Wednesday, October 10, 2007

Talo Xume Tol Ma Biirsho - Cabdilahi Ibrahim -UK

Aniga oo tixraacaya maqaal aw qorey maxamed jamac dharaar
oo runtii si wanaagsaneyn ugu talax tegey beesha maxamed case

beryahan danbe waxan jirta ina beesha makaahiil is diidsiineyso runta
oo ah in maxamed case foodkii u danbeeyey ku guuleystey doorashadii
7 xubnood halka samaroonka kale oo dhaammi ka heley 6 kursi marka
la isku daro, iyaga oo weliba ay u dheereyd inay soo saaraan ikraam x.
daauud oo iyadu afkeeda ka qirtey maxamed case inay ahaayeen
reerkii soo saaray.

waxana la wada ogyahay cabdi gaagaale inu caawiyey
arintaasina waa la wada ogaa. maxamed dhararna waxan leehaya halka ad
tidhi cabdiraxmaan aw cali taageera waxad ka heli doontaan rayaale waxad ka
weydeene, jawaabteedu waxay tahay magac fooyo kuma baxo oo horaa loo
loo yidhi cabdiraxmaan tolwaa, waxana magacaa aw qirey malintii tolkii
400 kaga dhimatay borama ee dhiigoodii iyo dhiiladoodii kursi aw dhaafsadey
inataa waxa ka daran oo aanan dadku iloobi karin xuukhinta tolkii aw odhan jirey

wallaahi haddii ad is waalwaashaan inan snm tii u yeedhi doonaa iyo ciidamadii
ku meersanaa ee snm ta ahaa ee samaroonka sida ayda aw ugu diri jirey
sharafta iyo wanaagga ina aw cali ad ku sheegtay ma taasaaaa!!!!!!
ta maxamed case nin u dhigma cabdiraxmaan ma laha ad u tidhi ma taasaa!!!!!
damiirxumada iyo damaqasho la'aanta haddii ad sharaf u yaqaan
isku wanaag iyo iyo isku sharf baynaan aheyne horaal loo yidhi tala xume tol
ma biirsho e nafta aniga aw i galinayo adiga ha geliyo dharaarow amma reerkaba
waxanad ogaataa haddii rag sharaf leh oo international figures ah oo aduunkana
laga yaqaan cidi ay leedahay in maxamed case leeyahay;

dharaarow waxa tidhi maxamed case wuxu kala raacay reer xaamud jibriil iyo
reer xaaji daadhir. hadii ad odhan lahayd reer maxamed waan kuu garaabi lahaa
laakiin maxamed case oo dhan ayaa kala raacay markaad tidhaa waxan kuu
arkaa inad tahay kuwi odhan jirey "iyada gadabuursi" waxanad u haystaa
buurta aloogeed in baddii casayd ka danbeyso. Aanan ku saxo kolley
orommo-sanjeex baad tahay;

Maxamed Case waa reerka awdal ugu badan iskana leh,
ismana yaqaano oo haddaan tusale ku siiyo reer maxamed oo
keliya ayaan is aqoon dheegood oo bullaxaar dega iyo reer maxamedka afcas
iyo aayar dega ayaan is aqoon adna maxamed case oo dhan baad sheegeysaa.

dharaarow hadalkaagii waxa kale oo ku jirey cabdiraxmaan aw cali guddida
kulmiye awood buu leeyahay ay isaga ku doortaan oo maxamed case anay
ku lahayn, waxan ahayn timacadee. waxan filayaa filayaa kulmiye wuxu
dooranayaa oo xisbiga anfacaya ninka cod badan u soo kordhin kara
cabdiraxmaan dhawr chance oo hore ayuu dacayey oo aw ku guuldarraystey
xisbigu uma baahna nin dhefadhi ah oo an waxba tarayn, sidaa darteed
waxa jaaniska leh ninka guul keeni kara kaasina waa maxamed case

haddii an ku soo noqdo muna, waxan leehay muna kuraastan rayaale
ku soo saaray gaagaale, iyo afweyne, iyo aare doorashadii, iyo
labadakuris ee abiib iyo ina xaaji daauud eed tidhi cabdiraxmaan aw cali
ayaa baki ka soo saarey, ma sako ayaad u bixiseen. sakadan maxmed
case ad siiseen eed ka madhantiini maxay ahayd. sako adigii ad ka
qatantihiin makaahiil sako maahee la noqda.

waxan hadalkayga ku soo gabagaeynayaa makaahiilow, waxad noqoteen
reer banii israaiil kii ilaahy yidhi qudus tega oo intay dham'aan halkii ay ka
tegeen ku soo noqon jirey ee raadkoodii ka dhamman waayo foodadkii
hore ee dawladii cawaro iyo beebbeentii ayaad madaxiina weli ku jira, markaa
waxad weli garanlaa'dihiin in maxamed case dhulkiisa an laga footeyn jirin
beryihii hore, taas oo lughaya ay ka tirsaneyd hargeysa,
Saylacna ciise faws lagu siin jirey iyadoon looba footayn;
sanaaduuqda foodkana abuqays iyo boqore gunti-xume
iyo qulujeed uun la dhigi jirey, Baki oo kalena hal sanduuq ayuun baa la geyn
jirey.

markaa food dhulka maxamed case gaadha oo dadku fursad u helaan
maanta ayaa ugu horreysa, waana ta ad fahmi laadihiin waxana fiican
xaasidnimada intaad iska deysaan inad walaalihiin u hambaliyeysaan
haddii kale horaa loo yidhi makaahiil amma xin weynaa amm xaar weynaaye
waxan idin odhan doonna waa woxoogii....labadaa sida khayrku ku jiro waa inada
kala miyataan


Cabdille Ibraahin
london

No comments: