Friday, October 12, 2007

Munaasibada Ciida Iyo Magaalada Borama.

Si wayn ayaa looga ciiday magaalada Borama waxaana aad dareemaysay inay maalintani tahay maalin wayn suuqyada magaalada Borama waxa camiray dad caruur u badan oo xidhan dhar bilicsan watana qalabka caruurtu ku ciyaaraan waalidkoodna ay bar bar socdaan oo isaga kooshaya wadooyinka magaalada badhtankeeda ah, waxaana ay magaaladu ku toostay Takbiirta salaada ciida taasi oo ay dadka badankeedu ka wada qayb qaateen waxaana ay maalintani ahayd maalin la sugayay ka dib markii habeenimadii xalay uu Gudoomiyaha Maxkamada ee degmada Borama Sheekh C/raxmaan uu ku dhawaaqay inay tahay CIId.

Sidoo kale Duqa magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay dadka reer Borama ku dhamaysteen bishi ramadaan nabad qab isla markaana waxa uu u rajeeyey inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Sidoo kale Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi ayaa munaasibada ciida aawadeed waxa uu hambalyo u diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo dadka reer Awdal meel kasta oo ay joogaanba.

Inta badan maalinta ciida meheradaha waawayn ee ganacsiga ayaa xidhan waxaana ay dadku ku soo urureen goobaha macmacaanka lagu iibiyo iyaga oo isku salaamay Ciid wanaagsan , waxaase aad loo dareemayay iibsiga Jaadka oo aad moodaysay inay ragbadani ka nasteen bishii ramadaan .

Munaasibada Ciida waxa ay ahayd mid soo taxnayd ilaa fiidnimadii xalay oo aad magaalada Borama ka maqlaysay dhawaqa baaruuda cirka loo gano oo si wayn loogu isticmaalayay suuqyada magaalada Borama.

Ciidan oo ku soo dhacday maalin jimce ah ayaa wax ismaandhaaf ah aanay Culumadu ka keenin tukashada Salaadaha Jimcaha iyo Ciida waxaana ay dadwaynuhu wali sii wataan ku damaashaadka Ciida taasi oo ah mid si wayn loo sugayay..



Maxamed Aadan Ibraahin
SayliciPress - Borama

No comments: