Tuesday, October 09, 2007

Sidee Bay Dadwaynuhu U Arkaan Dib Udhigista Doorashooyinka Golaha Deegaanka Iyo Madaxwaynaha

Gudiga doorashooyinka Dalka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray Go’aan ah in doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo madaxtooyada ee la filayay inay dhacaan bisha December ayaa dib loo dhigay ilaa SanadkaBisha December 2008.


Waxaa ay dad badani aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Dib u dhigista doorashooyinkaa loo sameeyey taasi oo dadka intooda badani ay hadal hayaan in ujeedadu tahay in Diyaar garow badan la sameeyo si aanay doorashooyinkaasi u noqon sidii doorashooyinkii hore loo soo qabtay oo dadka intooda badani ay iskaga noqnoqonayeen Sadex jeer Afar jeer taasi oo la odhan karo inaanay doorashooyinkii hore loo qabtay aanay anayn mid munaasib ah balse imika la damacsan yahay in doorasho qorshaysan oo si xalaal ah u dhacda oo dadkoo dhani ku wada qancaan isla markaasina laga ilaaliyo habacsanaantii hore ee la sameeyey.


Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo 2 bilood ka hore ka hadlay doorashooyinkan ayaa isagu tibaaxay inaanuu xisbigiisu ka qayb galaynin doorashooyin dambe ilaa Tirakoob lagu sameeyo codbixiye yaasha inkasta oo doorashooyinkii hore uga dhacay dalkana ay ahaayeen kuwo aan xalaan u dhicin waa sida uu hadalka u dhigaye.


Laakiinse Xisbiga Udub ayaa iyaguna waxay aamin sanaayeen in doorashada wakhtigii loogu talo galay ee sanadkani dabayaaqadiisa ahayd in la qabto iyadoo doorashooyinkii hore uga dhacay dalkana ay ku tilmaameen kuwo dimuqraadi ah oo dalka u horseeday horumar iyo waxqabad.


Xisbiga Kulmiye Masuuliyiintiisa sar sare oo iyaguna ka hadlayay arimaha doorashooyinka waxay ku rajo waynaayeen inaan doorashooyinka dib loo dhigin taasi oo ay ku tilmaameen in laga heli doono fursado badan oo lagaga faa’iidaysto hadii dib u dhca uu ku yimaado .


Axamed C/laahi Caafi oo ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Borama ayaa isaguna farta ku fiiqay in sib u dhigista lagu sameyey doorashooyinka ay tahay mid ay isla jaan qaadayaan mucaarid iyo muxaafidba loona arkayo wax badan oo markii hore qabyo ahaa inuu mudadaasi lagu hir galin doono .


Halka Faadumo Siciid Cumar ay ka walaacsan tahay doorashooyinkan dib loo dhigay iyadoo sabobta ku tilmaantay in mar hadii Golayaashii degaanku ay sanad dambe sii joogayaan in wax qabad la’aan ay ku habsan doonto bulshadii soo dooratay waxaanay intaa sii raacisay intii horeba waxba may qaban imika hadii sanad loogu darayna waxba soo kordhin maayaan laakiinse faa’iidadu waxay ku jirtay in wakhtigeedii la qabto oo aan dib loo dhigin.


Dadka kale ayaa iyagu waxa ay aaminsan yihiin in arintani gudiga doorashooyinka iyagu ay gaadheen ay tahay mid ay qiil ku raadsanayaan isla markaana ay aanay rabin dadkii wax dooranayay oo tooduun ka fikirayaan waxaanay intaa sii raaciyay in Todoba xubnood ee Gudiga Komisahanka aragtidooda iyo talo soo jeedintooda ay ka dambeeyaan xisbiyada Mucaaridka sabobtoo ah Xisbiga Kulmiye wali waxuu ku heshiin la’ayahay inay isla meel dhigaan Xubnihii Xisbigooda uga qayb gali lahaa tartanka doorashooyhinka iyo cidii hogaaminta yeelan lahayd.


Halka Xisbiga Uucidna uu ka warwar san yahay sidii uu dhaqaale badan oo uu doorashayada kaga qayb galo iuu u diyaarsan lahaa walise waxaan cadayn moqifka xibsiga UDUC oo aan ilaa iyo imika waku qavsab shirwaynahoodii ay ugu diyaargaroobayaan doorashooyinka soo socda, taasi oo aan la cadayn Karin ujeedada uu u qabsoomi waayay.


Gudiga doorashooyinku oo aan mudo Sadexbilood aan gaadhinba xilkaasi hayay waxay dadbadani aamin san yihiin waxyaabahan ay soo ban dhigeen danta ay ka leeyihin iyo ujeedada ay u jahwareerinayaan siyaasadii qaranka Somaliland .



Abokor Hasan Afi
Saylicipress-Borama

No comments: