Tuesday, October 09, 2007

Jawaab: Maxadwayne ku xigeenka Maxamed Case ayaa iska leh - Muna Cali

Waxan akhriyey maqaal ay qortay gabar la yiraa Najma kaasoo ay cinwaan uga dhigtay madaxweyne ku xigeenka Maxamed Case ayaa iska leh. Runtii ma xuma laakiin maqaalka waxa ka muuqatay caadifad qabiil,Najma waxba ma taransan tolkeedna ceeb uunbay usoo jiiday.Haddii xaqiiqda laga hadlo arintu sidaa ay sheegtay uma dhawa aadbay uga fogtahay qoraalkeeduna waa mid aan xaqaa'iqa ka turjumayn dhankastaba.Ha noqoto xaga degaanka,xaga dadka ama mujtamaca,xaga miisaanka iyo xaga martabada intaba iyo waliba xubanaha baarlamanka ee ay xustay.Waxan orankaraa way ku degdegtay waayo beesha Makaahiil waa lafdhabarta beelaha Samaroon.

Waxan shaki ku jirin in qoraalka najma yahay mid kasoo shidaal qaatay sheekada ama haasaawaha baryahan danbe ay dad dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beesha maxamed case isku maaweeliyaan.Kaasoo odhanaya maxamed case waa beesha ugu balaadhan mujtamaca ku nool Awdal,waa beesha kaliya ee iyadu meteli karta awdal sidaas darteedna wax laga waydiin karo iyadoo beelaha kale u aragta soo galooti.Ma jecli inaan hoos ugu dhaadhaco arimaha qaar laakiin waxgaradka beeshu wuu ogyahay xaqiiqada,laakiin waxa jirta dhalinyaro baryahan danbe meelahaa kaga sheekeeysa arimahaa iyo kuwo kale oo badan

Hadaba beeshu marka ay arimahaa iyo kuwa kalaba saxeexayso waxay tusaale usoo qaataan tartankii xisbiyada iyo xubnihii golaha baarlamanka usoo gudbay.Waxay ka dhigaan tartan dhexmaray beesha maxamed case iyo beelaha kale ee Samaroon taasina waa wax aan jirin.Hadii xaqiiqda laga hadlo todbada xubnood ee beesha maxamed case kasoo galay baarlamanka afar ka mid ah waxa soo saaray Makaahiil.Taana xaqiiqdeeda waxad ku ogaan doontaan xaga hoose.

Waxa xusid mudan tartankii golaha degaanka kii madaxweynah iyo kii barlamaanka inay intuba ahaayeen qaar dhexmarayey axsaab ee aanay ahayn kuwa udhexeeyey beelaha Samaroon ama Makaahiil iyo Maxamed case.

Anigu waxbadan baan ka ogaa sida ay arintu udhacday xiligii doorashada wakiilada somaliland iyo xataa tii golaha degaanka khaasatan degmada Boorama.
Horta beesha maxamed case waxay cayaartay shax,waxay ogaadeen in sadex nin uu madaxwaynuhu wato sidaas darteedna ay gar iyo gardaraba ku soo baxayaan,sadexdaa nin waxay ka sharaxnaayeen xisbiga talada haya ee UDUB waa Afwayne,Gaagale iyo alla ha unaxariistee Aare.
Sadex xubnood beesha waxay uga soo baxeen mucaaradka sadexna muxaafadka hadda waa gobolka awdal uun.xubina gobolka hargeysa cali gabiley,xubinta gobolka hargeysa waa cali gabiley'e codbuu ku soo baxay xubinta gobolka awdal ee kulmiyana waa Mahdi gees'e codbuu kusoo baxay laakiin shanta xubnood ee kale waxa saaran calaamatu su'aal sidey kusoo baxeena waa la ogaa.waatii loo bixiyey Sunaami.

Waxan halkan ku faah faahin doonaa siday xaajadu udhacday. Sadexda muxaafidka ah waxay kala ahaayeen Aare (Bahabar Celi), Axmed Maxamud Maxamed - Afwayne(Reer Maxamed) iyo Cabdi Jamac Maxamud - Gaagaale (Bahabar Muse).

sadexda mucaaradka ah waxay kala ahaayeen Abubakar Cabdiraxman Maxamud (Reer Maxamed), Mahdi Cabdilaahi Maxamud (Reer Maxamed) iyo Mahdi Xuseen Cadar - Gees(Bahabar Celi). Halka Cali Obsiye (Cali Gabiley) isagu ka ahaa Bahabar Aadan.

Bal hadda aan labadan kooxood kolba mid isdul taagno:Sadexdan xubnood ee xisbul xaakimka ah iyo ninkale oo kale oo kasoo jeeday beesha Ciise waxay ahaayeen isku doon.Afartaa nin waxa awood loo siiyey inay iyagu isku codeeyaan, sidiibay udhacday! Afarta xubnood waxay sii raaceen baabuurkii sanaaduuqda iyo waraaqaha waday. Xaqiiqda biya kama dhibcaanka ahi waxay ahayd inay iyagu isku ahaayeen xukuumadii, booliskii, komishankii, goobjoogayaashii, shacabkii codaynayey iyo kuwii loo codaynayey intaba.

Sanaaduuqdii waxay la tageen banka giriyaad inta geed hoostii lala fadhiistay ayaa halkaa lagaga shaqeeyey dhalinyartii goobjoogayaasha ahayd intii amarkooda qaadatay waxay ka dhigteen shaqaale intii ka hortimidna way caydhiyeen iyagoo ugu hanjabay inaanan dib loo arkeyn oo ay dooxa ku xabaali doonaan hadii ay iska tegi waayaan.Cid arintaa wax ka qabatayna ma jirin waayo cidii wax ka qabanlahayd waa ta awooda usiisay inay iyagu gacantooda isku soo saaraan.


Waxa laga yaabaa in ay akhristayaashu goorahanba is waydiinayaan odayaasha maxaa arinkaa ku kalifey sow kuwii ahaa rag magac leh mee beelihii ay kasoo jeedeen iyo taageerayaashii xisbigii ay ka tirsanaayeen?Su'aashaa jawaabteedu waa tan Nimankani waxay ahaayeen niman in badan xukuumdihii kala danbeeyey kasoo tirsanaa Aare iyo Gaagale waxay ahaayen xildhibaano, Afwaynana wuxu soo qabtay xilal ay ka mid ahaayeen Badhasaabnimo.

Sida aan ka warqabno ragani waxy ahaayeen niman dantooda uun meesha ku ilaashada sida illaa imikaba ay yihiin oo aanan haba yaraatee dheg uraaricin tabashooyinka beelaha ay kasoo jeedaan.Inkastoo ayna kaligood ahayn ee ay ka simanyihiin/sinaayeen dhamaan masúuliyiinta gobolka ku abtirsadaa.Sidaas darteed wax ay dadka gashadeeni majirin beel kastina waxay utashatay dhankeeda ka dib markii ay ogaadeen in uu xisbiga talada haya ee Udub nimankii caynkaa ahaa soo sharaxay.Waxa iyadna xusid mudnayd beelaha maxamed case oo macaaradad qaawan kala horyimid maamulka Dahir rayaale,taasina waxay sii laba jibaartay nacaybka loo qabo xubnaha ka sharaxan xisbiga talada haya.

Maxay samaysay beeshu? Beesha maxamed case waxay cayaartay shax,Waxay ku tashadeen in xisbiga udub iyo sadexdan xubnood ee uu wato la isku daayo, maxamed casana xubnaha macaaradka ka sharaxan uu u codeeyo.Sidiibay udhacday waxa loo codeeyey xubnihii mucaaradka ka sharaxnaa hal cod lama siin xubnihii udub marka laga reebo xildhibaan Gaagaale oo ay bahabar muuse ucodeysay laakiin tirada ku buuxsaday qaybtii uu share-ka uhelay ama intii kasoo hadhay Afweyne iyo ala ha unaxariistee Aare.

Imikana bal aan idiin kexeeyo xagaa iyo xubnihii mucaaradka ka sharaxnaa.Sadexda xubnood ee mucaaradka kasoo baxay sida aan soo sheegnay waxa cod kusoo baxay Mahdi gees halka Abubakar iyo Mahdi cabdilaahi oo isku jufo ahi farsamo kusoo baxeen.Xubnaha mucaaradka ee xisbiga kulmiye waxa Aabo u ahaa C/raxmaan awcali isaguu ahaa ninkii Baki tegay ee ku dagaalamay in Abubakar Good iyo Ikraan X.daauud lasoo saaro gar iyo gardaraba.

Halkaa waxa inooga cadaatay in beesha Makaahiil ee ay Najma eedaynayso ahayd tii keentay guusha ay ku faanayso iyo inay xubnahani xisbi ahaan kusoo baxeen ee aanay beesha maxamed case soo saarin.Waxa iyadna xusid mudan oo qaabkaasoo kale ku yimid xubnaha beesha maxamedcase ee xisbiga udub kasoo galay golaha degaanka ee Boorama.Ugu danbeyntii waxan odhanlahaa dadka been yaan loo sheegin,beeshuna yaanay been isku sheegin ee ha ogaato inay raso uqaldantay.

Ta madaxwyne xigeenka hadaynu usoo noqono xaqbay uleedahay beeshu inay ku tartanto. Laakiin anigu hadaan adiga ku ahaan lahaa( if i were you i would say that) waxan odhanlahaa Madaxweynaha Maxamedcase ayaa iska leh,waana midaa ta aan kulahaa tolkaa ama tolkay ayaad ceeb usoo jiiday.

Muna cali
muna.cali@yahoo.com

No comments: