magaalada Borama waxuuna cadeeyey in sanadkan ay ilaa 200 oo qoys oo ah kuwa danyarta ah ay u qaybiyeen fidridii ay soo ururiyeen taasina ay tahay mid loo baahan yahay in si iskaashi leh looga wada howl galo dadka xaafaduna raali ka yihiin waxuuna intaasi raaciyay in sakada bixnteedu ay tahay inta ka horeysa Tukashada salaada ciida dabadeedna cidii bixisa sakada inay tahay uun mid ka mid ah sadaqooyinka la bixiyay.

Laakiinse waxuu ugu baaqay dadwaynaha inay ka waantoobaan inay bixiyaan salaada Ciidul Fidrida dabadeed waxii sakaatul Fidri ay bixinayaan waxuuna ugu dambayntii ku booriyay bulshada in qofwaliba ku waajibtay inuu bixiyo intii ku waajibtay Sakaatul Fidrida.

Abokor Hassan Afi
Saylicipress - Borama

No comments: