Thursday, October 11, 2007

Hadraawi Oo Ka War Bixiyay Arrinki Dhexdhexaadinta...

Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi Oo Ka War Bixiyay Arrinki Dhexdhexaadinta, Xogo, Talooyin Iyo Tusaaleyn Cajiib Ahna Kasoo Jeediyey
SayliciPress — 11 October, 2007

Gudoomiyihii ergadii dhexdhexaadlnta Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa soo saaray warbixin dheer oo qoraal ah oo xanbaarsan talooyin culus oo si toos ah ugu socda Madaxweyne Rayaale iyo hoga tusaalayn guud oo ka dar-daar warinaysa xaaladda dhinacyada kala duwan ee dalku maanta ku suganyahay, oo u baahan ka hor tegid wax ka qabasho iyo toosin. Qoraalka Abwaan Hadraawi soo saaray oo aad u dheeri waxa uu u dhignaa sidan:

"Sida laga warqabo waxaa dhawaan magaalada Hargeysa laga aloosay abaabul ku wajahan dhexdhexaadinta dhinacyadii isku maandhaafay talada dalka. Gaar ahaan golayaasha, mucaaradka iyo muxaafidka ama axsaabta siyaasiga ah iyo madaxtooyada, Waxaa laysku deyey in dhinacyada is haya ee isu iman kari waayey ama iyagu heshiin kari waayee la isu soo jiido, khilaafka iyo waxay isku hayaana loo kuurgalo ama lala ogaado, si yuhuun, niyadsami wada shaqayni ka dhalato loo helo, taasoo maslaxad u noqon lahayd dalka iyo dadka.
Dhexdhexaadintaas rag baa iyagu isu xilsaaray, umadduna way ku garab taagnayd.. Guddida dhexaadintu waxay ku dheeraatay dhabbadhabbayn iyo inay dhinac walba kol ama laba ama saddex goor gooni ula kulanto si ay u ogaato dareenka dhinac walba ka jira iyo waxa dhinac walba xal u arko. Dhinacyadii is hayey waxay muujiyeen dareen xanbaarsan yididiilo, waxay balan qaadeen in dhinac waliba fuliyo waxa guddida dhexdhexaadintu soo garato.

Ka dibna waxaa suuragashay in madaxtooyada, golaha wakiilada, golaha guurtida, labada xisbi siyaasi (UCID iyo KULMIYE) laysa soo hor fadhiisiyo, hawshaa iyada ah qaybtii macnaha weyn yeelan lahayd laguma guulaysan. Anigoo ka mid ahaa Guddida isu xil saartay waawaan raadinta waan ka warqabay in qalad meelo badan iyo siyaabo badan u jiro. Laakiin waxaan muddadii dhexdhexaadinta ku baraarugay in khaladka ugu weyni ka jiro madaxtooyada, madaxtooyaduna waxay ahayd inay noqoto wado xaadhan oo loo sii maro sixida khaladada jira. sidaan filayo khaladka madaxtooyada ka jiraa kulligii salka kuma hayo badheedh iyo qab-qab dhaafay, waxaa ii baxay in madaxtooyada aqoon la'aani ka jirto oo aanay kaba warqabin hannaanka dawladnimo iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin ereyada dawladnimo iyo madaxtooyo. Waxaan ogaaday in aragtidada madaxtooyada ka jirtaa aanay dhaafsiisnayn, tuducan gabayga ah:

Garashadu hadday ruux latahay,
Suu u garanaayo, Garaadkiisu suu qabo,
Haddii loola garan waayo,
Gardarruu u qaataa
ninkii yidhi gaaraadkiis.

Labada magac, dawladnimo iyo madaxtooyo waxaa haboon in si xeeldheer loo faaqido, ka dibna iyadoo qoraal ah lagu dhejiyo kursiga madaxweynaha hortiisa, balse iminka aan isku koobo dhawrkan qodob ee hoga tusaalaha ah.-Madaxtooyadu waa huga, hoyga iyo haybadda umadda.-Waxay astaan u tahay macnaha iyo milgaha dawladnimo-Waa halbowlaha iyo xididada dhiigga is dhaafdhaafiya ee marba dhan u talowsha.-Madaxtooyadu waa barta laga ilaasho, lagana saxo khaladka soo dhexgala hay'adaha dawladda-Waa majaraha iyo majiiraha geeddi socodka qaranimo lagu jiheeyo, -Waa muraayad gudaha iyo dibaddaba ku wajahan oo ummad qaranimadeeda laga daawado, wufuuda caalamka debeda ka timaada mar walba socodkoodu wuxuu ku salaysan yahay war doon.

