Monday, October 08, 2007

Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Iyo Madax-weynaha oo Dib Loo Dhigay

Waxa goordhawayd gudida doorashooyinka ee Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in doorashooyinkii ka qabsoomi lahaa dalka dib loo dhigay, siiba doorashooyinka golaha deegaanka iyo ta madaxweynaha, arintaasi oo ka soo go'day wada tashiyo is tusaalayn ay gaadheen dhamaan xisbiyada qaranka ee Somaliland, isla markaasna ay wada tashi buuxda la qaateen gudida doorashooyinka ee Somaliland, oo iyagu mudeeyay hada wakhtiyada cusub ee ay qabsoomi doonaan, taasi oo ay xisbiyada qaranka ee Somalilandna ku taageereen ama ay ku raaceen dib u dhigistaasi ay soo saareen maanta gudida doorashooyinku.

Dib u dhigstan doorashooyinka ayaa ah wax ay sadexda xisbiba isla waafaqeen ama isla ogolaadeen mana jirto cid ka soo horjeeda wakhtigaas dib loo dhigay, haday noqoto xisbiyada UDUB,KULMIYE iyo UICD, toona.

Heshiiskan oo aan si rasmi ah weli daboolka looga qaadin, warar aanu ka hellay ilo ku dhowdhow Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka, waxa dhinacyada oo dhami ku heshiiyeen in doorashada Deegaanka dib loo dhigo muddo 7 Bilood ku dhow, halka doorashada Madaxtooyada dib loo riixey muddo 3 bilood ah.

Waana Sidan Hoos Ku Xusan Sida Loo Kala Badalay Doorashooyinka:

Doorashooyinka golaha deegaana oo qabsoomi lahaa December 15, 2007, waxa loo cayimay in ay qabsoomaan ama ay dhacaan July 01, 2008

Ta madaxweyanaha oo qabsoomilahayd bisha 14 April 2008 - waxa loo badalay August 31, 2008, taas oo sida la sheegaayo loo sababeeya in la sameeyo diwaan galin buuxda oo laga hirgaliyo dalka doorashooninka ka hor inta ayna qabsoomin taasi oo ay sheegeen gudiga doorashooyinku in aan wakhtiga aan laga gaadhsiin karin diwaan galin isla markaasna ay tahay in la sameeyo diwaan galinta marka hore oo ay tahay in wakhti la siiyo.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee ay qaadaan gudiga doorashooyinka qaranka oo ah gudi cusub oo iyagu ka kooban dhamaan golayaasha kala gadisan ee Somaliland, kuwaasi oo badalay gudidii hore oo lgu tilmami jiray gudi aad u adkayd oo aad isugu kalsoonaa. Hadaba arintan dib u dhigsta ee ay maanta ku dhawaaqeen ayaa ah talaabo aad u wanaagsan maadaama oo ayna jirin wax cabasho ama buuq ah oo ay kala kulmayaan talaabadani ay maanta ku dhawaaqeen, taasi oo bixinaysa ififaale wanaagsan oo ay hawshooda ku gudan karaan iyo doorashooyinka oo inoogu qabsoomi doona buuq laan iyo si loogu wada qanacsanyahay.


Source Qarannews and Somalind.org

No comments: