Thursday, March 13, 2008

Rice oo abaal marisay gabar Soomaaliyeed

Farxiyo Faarax Ibraahim, oo ah gabar Soomaaliyeed, ayaa toddobaadkan ka mid noqotay sideed dumar ah oo la guddoonsiiyey billada caalamiga ah ee dumarka lagu tilmaamo geesiyaasha.


Abaal marintaasi ayaa munaasabadaasi maalinta haweenka dunida waxaa bixiya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareyakanka, Condoleezza Rice, oo siisa haween ay u garato ineey qeyb weyn ka qaateen sare u qaadidda tayada nolosha haweenka caalamka.
Gabadhan oo 25-jirka ah, ayaa billadan ku muteysatay olole ay kula dagaallameysay gudniinka fircooniga oo ay ka wadday xeryada qaxootiga ee Ifo ee ku taalla wgobolka Waqooyi Bari ee waddanka Kenya.

Saacado kaddib markii ay billada ka soo qaadatay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ayeey Farxiyo u warrantay wariyaha BBC ee Washington, C/raxman Caynte, oo ka waraystay sababta ay ku muteysatay billadan.

Farxiyo waxay dadaal dheer u gashay sare u qaadidda tacliinta gabdhaha. Waxay sheegtay in ololeheeda ay kala qeyb galeen qaybo badan oo kamid ah bulshada Soomaalida ee xeryaha qaxootiga.

Farxiyo Faarax ku rajo weyn tahay ineey dadaalkeeda u gudbiso qeybaha kale ee dalka Kenya.

BBC Somali

Tuesday, March 11, 2008

Jacaylka Ayaa u Daran

Jacaylka waxaa udaran
Danayste dugaaga iyo
Damiir laawaa udaran
Nin dumarkuun daba laloo
Diraca siidayninoo
Haday isoo doon tidhaa
Damnaha uqaniinayoo
Dockale kawaree gayiyo
Ninkii dibjiraa udaran


Jacayl doqonbaa udaran
Dabeecad xumaa udaran
Miduu degta saaranlaa
Damaashaad iyo farxado
intuu dul uridi lahaa
damnaha naaxidha lehee
damqaaya qofkuu jeclaa
ninkii dabrayaa udaran


durmaan ninka qaatayee
dawaynin dhaliisha taal
dulqaadna uyeelaniyo
dabbaal nin ahbaa udaran
dalboole xunbaa udaran
diktaa toorbaa udaran
diciif nin ahaan jiroo
daayin ugargaaray iyo
nin darajaan helay lebaa
jacaylka runtii udaran


dabshaan aarsanayiyo
damac baahsanaa udaran
daruufta ayaa udaran
qofku doortay oo yidhi
adigaan kudoorbiday
naftaydiina deeqdee
ninku diganayaa udaran
ruux bilaa dareenoo
kuduryaaya sheekiyo
nin difaacinbaa udaran


ninka dira diraalaha
kadab qaadanayiyo
nin ladiray ayaa udaran
isku dayasho raadliyo
nin daryeel oqoonoo
dalaaq jecel ayaa udaran


doog ubax lamoodiyo
durdur lagu haraad baxo
dubka oo iftiimiyo
gabadh diirku dadan yahay
damnuhuna madaw yihiin
sanku soodulyaaloo
daamankuna casaan yahay
ilkeheegu dabar yahay
dookheegu adi yahay
kaka duubayee naca iyo
ninka daayabaa udaran


daalim beenwadaa udaran
kuwa dayr fadhiistoo
diin haysanbaa udaran
habla diib ismariyoo
waqti kaadilaayoo
lilma daadiyaa udaran


qaarkala danaystoo
duunyadu isku keentoo
kala daran ayaa udaran
balan daahda baa udaran
dirir badan ayaa udaran
duca qaada aabiyo
inkar ha iga doonine
kadal doorsabaa udaran


dulli gaabsanbaa udaran
dalagii aad beertaba
ka, uduulsha xididkiyo
xaasid daran ayaa udaran
saaxiibad daas qudha
aad kudana wadaagtaan
sirna aad kadaahayn
kudafirta ayaa udaran
dakhar keentabaa udaran


ilaahbaa deeq baxshee
da,wayne xishooninoo
haduu doob yari yidhaa
yartaan kaadoonayaa
iikeen lacag doolariyo
dadkaagu ayay yihiin
nin daa,imsadaa udaran
da,daa tidhibaa kadaran
daliil niman haysanoo
dookhbaaa ihayuunle,oo
dunuubna samaynayaa
jacaylka runtii udaran

gabadh dayma quruxlana
nin dadkiisa uga go,ay
hadaydiidabaa udaran
doox kala martaa udaran
dhisma daar ayaan helay
jacayl dhaafsataa udaran


c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
cairo

jacayloow dhab iisheeg?

Jacaylkani dadkii dhibay
Dhalintii kutaagsaday
Dhakafaar wareer baday
Ayaa dhoogta nagu baray
Halka laga dhutinayiyo
Dhaliilaha ayaa baray
Dhrin dhirin ninkii wada
Dhabbaraad usahan taga
Muxuu dheel halaw baday


Anoo dhega adaygayn
Dhawr su,aalo iga maqal
Horta dhega maleedahay
Dhadhankaa siduu yahay
Madhafuuja adagoo
Dadka dhalan rogaa tahay
Dhaan dhaamiyaa tahay


Kolay kaama dheeriye
Midkuu dhaw ayaan ahay
Dhabarbaan wadaagnaa
Dherigaan kukulanaa
Dhoofka waan isku raacnaa
Ubaxaan isu dhiibnaa
Kolkol waan kudhawraa
Dhibta kaa ilaashaa
Dartaabaan udhididaaa
Dhimashada ilaawaaa
Kollay iima dhigantide
Dhagax uun bal igadaa


Horta dhaqan islaam iyo
Dhaar iyo is,aaminid
Wali dhiisha laga helo
Dhay ma igu siisaa
Misa waad dhaliishaa
Dhunkaal baad isiisaa
Toloow dhumuc maleedahay
Dhuuxana majabisaa
Dhanbaalada jacaylkana
Madhigtaa halkoodii
Dhaxantana mabi,isaa
Midab dhiin maleedahay
Dhabanada casaaniyo
Dherer muuq maleedahay


Dhayaha ku,eegtaaa
Dharxan tood maduushaa
Misa dhooba ciidliyo
Dhorfog baabad leedahay
Wali dheef ansheegiyo
Dhir aad beertay maan cunin
Goormaad dhib caysaa


Kuwa kuu dhareershee
Kuudhiiba taladana
Uma dhega nuglaatide
Dharbaaxaad kuqaada
dhayalbaad kudhaaftaaa
dhimashaad usababtaa


dhamac kulul miyaad tahay
dhisma adag miyaa tahay
caday dhilan miyaa tahay
dhool cadeeye maad tahay
dhaaya nuurshe maad tahay
dhudhun jabiye maad tahay
dhidib guri miyaa tahay
misa dhoqonjo qudhuniyo
dhuxul madaw sidaa tahay
misa dheemanbaa tahay
xariir iidhalaashiyo
dahab dhiibsan maa tahay


madharaar ayaad tahay
mise dharan sunaa tahay
horta dhaxal gal maad tahay
wax ladhawro maad tahay
ladhoodhoobo maad tahay
dhab loosheego maad tahay
mise dhicis ayaad tahay
dhala jabaysa baa tahay


dhaqaaqaa siduu yahay
dhugdhugtaan maqlaayee
wadnihii dhibaysana
ma,adaa dhabtii wada
masun dhuuban baatahay
misa midha dhawaadloo
dhereg keenabaa tahay
madhanaan qadhaadhoo
dheg dilaaciyaa tahay
misa dhay macaanoo
lagu dhaatabaa tahay


wacays dhaantadiisii iyo
dhawr kaloo shabaabiba
wali way dhibsanayaan
dhinaantani warkaagee
baldhabtiina noosheeg
runta maanta noo dhiib

c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com

jacaylkiyo lammaanaha

Laba dookh mideeyoo
Kala ladin ayaa jira
Isku ladan ayaa jira
Kala lumin ayaa jira
Laamaha jacaylkee
luuqyada kuyaalee
laydhu ay lulaysana
kaleexaystabaa jira
malab leefabaa jira
lidkood diidabaa jira
lambarkooga haystoo
libin keenabaa jira


laqabsada aduunkoo
cilmi laastabaa jira
loobogay ayaa jira
kalaalaadin qayrkood
meel sare kuloolama
layaqaanabaa jira
cidii laacda maradooda
laqas ula timaadana
luqun jara ayaa jira
lawga jabiya baa jira


liibaanta diintana
luxud geeyabaa jira
lacag eeginbaa jira
liis kasaaraybaa jira
hadal laxansanlaa jira
luuq fiicanbaa jira
looqiray ayaa jira
shaydaan wax lumiyana
lalegdama ayaa jira
aan laloodinbaa jira


balantooda laabtiyo
meel kuladhay ayaa jira
kalaas gaadhaybaa jira
guurkana labeentii
laba qaybtamaa jira
aroos lootumaa jira
cadaw leexshabaa jira
nacab liidiyaa jira
farxad lula ayaa jira
love ka muujiyaa jira


loosacab tumaa jira
waalidkood ulisaa jira
laban siiyabaa jira
isku lada ayaa jira
liin wada cunaa jira
laba qaad talaabada
isla laydh tagaa jira
da,doodoo labaatana
caqligoogu laan sare
laba boqolsadaa jira


mala maanahaygaa
toloow may ilegtahay
laylkaan utoosaa
lilaahaan ujecelahay
kama laba labeeyeen
inaan reer layeeshee
laaxawla qarkeed
iga leexsan abid kood

Prof. C/fataax Daahir Cige
mudane_22@hotmail.com