War raadintooda waxay ku horeeyaan madaxtooyada sida la wada ogyahay, marka horeba waxay indhaha ku dhuftaan Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Inta aan arimaha rasmiga ah loo daadegin haasaawaha hordhaca ah ayey fekrad kaga qaataan madaweynaha. Marka rasimaga la gudo galo waxay u fiirsadaan abaarta madaxweynaha, arinta uu ka hadlayo iyo habka iyo hanaanka uu uga hadlayo. Haddii madaxweynahaas kalsoonidu ka lunto su'aalo iska soo hor jeeday ku weeraraan markaasay marba si u hor cararaan. Haday gawaan raac, marin hababin ama buunbuunin ka dareemaan waxaa u caado ah inay buruud shiilaan oo ay duur-xul dhaliilihiisa ugu sheegaan. Runta ay qiimayntooda ku salaynayaan waxay kala soo dhex baxaan beenta uu ku gabado hadba waxay madaxtooyada kala kulanto ayaa dadka iyo dalka faa'iido ama khasaare u ah.

-Marin habaabinta, buunbuuninta iyo beenta madaxtooyo sheegto ayey kala soo dhex baxaan runta iyo xaqiiqda dalkaas ka jirta-Sida lagu yaqaano madaxtinimadu waxay leedahay milgo, asluub iyo astaan ilaalisa haybada kursiga iyo xilkaas madhaafaanka ah.

-Waxaa madaxtinimada lagu yaqaan is dhawrid iyo afgobaadsi iyo had iyo jeer abbaar sugan oo qorqoran.-Erey kasta oo ninka umada u caleemasaarani yidhaahdaa waa rasmi, kefed iyo miisaan buu saaran yahay, wixii qadafa ama meel kadhaca lagama aqbalo.-Ninka madaxda ah Hadalkiisu waa in aanu ku miimin hasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya.

-Madaxtinlmadu inta badan kama jawaabto wax kasta oo iyada wax ka sheegaya, haddii ay ka jawaabtana waxay kaga jawaabtaa hab iyo hanaan aan madax banaanayn lyo weliba hubsiimo si degan loo yidhaahdo.-Madaxtinimadu ma beeniso mana dadafayso, muran ma geliso wixii gar ku ah. Hadii sidaas lagu barto waa dhaliil wayn oo lafa jab ah dhinaca kalena garashadu waxa ay ina bartay in aan run mutuxan xadhko caabiyaa jirin.

-Madaxtinimada erey kasta oo lagu yidhaahdaa kama hadliyo oo dareenkeeda ma shido.-Jawaabta Madaxweyne bixiyaa ma haboona inay marwalba noqoto maya iyo ma jirto.-Madaxtooyada iyo kursiga madhaafaanka ah nuxurka iyo dhadhankaa ka luma haday wax walba ka jawaabto, ama arimaha si fudayd ku jiro u gasho

-Marwalba qofka Madaxtooyada wax ka sheegaa ma khaldana, canbaarayn iyo caardumina uma jeedo dhaliilaha runta ahna laguma horjoogsan karo ereyo afdhabaandhab ah iyo weliba dardaar werin aan cidna lagu didinkarayn.

-Madaxtooyadu iska mooska dhaliilaha loo soo jeediyo waxay u yeelataaWasiiro, kuxigeeno iyo af-hayeeno iyo cid Madaxweynaha uga fara dhuudhuuban oo arimahaas ka hadasha.

-Ma aha in marin laga dhigto in qofkasta oo hadla Madaxtooyadu boodhka ku liqdo si ay iyadu gar iyo gardaro u guulaysato.

-Macne kuma jiro in Madaxweynuhu noqdo keeb la yuurur runta ka indha qarsada.-Qaranimadu halis bay ku jirtaa hadii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar goosi ama qaado cudurka la yidhaahdo kal-didsan oo uu arin kasta laalo si mar walba loo sii kala fogaado. Sidaan marar badan u idhi madaxtinimadu:

tooghayn iyo feejignaan bay leedahay,
odoros iyo awaal-deyis bay leedahay,
samir iyo dulqaad bay leedahay,
tasaamux iyo tanaasul bay leedahay,
Isla day-dayid iyo maxay dantu ku jirtaa bay leedahay,
Siday nolol iyo nabad gelyo ku jiri kartaa bay leedahay,
In lafaha laguro xaragana aan laga tegin bay leedahay,
Dugsi iyo daar gobanimo bay leedahay
Xishmo iyo is xaqdhawr bay leedahay
Xirib iyo xeer ilaalin bay leedahay
Cadaalad iyo garsoor la dugsaday leedahay
Erey la dhaafiyo dib u dhigashay leedahay
Dugaal iyo damal la hadhsaday leedahay
Digtoonaan iyo daymo fog bay leedahay
Intaas iyo in ka badan bay leedahay.

Hadal sal buu leeyahay, biyo gororka sheekada iyo ujeeddada aan maqaalkan uga gol leeyahay, waa in madaxtooyada digtooni iyo aqoon siyaasi ahi ka jirto oo aanay indhaha shacabka iyo indhaha caalamka maro xuub caaro ah (khafiif ah) ka hagoogan. Waxaan madaxweynaha mar kale ka codsanayaa in raga miisaanka leh ee Qaran si niyadsamiyi ku jirto uu u sii daayo, waxaan ogahay in madaxweynuhu sidaa yeeli karo isagoo aan geed ku xoqosho iyo cudur daarro keenin, mar haddii hannaanka dalku ku socdaa yahay qarba-boosh, xeer jajab, gola ka fuul, la jiifiyaa iyo la joojiyaana banaan. Waxaan mar kale madaxweynaha u soo jeedinayaa in ragaas si xushmad leh loo sii daayo oo aan xorriyaddooda lagu sii dhegin, xaquuqda siyaasiga ahna aan waxba lagu gudbin.
Madaxweyne, waxaan kugu baraarujinayaa inaad qodabadan hoga tusaalaha ah dhinaca wanaagsan iska taagto si aad u ogaato inaan adiga kula jiro oo aanan kaa soo horjeedin. Madaxweyne aniga hay Jawaabin ee qaranimada kuu yeedhaysa u jawaab. Qof kasta oo dareeen wadaniya leh waxaa kashiisa lulaya werwer ku saabsan xaalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin, haddii culayskaas dadka saarani sii foondhaafo waxaa la filaaba waa in xaajaba faraha ka baxdo, waana masuuliyad aan berito laga baxsanayn ama aan si fudud lays kaga leexin karayn. Nin kasta oo masuul ah waxa uu isu min guuriyey iyo malihiisu waa been hadii masuuliyada uu hayaa ay lunto. Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada xaajo cad iyo xisaabtana way danbeeyaan haddii la noolaado.

Dhiilada aan guud ahaan umadda ku baraarujinayaa waxa weeye, sida ay u sii gurmayso iyo sida ay u baraad la'dahay waa kaaf iyo kala dheeri, arintu halka ay ka fadhidaa waa kaalinta hogaaminta iyo shacabka oo aan meel laba ka soo gelin talada dalka.

Qofba wuxuu ku dagan yahay
Halkuu daacad kaga hadho
Nin kastoo dardaro kulul
Dabar lagu ceshaa jira
Diin kastuu la soo shiro
Dacwad baa ka furan kale
Dunta Bili nin lagu xidhay
Dabin loogu yimi bahal
Haddii aano loo dilo
Doqoniimo ugu filan
Cirka sare nin degeshaday
Dayixiyo marmarijirey
Xiddigaha la deriska ah
Markuu hoos u soo dego
Dhulku wuu dirsoocaa.

U danbayn, maansadan waafaqsan dulucda ujeedada iyo xaalada jirta, waxay ka hadlaysaa xeerka nolosha iyo waajib gudashada Bani'aadamka korkiisa la saaray iyo haddii waajibkaa la gudan waayo guul-darrada imanaysa, maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa: SARDHO KULUL

Marka hore salaantii
Socotada u meeltiil
Marka xiga sideedii
Duni iyo su'aasheed
Labadeeda sooyaal
Sidig nirig wadaagtiyo
Isa saaran maahee
Samo xumo horjoogiyo
Laba kala sokeeyoo
Kala seeran weeyaan,
Haddaan suubban loo deyn
Sumaddeeda dhalashada
kala sooca labadaas
Duni lagula saayirin
Sinji doorinteedaan
Runta laga sal gaadheyn

Haddii fool sawaabkiyo
Lagu wado far iyo suul
Waxa Aadmi soli kara
In siyaasad lagu furo
In sabaansab lagu furo
Nin ku seexday waa yaab
Xaqu waa sunniyo faral
Marna waa sir iyo caad
Misna waa sal iyo baar
Camalkaa sed lagu xidhay
Qofba saami mudan yahay,
In sinnaanta laga dhigo
Kala soof in gudashada
Qofba dhinac ku sare kaco
Rabbi waa Samaalee
In samaan u xilashada
Samihiisa lagu helo
Samo samo la dhaafishiyo
Sare iyo tu hoosiyo
Isa sudhan ha noqotaa
Sababuhu u dhacayaan
Noloshuna ka samirkiyo
Ha sabbayso maahee
Sifo lagu daryeeliyo
Suxul lagu ilaashiyo
Sacab lagu horjoogiyo
Suntan malab ka luliddaa
Hiyi lagu sarbeebaa
Sebennada xujeynta ah
Wakhtiyada saboolka ah
Qofku inu sarriigtiyo
Inu saanta raransado
Sabirkaw dhexeeyoo
Sado waxay macaantahay
Marka loo sid tiriyoo
Qofba saakadiisaa
Ku sargo'an runtiisee
Waxan suuro geli Karin
In yaqiinta lagu
xadhig la soohiyo
Haddaan seeto loo hayn
Naftu way sawaxantaa
Hadday saar ku nool tahay
Marka saabku madhan yahay
Saxarkay ka gubataa
Subaxday gurracantahay
Hadba surin qalloociyo
Salawgay ku dhacantaa
Marba suun in lagu xidho
Laga jiro su'aalaha
Sal fudaydku weheshado
Cishadeeda lagu simo
Sooryaadeedu waa taas
Duni iyo sureerkeed
lyo sawrac guurkeed
Sabo lagu negaadiyo
Sumbbo aan dab lagu shidan
Hadba kay ku sugan tahay
Innagaa ka sahanoo
Dabinkiyo sursuuraha
Ha ku socoto maahee
Haddii suurka loo tumo
Saymaheeda meelyaal
Innagaa ku Soconoo
Qof sansaanka muuqdiyo
Sadarada akhriyayaa
Belo saadin maayee
Sanqadh buu ka digayaa
Selel lagu dareemee
Hadba taan la sidan
arin Sahal lagama yeeshee
Ku saliya Rasuulkii.
Run-saluugga fara badan
Suruc baa ka beermoo
Kol hadday ku sabayaan
Col sariirta diidiyo
Saqda dhexe fal-gunudadu
Talo kuuma sarinsana
Siduu doono yeeloow
Kol haddaanad suurayn
sobabaha lurkaaga ah
Runi kuuma saafnee,
Sannadaha cimrigu galo
God sagaaljir lagu dedo
In siddeetan lagu qodo
Ka sadqayso weeyee
Kol hadday ku seegeen
Saddexdii ammaanood
Sayidnimadu sheekiyo
Iska sidasho maahee
Sidaad doonto yeelkaa
Sixir baa hor kacayee
Kol haddii mugdigu simay
Sumuc loogu mala deyey
Soddonkeeda maalmood
Sahwi iyo xanuun tahay
Ninka lihi ka saahiday
Culimada safkeediyo
Weliyada sancayntiyo
Nin siraata yeelkii.


Maansadanl waxay soo baxday 10/12/97.
Maxamed Ibrahim Hadraawi.
Source Somaliland Talk

No comments: