Tuesday, October 09, 2007

Ma Xisbi Awdal, Keensataybaa Jira?. (Qaybta 3aad)

Ma Xisbi Awdal, Keensataybaa Jira?. (Qaybta 3aad)

Annaguna Ciidnee, Idinkuna Ciida: !!!

Waa qaybtii saddexaad ee maqaalkeena taxanaha ah. Qaybtan iyada ahna waxaynu ku gorfayni doonnaa taladii labaad ee aynu Isla maqaalkaas ugu soo jeedinay reer Awdal. Taladaasina waxay ahayd sidatan:

II. Keensada Xisbi, Ka Yimidday Awdal.

Waxaynu wax iska weydiinaynaa isla mar ahaantaana kaga jawaabi doonnnaa, su’aalaha kala ah:

Maxay tahay baahida Loo qabo, xisbi Awdal keensatay.?
Maxaa ka hor taagan inay reer Awdal keensadaan Xisbi?
Muxuu Xisbiga Siyaasadeed ee Awdal, u qaban karaa Awdal?
Maxaynu ugu magac darnaa Xisbiga Awdal Keensatay?

A. Maxay tahay Baahida Loo Qabo in Awdal keensato Xisbi Siyaasadeed?

Waxaynu ku bilaabaynaa baahida loo qabo in la yeesho ururo siyaasadeed oo Awdal keensatay kuna biira kuwa Somaliland iyo xitaa Somaliweynba. Baahidaas (the Need for Awdal’s Political Party) iyada ahna waxaynu kaloo soo dhex bixi doonnaa tusaalooyinka hoos ku xusan:
(i). Xuseen Ceelaabe Faahiye wuxu ka mid ahaa musharixiintii shirkii Carta isku soo taagay jagada Madaxweynimo ee dalka Soomaliya. Aqoon iyo karti uu isku hubo ayuuna isku soo sharaxay. Hase yeeshee qabiil ahaan waa laga tiro badnaa oo cidna ma filaynin inuu guulaysan karo.

Reer Awdal marka laysku wada daro Samaroon iyo Ciise wixii meesha markaa joogay, inyar mooyiye, intii kale qofna uguma ridin. Sida la tuhunsanyahayna waxay is yidhaahdeen: “bilooyoo geedku ila jabo”, oo haddaad u codeeysaan ninkan an guulaysan Karin, hadhoowto idinkuna jagooyin sare laydinka siin waayaa Xukumada dhalan doonta. Waxay iska ilaawaan xukummadda iman doonta inuu isla odaygaasi ku yeelan karo miisaan aad u weyn oo an marnaba cidlo lagaga tagi doonin.

Si kastaba ha ahaatee, Ceelaabe kuma guulaysan xitaa kumana soo dhawaanin tiro ahaan jagada madaxweyne, oo wareegii koowaadba wuu ku hadhay. Hase yeeshee marka laga soo bilaabo ilaa Dawladii Carta ilaa tan maanta, kolba wuxu kartidiisa ku hantaa jagooyin sare. Kuwii u codayn waayayna, cidi ma odhan waa kuwii Ceelaabe u codayn waayaye, iyaga siiya jagooyin sare. Isna sidoo kale cidi ma odhan waa odaygii isku soo sharxay madaxnimadee inaga cadaadiya oo jagaba yaan loo dhibin. Haddii uu maanta jagada ugu sarreeysa Soomaliweyn ka helana ma loogu dudi doonaa muxuu Awdal wax ugu qaban waayay?. Dabcan waa damaceena riqiiska ah, oo HAA waa loogu dudi doonaa. Sidaa iyo si le’eg hadduu jago liidata ku danbeeyo iyo buulkaba la dhigana ma lagu wiirsan doonaa. Dabcan waa dareenka diciifka ah, oo HAA, waa lagu wiirsan doonaa horena way u dhacday.

(ii). Sidaa iyo si le’eg isla shirkaasi Carta waxa sharafta lagaga xayuubiyay halyeeygii kalidii gacantiisa (single handily) ku aasaasay xisbigii SDA ee London lagu sameeyay. Halyeeygaasi waa Idiris Xasan Diiriye. [Rumaysta ama ha rumaysanina isagaa abaabulay, agaasimay, aasaasayna xisbiga SDA, inta xaqa garansan iyo Ilaahayna waxay u yihiin markhaatiye. Qorlaaka buuxa ee xisbigaasina anigaa diyaar idiin la ahe, waxyar iska sugoo, waxad yeeshiin, waxba hasii dacaroonina]. Waa la doogiye yaan la dacaroon.

Arrinta Idris waxay kaga duwanayd midda Ceelaabe, waxay ahayd; in kuwii ugu xigay qooys ahaan Idiris (The Founder and the Rock of SDA), yidhaahdeen, ma aha ninkaasu nin heer qabiil iyo qooys jooga oo na matali kara. Sidaa daraadeedna noogama qalmo kursi. Sidaasayna dadka hortiisa ugaga xayuubiyeen sharafta iyagoo adeegsanaya qaar ka mid ah qabqablayaasha dhuuni u dirirka ahaa ee ka socday dhinaca Jabuuti. Hadana Soomaliweyn, sidaas kagama hadhin Idirise, waxay ku qaateen xabadka, waxaynka ka maarmi waayeen xirfadihiisa, xilkasnimada iyo xushmada Ilaah siiayay, oo wuxu ka mid ahaa dadyoowgii ugu horeyay ee jagooyin loo magacaabo.

Kuwii kursiga u diidayna isagay hoos yimaadeen. Haatan oo Idiris iskaga baxay siyaasadda bullaacadda ahna, waa wada ogsoon yihiin gefkay ka galeen oo waa ay ka qoomameeyaan intooda badani. Idris (sheekadan waxan ku dari doonaa qoraalkayga soo socda ee SDA), maalin maalmaha ka mid ah wakhtigii uu u dadaalayay SDA 1989/90, ayaa waxan arkay isagoo kacaa fadhiisana oo aad ugu hawlan hir galinta xisbi siyaasadeed oo Awdal yeelato. Waxanan ku idhi “waan ku arkaa sidani ad u dadaalayso, waxanse ka cabsi qabaa in dadkeenu imika waxba kuu qiri waayaan, ogaana waayaan halgankan ad ugu jirto”, oo markaad gaboowdo ama dhimato kuu qiraan. Wuxuna iigu jawaabay, “God-Forbid, that will be too late”. Idiris waa noolyahay oo ma dhiman, mana gaboobin, oo waa 20 jir, waxanan filayaa inaanay noqon doonin ‘too late’ inaan ka hadalno kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu inagaga jiray. Waxan u baryaynaa cimri dheer iyo Caafimaadqab.

(iii). Intaa ka soo gudub; waxa la soo gaadhay Somaliland iyo doorashadii runta ahayd ee lagu tilaami karayay diimuqraadiyada da’ada yar ee ka dillaacday geeska Afrika. Waxa jagada madaxweynimmo isku soo kala sharxay, Daahir Rayaale, Axmed Silaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Nasiib wanaag doorkaasi inta badan ee reer Awdal waxay codkooda ugu deeqeen Daahir Rayaale, oo reeraha qaarkood (M/Case, ee ceelaabe kasoo jeedo) ma odhanin, anagaba Ceelaabe way nagu taageeri waayeene, anaguna an uga baxno, doorashada Daahir(si kastaba xaaladuhu ha u kala duwanaadeene). Taasi waxay ahayd guul iyo sharaf usoo hoyatay dadka reer Awdal intoodii garatay inay Daahir taageeraan.

[Haddii nin kale reerahaasi kasoo jeedi, isku soo taagi lahaa jagada madaxnimo ee Somaliland, in sidii Ceelaabe laga yeeli lahaana mooyiye, hadana tol waa tolane, weynaaduuna waraabe cunaa, curadna waa kii badiya dulqaade].

Hase yeeshee, maanta oo xitaa an laba hubin inuu Daahir Rayaale iskaba daa doorasho uu ku guulaystee, isa soo sharaxi doonoba. Waxay reer awdal u kala daateen sida hadhuudhka. ama tusabax furtay. Waxay u kala badinayaan Siilaanyo iyo xisbiyada mucaaridka. Ismay odhanin bal an sugno horta in Daahir dib isku soo sharraxo iyo in kale. Hadduu isa soo sharxana, dee ama an ku diidno oo qof kale oo isaga laftarkiisa la loolama kasoo saarno Awdal, ama ku yeelno. Aqoonyahaniinta imika naleh waxbaan badalaynaa, oo xisbiyada mucaaradka ah ayaan galaynaana, taasi way seegtay. Kuwa iyagu markoodii horaba ku jiray xisbiyada mucaaradka ahi waxsaarka maleh, oo awalba waxay ahaayeen mucaarid. Waxayse fari ku godan tahay kuwa markii horaba u nacamlaynayay Daahir Rayaale ee marka dantoodii shaqsiyaad u socon weyday, yidhi waan cararaynaa, oo odaygaba ceelbaan kusoo duminaynaa. Dee yaa ka caqli liita oo sidaas cod ku siin doona.?

Sida qaalibka ah; Daahir Rayaale, uma qaban Awdal wax la taaban karo oo lagu faani karo, waxase la odhan karaa waxa ku faani karta Somaliland caam ahaan oo taariikh uu ku leeyahay. Kuwa soo socda ee ka yimaada Awdal ee isaga badali rabana lagama sugayo inay wax taraan Awdal balse waxa la filayaa inay raad ku yeeshaan dalka ay maamuulka u hayaan Sobabtuna waxay tahay xisbi midaysan oo awel horaba Awdal keenstay oo qof reer Awdal ah ku hayn kara jagada madaxnimo ama wasiirnimo ama jago kaleba, ma jiro. Sidaa daraadeed qof kasta oo masuul qaada oo kasoo jeeda gobolka Awdal wuxu noqon doonaa qof calooshiisa iyo dantiisa ku ilaashada meesha uu joogo. Isla mar ahaantaana rajo iyo maamuus ka suga soomalida kale balse ka quusta oo ka qadh goosta dadka reer Awdal ama samaroonba an nidhaahnee.

Tusaalooyinkaas an soo qaadanay oo dhanna waxay ka marag kacayaan in waxa kala tafaraaruqa ugu wacan reer Awdal, tahay iyaga oo an lahayn; “Bir-ma-Geydo Guud”, Bir-ma-geydo Gaar ah, iyo Bir-ma-Geydo Gooniya, oo midkoodna an la dhaafi karin.

Hadii waxyar halkan aynu sii jilcino; bal kasoo qaad haddii aynu leenahay birmageydo guud, waxay innagu dirqiyi lahayd in marka siyaasi ama aqqonyahan reer Awdal ahi isku soo taago jagada ugu sarreysa ee madaxweyne oo ah dan guud, in dhammaan dadka reer Awdal u codeeyaan. Isku soo wada xooriyoo, Bir-ma-geydadaas dhan walba leh waxa lagu kasban karaa laguna keeni karaayi waxay tahay xisbiyo iyo ururo isku xidha dadka reer Awdal meel kasta oo ay joogaanba oo ku mideeya danta guud/gaar/iyo gooniba.

Muhiimmaddu waxay tahay, in baahi weyn loo qabo xisbi awdal keensatay si loo helo aragti midaysan oo guud, aragti midaysan oo gaar ah, iyo aragti midaysan oo gooniya. Iyo si loo helo odoros siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, iyo ijtimaaci oo hor leh, iyo aayatiin dhaxal gal ah. Taasi waxay u suurto galin doontaa buslho weynta Awdal inay daryeelaan hal dooradadooda iyo halyeeyadooda dabooli kara baahi kasta oo ay qabaan iyo waxkasta oo ay higsanayaanba. Docda kalana waxay siin doontaa waxgaradka awdal, kalsooni iyo yididiilo ay dadkooda ku qabaan, waxna ugu qabtaan, ogaadaana in ummaddi ka danbayso. Waxan odhan karnaa xaaladaha siyaasadeed ee geeska Afrika, gaar ahaan Somalia/Somaliland , waxay baryhan danbe isku babadalaan sida dabaysha dalkan Ingiriiska oo kale. Diyaar garow iyo tabaabulsho isku xidhan ayaana lagaga dabaalan karaa.

B. Maxaa Ka Hor Taagan inay reer Awdal keensadaan Xisbi?

Waxad is odhan kartaa waxa ka hor taagan reer Awdal inay keensadaan xisbi siyaasadeed oo ka yimiday Awdal, saddex arrimood, oo kala ah:
i). Xal Raadin:

Wali Dadka reer awdal waxad mooddaa inay ku jiraan xaaladdii xal raadinta, oo aanay ugaba gudbin xaaladdii xaq raadiska, mudadaa 16 ka sanadood ee Somaliland jirtayba. Dadka reer Awdal qaarkood waxay isku haystaan inay wali kala celinayaan oo kala horjoogaan waloolahoodii kale ee Somaliland . Hadday sidaasi yeeli waayana malahooda waxa ku jira in Somaliland burburi doonto. Habase noqotee, ma is wediiyeen dadkaasi su’aasha ah inay iyagu keeneen Somaliland markeedii horaba iyo in loo keenay oo waliba lagu dirqiyay?.

Iyagoo reer Awdal xaaladaasi ku jira xal raadinta ah, ayaa hadana waxa sidoo kale muuqata in dadka kale ee walaalahooda ee kula nool soomalilandna uba sii sinqayaan xaaladii xaq raadiska, oo ka gudbeen xal raadin iyo sabasabaalayntii hore. Taasi oo ad arkayso in beel walba ama gobol walba u dadaalayo is balaadhin iyo xaq isa siin. Isla markii xukumada Somaliland hano qaadayba waxa lagu ku tallaabsaday in gobol loo sameeyo Berbera. Gobolkaasi oo tayo iyo tiraba an la barbar dhigi karin Awdal balse hadana saamiga kuraasta baarlamaanka ee la siiyay uba dhigma kuwa Awdal (wax badan isma dheeree).

Waxad arkaysaa Hargeysa oo gaadhay horumar gaadhay ilaa heer ku salaysan kobcin guryayn (Housing Development). Halkaas oo imika hayadaha gargaarku dhisayaan guryo loogu talo galay dadka Danyarta ah. Waxa jirta Burco oo idaylkeeduba ka madax bannaanaatay faro ku haynta Hargeysa oo awood buuxda u leh maamulkooda daakhiliga ah. Gabiley oo is fidisay oo dhul ballaadhsi u tafo xaydatay, cududna ka haysata dawladda Hargeysa. Sool iyo Sanaag oo lugaha kula wada jira S/Land iyo Somali/Weyn labadaba, dantoodana an cidi ku faro galin. Waxa soo hadhay gobolka Awdal oo dhammaantii noday degmada Awdal, oo gacanta ugu jirta gobolka Hargeysa.

Guulaha dawladu u keentay, ee gobolkeena Awdal ku faanina, malaha waxayba tahay Caasimadii Awdal ee Baki oo loo soo raray Boorama, iskaba daa degmooyin kale oo la kordhiyee?!. Waa guulaha Awdal ka gaadhay Somaliland . Reer Booramana qaarkoodbaaba u haysta inay tahay guul in Boorma oo an u baahnayn in caasimad lagu magacaabo oo Ilaahayba ka dhigay caasimadda Samarroon, loo magacaabo caasimada Awdal, oo u sacab tumay. ‘Bahdayada Bah Caylaba waa wada caynkaasi’!. Toloow ma og yihiin kuwaasi in ujeedada laga lahaayi ay tahay mid u muuqata in lagu guulaystay ama lagu guulaysan doono. Taasi oo ah in Berbera iyo Gabiley loo sameeyo dal ballaadhsi, Awdalna lagu soo koobo degmada Awdal, ee Boorama u tahay degaan iyo magaalaba.?

Jaamicada Cammuud iyo Dugsiyada kale ee waxbarasho ee Awdal ka jirana ma aha kuwo dawladi shaqo ku leedahay oo la odhan karo waa guulaha laga helay dawlada Somaliland . Si kastaba ha ahaatee reer Awdal oo wali u haysta in lagu jiro xaaladii xal raadiska iskana dhaadhiciyay in wali Somaliland tahay curdin imika indho barraqsaday waa sobabta koowaad ee loo aanayn karo inay uba diyaar garoobin inay soo abuubalaan xisbi ballaadhan oo siyaasadeed oo Awdal ka hano qaada kuna faafa dalka intiisa kale

(ii) Is tix galin iyo aaminaad la’aan.

Tani laftarkeedu waxay la qoob wadaagtaa xaaladii hore ee ahayd xal raadinta. Waxana la odhan karaa, reer Awdal inay iyagu is bahaystaan oo xisbi yeeshaanba waxay u rakaan inaanay ku jirin maslaxada iyo xalka dhexdoodu. Haddii tii hore ahayd inay isku haystaan inay iyagu kala hor joogaan oo xal iyo waanwaan u yihiin walaalahooda kale ee Somaliland , tanina taas ayay ka soo hor jeedaa (Opposite). Waxayna tahay inay malaha iyagu dhexdooda is tuhun iyo kala shaki qabaan oo ay is leeyihiin ku food qarsada xisbiyada kale iyo reeraha kale ee Somaliland oo haba idiin noqdaan dhufays ad ku kala gabatiin ama isugu soo gabatiin.

Dad badanbaa laga yaabaa inay ka biyo diidi karaan hadalkaasi, waxase tusaale inoogu filan sidii markiiba loola kal booday xisbigii SDA isagoo curdin ah ee aakhirkiina inta labo garaba loo kala jabiyay, garab ka mid ah gacanta loogu galiyay mid ka mid ah caadawihii loo aasaasay inuu ka hor tago, oo ahaa SNM. Halkaas oo ninkii SDA hoos geeyay SNM, hadana markii SNM guulaysatay isaga loo bixiyay LABA TOLE, oo caleemo qoyan lagu soo dhaweeyay. Ninkii aasaasay SDA, isna cidlo lagaga tagay oo la odhan karaba wuxu noqday Geesiga runta ah ee Tol waayay. Waa lakala garanayaa ayaan filayaa labadaas nin, iyaguna waa iska keen yaqaanaan oo waa rag isku fac iyo asxaab ahe. Intaasna u dhaafin mayno hadalka qaybtan.

Is tuhunka iyo tashuushka noocaas ee tacdiibka badana, waxan is leenahay waa loogaga bixi karaayi waxay tahay in beel –beel iyo qooys-qoys iyo xeerkii iyo dhaqankii qadiimigii ee aynu lahayn dib logu noqdo. Geedna layskugu yimaado oo si calool fayoow oo furan loo wada hadlo, deg-degna xal loogu helo wixii mustaqbalkeena danbe u keeni doona murugo iyo ciil ubadkeenuna la madluumi doonaan.

(iii). Cabsi reer Awdal ka qabaan inuu xisbigoodu aqlabiyad heli Karin.

Dadka qaarkood ayaa waxay ku doodaan in hadii xisbi siyaasadeed laga soo sameeyo Awdal uuna xisbigaasi ku guulaysan doonin doorashooyinka. Tani waa dood iyo cabsi riqiis ah oo an loo baahnayn in laysku khuukhiyo. Haddii xisbiyada hargeysa iyo Burco laga keenay ka heleen cod gobolka Awdal, maxaa ka hor taagan in xisbi ka yimiday Boorama uu ka helo cod Hargeysa, Burco, Berbera, Sool iyo Sanaag. Haddii cabsidiinu run tahay oo walaalaheena kale ee Somaliland rabin xisbi Awdal ka yimiday balse kaliya rabaan uun shaqsiyaad ay awdal kasoo xushaan. Taasi maxay ka dhigan tahay?. Taasi waxay ka dhigan tahay; “jacayl an lagula wadin wakhtigaaga yuu lumin”. Sidaan u jecelnahay Somaliland hadaanay noo jeclayn dee ma jeebaa iskugu keen jira, jaaaaaw nabad galyo, jaaw Hargeysa Jaaw…..

C. Muxuu Xisbi Siyaasadeed u qaban karaa Awdal?

Horumarkasta oo gobolka Awdal ku faano ama higsanaayo inuu hanto ee ku lug leh xag waxbarsho, Caafimaad, Ciyaaro (sports), dariiqyo, dikado, badaha , buuraha iyo beeraha. Waxa xaqiiqo ah inuuna marnaba hano qaadi doonin oo heerka la rabo gaadhi doonin iyadoon la helin hadaf siyaasadeed oo lagu midaysan yahay oo kuwaas hir galiya. Sobabtuna waxay tahay kolba hufada xisbiyada siyaasadeed ee Hargeysa iyo Burco ka yimiday ayaa kolba dhinac u hafini doonta himiladaas horumarineed ee gobolku tiigsanayo.

Si taasi looga hor tagana waxa lagu kasban karaa hadaf siyaasadeed oo la hano qaada hadafka horumarineed ee gobolka. Wuxu gobolku yeelan doonaa mawqif cad oo an la
muqiinin Karin lana miidhi Karin, dadaalka dadkiisu ugu jiraan daryeelkiisuna wuxu noqon doonaa mid lagu najaxo oo laga midho dhaliyo.


D. Maxaynu ugu magac darnaa Xisbiyada Siyaasadeed ee Awdal?

Doorashadii dalka dib ayaa loo dhigay, taasina waxay siin doontaa fursad ay dadka reer awdal ee guri jooga iyo qurba jooga kala ahiba ugu diyaar garoobaan inay ka tashadaan samaynta xisbiyadooda. Horey waxayn u bixinay dhawr magac oo u yaala reer Awdal inay qaataan ama kuwo kalaba ku badalaan. Magacadaasi waxay kala ahaayeen:

Ø USTAAD – Ururka Sinnaanta Tobabarka Aqoonta iyo Abaabulka Dadweynaha

Ø UMMAD – Ururka Maaraynta Midnimada iyo Agaasinka Dadweynaha

Ø XIDID - Xisbiga Daacadda iyo Dadaalka.!!!.

Magacda saddexdaas xisbi midkii ay ka doortaanba waa mid an u hannaynay dadka reer Awdal. Aqoonyahaniinta joogta Awdal iyo waxgaradka imika u kala tartamaya xisbiyada Somalilandna waxaban ku guubaabin lahayn inay mid ka mid ah xisbiyada aynu halkan magacdooda ku sheegnay hir galiyaan una kala tartamaan midkooda noqon lahaa guddoomiye iyo guddoomiye xigeen iwm. Siyaasiga halkaas kasoo dhalaala ayaana saamayn weyn ku yeelan doona siyaasadda geeska Afrika, taasna iga gunta.


Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno.!!!

Abdiqani Ateyeh

London UK

hiildan@yahoo.com

2 comments:

Anonymous said...

Awdal waa kulmiye

Anonymous said...

Hello all
valium diazepam
Some serious side effects of Lorazepam are uncertainty, mood depressions, twitching of muscles, a feeling of losing one’s consciousness, hostility, suicide attempts and flu-like symptoms.
[url=http://www.scrapbook-paradise.com/]cheap valium[/url]
If you have been prescribed to take Valium, be sure to keep it in a place where no one in the family will be able to get it.
http://www.scrapbook-paradise.com/ - valium pill
One cannot also take Valium if one has liver problems, temporary cessation of breathing during sleep, serious breathing problems, and abnormal fatigability and weakness of the muscles.