Thursday, June 21, 2007

Taariikhdu waa madal - Roda Mizan

21 June 2007 - Awdal Convention;
Gabaygan oo lagu xidhay maalintii labaad ee shirka umada ku dhaqan Gobolka Awdal iyo dibadiisaba ee ka socday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota bishan juun 15 ilaa 17 keedii 2007. Roda Ahmed Mizan oo ah abwaanada cusub ee gobolka Awdal dhinaca sugaan casriga ah ka haqab tiraya ayaa markii ay gabaygan ka akhriday golohii lagu shiraayey ayaa dadka intoodii badnayd aad iyo aad ay ugu qushuuceen micnaha uu gabaygu xanbaarsan yahay iyo arinta waaqiciga ah ee uu dabaqaayo ee dadka gobolka Awdal ku nool ku habsatay mudada aan kala go'lahayn.gabaygu wuxuu taabanayaa dhinacyo badan;

dhinaca horumarinta, isku calool fayoobaanshaha ay umadu u baahan tahay, caafimaadka, jahliga iyo dhibka uu umada ku hayo. abwaanadu waxay tidhi, "Teenuna sokeeyow waxay saaran tahay tuur; todobaatan mayloo taakulo u baahane ayaa looga tagayaa?" bal wax kaleba ha joogee; todobaatankaa "mile" ee Borama iyo Dila u dhexeeya ayaa la rabaa inuu dhiso? jawaabtu reer Awdal ayey u taalaa. dhinaca kale gabagabada; midnimadu inay qaali tahay ayey muujisay abwaanadu oo waxay tidhi " Tashi iyo Rag bays muddan - U fiirsada tilmaantaa Tusmo wadajir noo suga; Ha la dhiggo tummaatida; Tafwareen ha joogsado; Toobiye midnimmo iyo ha la maro tub mahadeed."

Gabaygii oo dhan waa kan:

Taariikhdu waa madal
Tagto iyo Timaadaba
laga helo tusaalaha
Turjumaada waayuhu
Waa qof iyo Taagtii,
Tusaale iyo beeggii
Hal abuurka toogtii
Maansada Tikraarkeed
Himilada Tusmaynteed
Tilmaantiisa waayaha
ku salaysan tuducyada
Aqoonyahan Taseecii
Tilmaantiisa waayaha
Ku salaysan Tuducyada
Tawanaha wixii maqan
Tawaadda iyo qalinkiyo
ku cabbire Tiraabkood
Bulsho Taabo galideed
Tolnimo iyo ururkeed
Tiigsi iyo ismaqalkeed
Qofkastaaba Tamartii
Tiska wada habaynteed
Taagyare Gargaarkeed
Turxaan iyo Dawaynteed
Tudhid iyo hilowgeed

Teenuna sokeeyoow
Waxay saarantahay tuur
toddobaatan mayloo
Taakulo u baahane
yaa looga tagayaa?.

Kun Tabaale caydheed
Tamco iyo la dhigay qonof
Kun abaar ku talaxtegey
Oon neefta taabayn
Haddii tiisa lagu xidho
Yaa looga Tegeyaa?

Inta aan tisqaadine
Tawsta iyo gaajadu
Wali toban ku gaadh tahay
Yaa looga Tagayaa?
Inta cudur tammootiyay
Tarab tarab u dilayeen
Laga reebin tiiftii
Yaa looga tegeyaa?
Tafan toof aqoon xumo
Inta wali la taahdee
Aan tiriigga loo shidin
Yaa looga tegeyaa?

Tiigaalka waayahu
Inta uu ku taagsaday
Tusbax go,ay sidiisii
Inta daadsan tiirida
Maxaa howl inoo taal!!!!!!
La tilmaan dhibaatada
Lagumana Talaabsado,
Tusmo iyo ka gudubkii
Taladii is maandhaaf
Ku danbaysay taagtaag
Moramaha la tuur tuur
Ninba tuuji meeloo
ku adkaysay tiisii
Toox iyo xan mooyee
Soorsooran laba tuur
Talo wada jir laga carar
La takoor wanaagii

La siyaasadee talo
Tubtii socodka laga baydh
Tiix noqoy adeegii
Tayyo beel waxqabadkii
Teneg madhan sidisii
U dhawaaq tarkeenii
Tudhid beeshay dooddii
La tumaati sheekada
Tartankii qofnimo iyo
U carawnay teel teel
Nin tusaaledege ihi
Ka tallaabsay sharaftii
Toolmoone odaygii
Tafta xayday oo carar
Tuulamaha laga arag
Tarmo seega maatida
Tows oyday hooyadu
Timihii basaas go'e

Tiiraanyo awgeed
Hablihii Tix iyo fadal,
tawaawece itaalkood
Nin qurbahan ku turuq go,
ay La bid inu wax tarri karo
Dhowr goor wax tuur tuur
Walina ceelku waa tabis
Ma tubbana la eeguhu
Tuhunkiina sii badayBaahidiina way taal
Markan waa rag iyo tallo!!

Tashi iyo Rag bays muddan
U fiirsada tilaantaa
tusmo wadajir noo suga
Ha la dhiggo tummaatida
Tafwareen ha joogsado
Toobiye midnimmo iyo
ha la maro tub mahadeed

Allahayoow tolnimadiyo
Noo kori is tiirsiga
Kuwii taabba gala ee
Naga yeel waxtari kara

AAMIIN.


Roda Ahmed Mizan
U.S.A.
rodamizan@hotmail.com