Thursday, October 11, 2007

Komishanka Oo Magacaabay Guddida Diiwaangelinta

Submitted by admin on Thu, 11/10/2007 - 14:49.
Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday guddiga kala hawlgelidoona hawsha diwaangelinta cobdixiyaasha doorashooyinka iyo sugida jinsiyadda. isla markaana waxa ay cayimeen wakhitga kamadambaysta ah ee Xisbiyada Qaranku qalinka ku duugi doonaan muddo kordhinta doorashooyinka.

Komishanku waxa ay sidaa ku sheegeen shirjaraa'id oo ay shalay ku qabteen xaruntooda Magaalada Hargeysa,Md, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah gudoomiye ku xigeenka Komishanka doorashooyinka oo shirkaa jaraa'id ka hadlayey, ayaa waxa ay uu sheegay si loo bilaabo hawshii diwaan-gelinta codbisiyaasha ee xisbiyada Qaranku isla qaateen in loo baahan yahay in la sameeyo Guddi farsamo oo hawshaa fulinteeda hagta.

"Waxaa maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 10/10/07 aanu bilawnay, sidii loo bilaabi lahaa hawshii diiwaangelinta ee ay Xisbiyada Qaranku islaqaateen. Waxaana aanu hada ka bilawnay in aanu isu keeno Todobadii xubnood ee Guddiga farsamada ahaa, ee Xeerku jideeyey in ay hoggaamiso hawsha diwaan-gelinta codbixiyayaasha, Kuwaas oo ka kooban laba xubnood oo Komishanka ka socda, laba xubnood oo Wasaarada Arrimaha Gudaha ka socda iyo 3 xubnood oo ka socda Saddexada xisbi Qaran.

Todobadaa xubnood ayaa hoggaamin doona diwaan-gelinta codbixiyaasha Qaranaka." Sidaa ayuu yidhi Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Markaa waxa aanu idinla socodsiinaynaa, hadii ilaahay yidhaahdo, wixii imika ka dambeeya in la guda geli-doono hawgalkeedii, shaqaalihii, Goboladii, qalabkii loo baahnaa iyo wixii farasamo loo baahnaaba."

Dhinaca kale waxa uu Md Xirsi Cali Xaaji Xasan sheegay in maanta loo balansan yahay in Saddexda Xisbi Qaran Masuuliyiintoodu ay si wada jira ah qalinka ugu duugayaan mudaynta cusub ee dib loogu riixay doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo ta Madaxtooyada. Guddidaas uu Komishnku ku dhawaaqay in ay kala shaqaynayaan hawsha diwaan-gelinta, waxa magacyadoodu kala yihiin;

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Gudoomiyaha Guddiga diwaan-gelinta cobixiyayaasha doorashooyinka iyo jinsiyada

Maxamed Ismaaciil xubin Komishanka ah
Axmed Jaambiir kaahin Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha

Maxamed Jaamac Colaw Agaasimahaguud ee Waraasarada Arrimaha Guddaha.
Cumar Jaamac Kaahin oo ka socda Xisbiga UDUB
Axmed Maxamed Buubaa oo ka socda xisbiga UCID
Axmed Caydiid oo ka socda Xisbiga Kulimiye

Source: Hadhwanaag

No comments: