Saturday, January 19, 2008

Hargeysa Calankii Xorriyadda; Ma Calankii Gumaysigey Ka Dooratay?

Sanad walba marka madaxweynaha Dalku u baxo bannaanka isago oo laga yaabo inuu soo fulinay meherado isaga iyo dalkaba laga muhiimadi ugu jirto. Waxa looga bartay ummmaddani ay Hargeya hogaamsio inay sameeyaan bannaanbaxyo ay isku maqshquuliyaan oo mararka qaarkood ad mooddo inay isku illoowsiinayaan xayraanimada (Frustration) haysata.

(1). Calanka Xorriyada vs Calanka Gumaysiga

Sanadihii hore waxyaabihii ugu yaabka iyo amakaaga badnaa waxay ahayd in Hargeysa dhexdeeda lagu gubo calankii xoriyadda Soomaaliyeed ee laga dhacsaday Gumaysiga Ingiriiska. Haatanna wixii ugu yaabka badnaa ee aynu aragno waxay ahayd in calankii gumaysiga cusub ee adduunka oo ah midkan Maraykan, iyo calankii gumaysiga gaboobay ee Ingiriiska labadiiba laga taago oo la ag dhigo calanka cusub ee Somaliland . Waxana soo socda calankii xabashida oo isna Hareysa laga taagi doono.

Doorkan maanta ahna, inakstoon maqal meel lagu gubay Calankii Xorriyada Soomaaliyeed ee buluuga ahaa. Hadana waxa muuqata in isagana layska laabay oo layska illaaway, oo meelna kama muuqan. Xitaa in lagu samirsiiyo oo loogu tacsiyeeyo walaalaheena Koonfureed ee dhiigu ka da¢ayo, ee gacanta gumaysiga madow ku jira, waa la garan waayay, laguna xushmeeyo halyeeyadii Isticmaarka innooga dhiciyay xorriyadeena guud ahaan.

Ummaddani Tiihiyo
Tawaawaca ku taagan
Talo way ka dhabaqdee
Maxaa loo toosin waayay?.


(2). Geerida Abwaan Xasan (AUN), oo Calanka Hoos loo Dhigin

Waxa intaas dheer inuu dhawaan geeriyooday Abaankii Abwaanada soomaaliyeed ee aynu wada jeclayn, waa Abwaan Xasan Sh Muumin Gorod (Raxmatullaah Calayhi). Waynu ka wada damqannay oo ka wada ooynay geerida abwaanka. Waxase dadka aragtida dheer ku noqotay fajacsiyo iyo yaab, in Hargeysa iyo dalka ay u taliso ee Somaliland , si heer qaran ah looga xusi waayay geeridiisa.

Waxaynu dhagaysanay madaxweynaha Dalka Somlailand oo ka ticsiyaynaya geerida Abwaanka. Hadalkaasina wuxu madaxweynuhu ku sheegay inuu Abwaan Xasan Sh Muumin (AUN) ahaa Abwaankii sameeyay, heesta astaanta u ah calanka Somaliland . Hadana maynu maqal madaxweynaha oo amraya in calanka hoos loo dhigo, isagoo lagu sharfayo abwaankii keenay heesta calankaasi.

Nasiib darro calanku wuxu ka ag babanayay kuwii gumaysiga markii tacsida Abwaanka loo barooranayay. Sidii laga yeelay Abwaankii kale ee qaaliga ahaa ee CABDILAAHI QARSHE (AUN), ee maydskiisa loo qaaday dhulkiisii Hooyo, calankana hoos loo dhigay, ee Madaxweyne Cigaal (AUN) ka yeelay. Si la mid ah ayaan ka sugaynay in laga yeelo Abwaanka Abwaanada XASAN SH. MUUMIN (AUN). Macal-Asif, Taasi ma dhicin, waanan ka madluunsannahay.

Hadal iyo Murtina waa, Hadayna Laahu.


Qofkii u baahan inuu wax Comment ah ka sameeyo qormadani iyada ah iyo dhammaan qoraaladeena oo dhan, waxan ku martiqaadaynaa, bogga yar (Blog),ee aynu u samaynayno in loogu doodo xuquuda Danyarta Geeska Afrika (HiilDan), oo hadhowto noqon doona Website weyn oo caalamiya.
Khadka ad Blogaasi kal heli kartiina waa: http://hiildan.wordpress.com/


Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

Friday, January 18, 2008

Tacsi: Xassan Sh. Muumin - from I. Bakal

Waxaan halkan uga dirayaa tacsi tiiraanyo leh; dhamaan eheladii uu ka tagay, marxuun Xassan sh.Mumin gorod. Ilaahay janadii farduusa haka waraabiyo, danbigiisa allaha dhaafo.

aaaammmin
waxaana tacsida diraya dhamaan dadkan hoosku qoran:

1-RASHID ABDI BAKAL IYO XAASKIISA
2-NAFIISA CABDI BAKAL IYO ODAYGEEGA
3-SACAADA CABDI BAKAL
4-AXMED YUSUF BAKAL IYO XAASKIISA
5-CABDOO YUSUF BAKAL IYO XAASKIISA
6-MUSTAFE ABDI XAAJI IYO XAASKIISA
7-MAXAMED ABDI XAAJI IYO XAASKIISA
8-RASHID OMER DIRIE
9-HARAWE SH.OMER GOOD
10-A/RISAAQ Y.WAIRAX
11-XASAN ALI IBRAHIM IYO

DHAMAAN DADKALOO BADAN OO HALKAN LAGU SOO KOOBI KARAYN

MIDA KALE WAA QORSHE FIICAN HADII LOO BIXIYO GOROONKA XASAN SH.MUMIN STADIUM-WAA ARIN FIICAN WANAN TAAGEERAYNAA SALAAMU CALYKUM

Tacsi: Xassan Sh. Muumin - from A. Bakal

INAA ILAAHI WA INAAILYHI RAAJICUUN Waxaan Halkan Tacsi Tiiranyo leh uga diraynaaAbwan Xasan Sheekh Muumin oo shalay ku geeriyoodayOslo Norway.ilaahay janadii haka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii iyo intuu katagayba ilaahay samir iyo iibaan hakasiiyo.Abwaan Xasan sheekh muumin wuxuu ahaa Abwaan Somalidu aad uqadariso aad iyo aadna caan u ah marka loo eego Abwaanada somalida kaalin fiicana ka soo galay fanka iyo suuganta soomalida.waxaan leenahay ilaahay ha unaxariisto qabrigana ha unuuro

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAAMIIN AAAMIN

Waxaa tacsidan diraya dhamaan dadka hoos kuqoran

Mustafe Roobe Doodi iyo Xaskiisa
Xaaji Cumar Cabdi iyo Xaskiisa
Muuse Nuur iyo Xaskiisa
Cabdilaahi Fanax iyo Xaskiisa
Maxamed Dahir iyo xaskiisa
Maxamed Cabdi iyo Xaskiisa
Dahir waaberi iyo Xaskiisa
Cabdoo Bakal iyo Xaskiisa
Ahmed Yusuf Bakal iyo Xaskiisa
Maxamed Cabdi Xaji iyo Xaskiisa
Abderasaq Yusuf Wayrax iyo xaskiisa
Mustafe Cabdi Xaaji iyo Xaskiisa
Cisman Xasan Matan iyo Xaskiisa
Rashiid Cabdi Bakal iyo xaskiisa
Harawe Sheekh Cumar Good iyo Xaskiisa
Xasan Cali Ibrahim iyo Xaskiisa
Maxamed Kamakame iyo Xaskiisa
Cabdi Wacays iyo Xaskiisa
Axmed Cisman iyo Xaskiisa
Cisman Yusuf iyo Xaskiisa
Ahmed Garad iyo Xaskiisa
Rashiid Cumar Madoobe iyo Xaskiisa
Cabdikafi nuur iyo Xaskiisa
Rashiid Cumar Bile iyo Xaskiisa
Geesh Qaasim iyo Xaskiisa
Cumar Kamil iyo Xaskiisa

Ahmed Bakal

Thursday, January 17, 2008

Top US envoy for Africa meets Somaliland leader

WASHINGTON (AFP) — The top US diplomat for Africa has met with the president of Somaliland, but the talks do not mean Washington is ready to recognize the breakaway region of Somalia, US officials said Thursday.

US Assistant Secretary of State for African Affairs Jendayi Frazer had lunch with Somaliland president Dahir Riyale Kahin at the State Department on Monday, a US diplomat said on condition of anonymity.

But State Department spokesman Sean McCormack stressed that the meeting did not imply US recognition of the northwestern coast region, which split from Somalia in 1991.

"There's no change in our policy position vis-a-vis recognition of Somaliland. We are not on the verge of recognizing Somaliland," McCormack told reporters.

"There is a process under way that the AU (African Union) is engaged in and we are going to be watching very closely that situation, but there's no change in our policy," he said.

McCormack said the meeting is part of Washington's policy of speaking with key players in Somalia in order to build democracy in the east African country, which has been plagued by civil unrest since the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre.

"We think it's important to have as many political contacts as we can with responsible individuals in Somalia who have an interest in building up the democratic structures and institutions of Somalia and trying to take it from where it is to a much more hopeful future," he said.

"Certainly, Jendayi's meetings ... fall solidly in that category and it's a policy that we are going to continue to pursue," he said.

"We have interest in fighting terrorism in Somalia, as well as in the Horn of Africa. ... Anybody who has an interest in a more peaceful and democratic Somalia has a role to play in this process."
A former British protectorate, Somaliland united with the Italian Somalia in 1960. But the region unilaterally broke away five months after Barre was ousted in 1991.

The Washington Post reported last month that US officials were debating whether to shift US support from the fragile Somali government to the less volatile region of Somaliland.

But State Department officials oppose such a move, putting them at odds with Defense Department officials who say that forging ties with Somaliland could help bring stability to the region, the Post said.

The region of 3.5 million people, which adopted a provisional constitution in 1997 and ratified it four years later, boasts its own president, government, parliament, police force, penal code and currency.

Source: AFP

State Department: US Not Moving To Recognize Somaliland

The Bush administration said Thursday the United States is not recognizing Somaliland as an independent country despite a State Department visit earlier this week by the breakaway Somali region's leader, Dahir Rayale Kahin. U.S. officials say they defer to the African Union on the recognition issue. VOA's David Gollust reports from the State Department.

The luncheon meeting Monday between Kahin and Assistant Secretary of State for African Affairs Jendayi Frazer was the highest-level contact between the parties in several years.

But officials here insist it does not portend any early U.S. move to recognize the self-proclaimed independent region of northwestern Somalia, but rather is part of broad U.S. contacts with Somali parties and political figures.

Somaliland declared its independence in 1991 as the rest of Somalia descended into civil conflict. It has enjoyed relative stability and elected governments, though it lacks international recognition.

At a news briefing, State Department Spokesman Sean McCormack said the fact of Monday's meeting does not mean the United States is on the verge of recognizing Somaliland and that U.S. policy on the matter is unchanged.

He said U.S. officials believe it important to have contacts with responsible political figures from all over Somalia, who have an interest in building the country's institutions and taking it to, as he put it, a more hopeful future:

"Certainly Jendayi's [Frazer's] meetings fall solidly within that category, and it's a policy we are going to continue to pursue," said Sean McCormack. "We have interests in fighting terrorism in Somalia as well as in the Horn of Africa. Part of trying to bring about some greater stability in Somalia, writ large, involves working with the political parties, encouraging the political parties and political leaders in Somali to come together."

McCormack said the United States defers to the African Union as the appropriate forum to address the recognition issue.

Recent U.N. Security Council resolutions on Somalia, backed by the United States, reaffirm support for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of the country.
The United States has had no diplomatic presence in Mogadishu for more than a decade, but supports the U.N.-backed transitional government there. Officials say they engage with Somaliland as a regional administration.
The Somaliland leader also had Washington meetings this week with officials from White House National Security Council, the Defense Department, and the U.S. Agency for International Development.

His late predecessor as Somaliland president, Muhammad Ibrahim Egal, had a similar round of Washington meetings in 1999.

Source: VOA

Wariye sakariye carab cadan iyo safarkiisa qurbaha

Waxa-yaab Igu Dhaliyaya Intii Aan Socdaalka Ku Jiray…….. Laakin Waxa Aan War….
Breda-(holand)-Waxa igu dheer inta sacadood ee iga hadhay xilkaga aan socdaalka bilaabayo waxaan sugaaba waa sacaada iyo midhidhada aan taggyo madaarka horaa loo yidh waxa aad sugayso dheeraa waxaan hamigayga ku wayn waa safarkayga oo wata shucuur gaar ah

Meeshan u socdo iyo meeshaan ka tagayo waa meel kaaf iyo kale dheer marka loo eego dhinacyo badan laakiin dhul aad horay u tagin Ala yaab badan oo mucjisooyin ayaa ku geedaaman taas waxaa igu soo fool leh sanadkii cusubaa oo ay ka dhansan tahay in ka yar 24 labaatan sacadood oo kaliya dadka qaar waxay u heelan yihiin ama ay diyaar garaw xoogaan ugu jiraan soo dhawaynta sanadka cusub dadku kale war la’aa oo mid walba waxa uu sugayaa arimihiisa waa habeen taariikh leh oo naftayda ku weyn waa 30 decamber 2007 waa habeen Axda soo galayso oo ay taariikh gaar ah ku ladhan tahay waxaa ii soo dhawaatay goortii la iga rabay inaan xaadir ku ahaado madaarka jabouti waxaa sidii hirarka bada u sii kacaya shucuurtayda waxaan gaadhay madaarkii oo dad la ciir ciraya oo waxaa habeenkaas dhoofayay dad badan oo ay sii maca salaamaynayeen eheladooda iyo asxaabatooda dabadeed waxaan galay meesha lugu hubiyo pasboorada ka dib waan ka gudbay dhinaca hore ee madaarka waa madaar ay ka muuqato shaqo hore leh waxa uu lamid yahay sida madaarada qaarkood dabadeeto waxaan gaadhay qaybta taraansidka lugu talo galay waxaan ku sugaynay khadar yar oo ka hadhay xilkaga ay diyaaradu nala kacayso waxaa sii kordha shucuurtaydii marba marka ka dambaysa ……………….. .

Waxaan dabadeed horay u galay diyaarada dhexdeeda waxaan fadhiistay korsigii la igu tala galay waxay saacadu isdul taagtay 12:30kii cawaysnimo waxaa bilaamay guuxii diyaarada qadar yar dabadeed way nala haaday oo waxay ka shiraacaatay madaarka jabouti iyadoo ku fool leh dhinacaa iyo dalka faransiiska gaar ahaa caasimada paris diyaaradu waxooga ahaa markii ay nal sii socoto waxaan dareemay jawi ka duwan kii aan ku jiray wakhtigii aan ku sugnaa madaarka jabouti oo qabaw ………………. .

Iyadoo diyaaradu marba na tusayso dalka aanu marayno iyo hadab siday cimiladu tahay waxaan Aakhirkii gadhnay madaarka Digool airpot waxay nal cago dhigatay 6:30 subaxnimo waxaan dareemay cimilo ka daran tii aan horay u aqanay waa qabaw wata baraf waxaan u sii dhafay dhafay qaybta lugu talo galay taraasidka hase ahaatee waxaan u qushuucay quruxda ka muuqata madaarka paris waxaanu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn caalamka dul iyo hoos waxa mar wadooyin hase yeeshee waxa uu la ciirciira oo sidii gadhiyaal oo kale u socda diyaaradu ka kale yimi dacalada aduunka…….

Horay ayaan u maqli jiray sheekooyinka qurbaha yaal magaalada paris waa magaalo caan ku ah dhirta oo aad iyo aad u qurux badan hase ahatee aad iyo aad ayay u qabaw dahay dabadeedto waxaan u soo dhaafay dhinacii aan u sii jeeday waxaan tagay goob lagu talo galay in laga raaco tareenka u baxa dalka Holand intii aan jogay meesha laga raaco tareenka u baxayay Holand waxaan aad ula yaabay oo indhahaygu qabanayeen dad wada yaacay waxaan waydiiyay wiil ila socday waar dadkan xagee u socdaan oo ay u ordayaan markaas ayuu igu jawaab celiyay waa dad shaqooyin u orday ……………

Abaaro 7:30 aroornimo ayuu tareenkii nola soo dhaqaayay dalka Holand intii aan dhexda ku jiray ee aa walina aan gaadhin dalka ku xiga faransiisk oo ah dalka Beljamka dhabada tareenka waxaa hareer socday dhir qurxoon iyo geedo baraf dilay laakin waxa la ii sheegay in dhawaan qurux badnaan doonaan oo ay dib u soo noolan doonana ka dib waxa aan u soo dhawaanay dalka Beljam oo ka dheerayn dalka faransiiska waxayaab igu dhaliyay intii aan safarka ku jiray xuduudaha u dhexeeya dalalka yurub oo aanad arki karin laakin aad war ka helayso marka aad gasho oo waxaan ognahay in dalalka africa aad dhib kale kulmi karto marka aad tagyso dal kale oo africa ah dalka Beljam waa dal yar oo aad u qurux badan oo walina waa xarunta midawga yurub waxaa indhahaygu qabanayeen dhul heer sare ah oo si fiican loo daryeelay waxaana loo baaahan yahay in aanu ka dayano waxa aan arkayay wabiyo kale qaybiyay magaalooyinka dalkaas dhinaca kale waxaan arkayay beero waaweyn oo aad loo habeeyay oo teetsan hareeraha wadooyinka ka dib waxaan u soo dhaaway dalka Nederlanda oo ah dal ku caan ah soo saarka caanaha inta badan sadexda dal ee aan soo maray waxay ka siman yihiin dhirta iyo wadooyinka waaweyn iyo daaraha dhaadheer laakin waxa indhahaagu qabanayaan waxyaabo yaab leh.

Wariye:-
Sakariye Carab Cadan(Suxufi)
Breda, Holland

Tacsi - Abwaan Xassan Sh. Muumin - from M. Bille

Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan reer Omar Bille dharaar iyo xaasaskooda oo ku kala nool England, America iyo Canada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay abwaankii qaaliga ahaa ee Hassan Sheekh Mumin oo xalay ku geeriyooday magaalada Oslo ee wadanka Norway, waxaanan si gaara ugu tacsiyadaynayaa C/kariin Hassan, Mohamed Hassan, Abdalle Hassan , Madino Hassan and Safia Hassan oo kala jooga France iyo Somalia.
Waxaan illaahay uga baryayaa inuu janatu fardowsa ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan innaga siiyo.aamiin.

Mohamed O. Bille
Mbille7@hotmail.com
London , UK

Tacsi - Abwaan Xassan Sh. Muumin

Anagaa ah dhalinta hoos ku Xusan magacyadoodu Waxaan tacsi Tiiraanyo Leh U direynaaa Aabaha Abwaanad Abwaan Hassan Sheikh Muumin (Gorod) OO Maanta Ku Geeriyoodey Magaalad Oslo Ee Wadanka Norway Waxaana Alaha Awood Leh Uga Baryeynaa Inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Ehelkiisa IYo Qaraabadiisana Samir Iyo iimaan Ka siiyo AAmiin Aamiin

1- Mustafe Cabadi Xabashi
2- C/ kariin maxamed Faarax dhago
3- Axmed Carab Da,uud
4- Mawliida jaamac aloore
5- C/rashiid jibriil Aamin
6- Idiris Xadi Ibraahim
7- C/qaadir maxamed Cilmi
8- C/qaadir cabdi Jibriil
9- khadar Yuusf Ibraahim
10- Rashiid Xadi idle
11- Samatar Xamse Aadan
12- Shire muuse jaamac
13- C/risaaq Axmed Kuwait
14- C/kariin Daheeye Ismaciil
15- C/qani C/laahi Jiiro
16- Maxamed C/laahi Diiriye
17- Faysal Faarax Aleel
18- C/karin Jaamac ALeel
19- C/raxamaan Ali Rooble
20- C/raxmaan Xuseen Xirsi
21- cumar Xaaji Daahir Aw Cilmi \
22- Maxamed xildhibaan Aare
23- Axmed Suldaan ( xildhibaanka *
24- Yuusuf Xuseen Suldaan
25-C/qani Dhagjar
26- Shirwac Arki JIrey
27- muxiyadiin baabuloo
28- Mawliid Dacawo
29- NIcmaan Makeyl
30- Fadxiyo maxamed xasan
31- khadra Xasan Kaahin
32- Raxma Sheekh C/laahi Muuse
33- Maxamed Ismaciil Axmed (Konka)


Xamse Samatar

samatar52@hotmail.com

Tuesday, January 15, 2008

Baaq Nabadayn; oo Ka soo baxay Dhalinyarta Reer Ottawa ee(Samaroon) - Ahmed Bakaal

Baaq Nabadoon ah; Anagoo aad iyo aad uga murugaysan kana tiraanyaysan.Dirirta u Dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee dhimashadu ka timid.waxaan u soo jeedinaynaa in xabada la joojiyo oo wada hadal lagu dhameeyo iyadoo wax sharuud ah la iskuxidhin si walaal nimana lagu dhameeyo dagaalkan soo noq noqonaya arintuna waxay utaalaa( habar samaroon) oo dhan inay ugur madaan oo ay wax lataaban karo ka qabato mar dambena aanay soo noqon foolxumada maanta dhacday. waana taariikh xumo mana haboona in dad la iska dila ama la iska dhawaco iyodoo aan jihaad lagu jirin ama qolo cadawa lagu duulayn. markaa walaalayaal hubka dhiga oo gacmaha isasaara dad walaalo ah baatihiine anagana ceeb hana badina oo hanaga dhigina kuwo heshiiskiina kuguulaysan waayeyWabilaahi tawfiiq ilaahay xaqa ha inatuso gabi ahaanteenbaSuldan ; Ahmed Bakal Ottawa canada

Ahmed Bakaal
bakalahmed2@yahoo.ca

Adoo Madaxwayne Ah Maxaad ku Jeclaatay Madaxwayne Ku Xigeen? By Ahmed Garaad

Waxaa lagu ducaystaa illaahow nadil oo hana doorin.waxaan ducadaas utilmaansaday dhacdooyinkan iska daba imanaaya,ee ay reer awdal ugutartamayaan madaxwayne ku xigeenka,miyaydaan ogayn inlaynala yaaban yahay oo aay soomaalilandtiikale ayleeyihiin nimankan dalka madaxweynaha ka ah ee hadana raadinaaya ku xigeenka,siaday wax ka yihiin.

hadaan dib ugu noqdo loolankii siyaasadeed ee 1993kii waxaa looloolamay madaxweyne iyo madax weyne kuxigeen,sadex nin ayaa u ordaayay madaxweyne sadaexda nin nin reer barbara ayuu ahaa nina reer burco ayuu ahaa nina reer barbara ayuu ahaa. waxaana ku guulaystay ninkii reer barbara ,kuxigeenkiina ninkii reerboorama,reer awdalow mawaxaad dib ugu noqoteen 1993gii, maanta ooay tahay 2008 ayaad waxaad tahay hogaamiyaha dalka soomaaliland malaha waanad isgaranyne,tadawur dheerna waa loosoo maray halkan maanta aad joogtaan,soomaalidu waxy tidhaahdaa dameer malab lasaaraa nimcada eebe ugu deeqo inuu daadise oge.dibusocodkana waalaga fiicanyahay waa inaanad meeshaad shalay martay dib aanad ugu noqon.

hadaad kulmiye ku jirtaan ma idin ka xaaraanbaa inaad isu sharaxdaan madaxweyne ooxeerka kulmiye ayay kujirtaa inaan reer awdal isku soo taagikarin jagada madaxweynaha,hadaytaasi jirto noo sheega,waanu idin garawsanaynaa markaase,mida kale mawaxaad isleedihiin wuxuu madaxweyne qaban waayay ayuu madaxwayne kuxigeen qaban taasi waariyo,madaxwayne riyaalena dariiqbuu idiin jeexay waana macalinkiinii .

Ahmed Garaad
ahmedgaraad14@hotmail.com

halista kaga soo fool leh siyaasada gudaha ee reer Awdal...By Yasmin Doualeh

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh illaahay, nabad gelyo iyo naxariisna Rasuulkeena Moahamed korkiisa ayey ahaatey scw, indinkana waxaan idiin soo tebeniyaa salaan diiran akhristayasha qiimaha badanoow.

Waa kan qalinkii iyo qormadii aad iiga barateene, maantana waxaan jecelahay inaan ku eegno qormadeeydan arimo dhawra oo aan u arkay inay mudan yihiin in aan ku falanqayno maqaalkeeygan maanta, amba aan wax ka taabtoo, ka dib markaan arkay in loo bahaan yahay inay mudan tahay in loo soo bandhigo bulshada Reer Awdal, Balhadabase qormadeeyda maanta dareenka ay xambaarsan tahay waxa weeye, halista kaga soo fool leh siyaasada gudaha ee reer Awdal, oo aad moodo in maamulka Dahir Rayaale ay ka seexdeen wax ka qabashadeeda, taasina ay ku tusayso in dhaliilo badan oo xaga maamulka Rayaale ay jiraan, sida uu Gobolkan uga gaabiyey horumarka Goboladaa kale ee ka tiirsan Somaliland.

Intaananse qalinkayga la kala bixin, waxaan raba inaan ka afeefto wax yar, marka aynu had iyo jeeraale ka hadlayno dhaliilaha hogaanka, xukuumada iyo gebihaanba Somaliland maaha micnaheedu inaynu Reer amba Qabiil Afka ciida u darayno, ee hadafkeenu waxaa weeye inaynu waxii xukuumadeena ka khaldan aan farta ugu fiiqno, si loo taamil yeelo himilada aynu higsanayno, si hadaba aynu hamigeena u xoojino una ogaadhno horumar wax ku oola ayaa waxa loo baan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo hurumarka Awdal Jaaliyadaha dibada jooga iyo xukuumad wax qabad wanaagsan leh iyo shacab ka gudaha joogaba, si geedi socodka nolosha hore loogu sii mariyo.

Waxaanse lee yahay garanay in maamulka Rayaale ku guul daraystay wax yaabo badan oo looga baahna inuu qabto, mase ogsoon tahay in maamulkan wakhtigiisii uu dhaw yahay oo mudo yar ayaa xiligiisiiba ka hadhay, ee marka xiligiisu dhamaado, taladu yaanay mar danbe ina seegine, inagoo ka shidaal qaadanayna waayo aragnimada aan ka dhaxalnay maamulkan hada jira, aan u dhiibano masuuliyada cid ku haboon oo ka soo bixii karta xilka culus ee loo igmaday ummadana si cadaalad ku dheehan tahay uu daadihiya, welibana inoo horseedi karta bash bash iyo badhaadhe, oo umadan daalan moral jabkuna ku dhacay daba qabata oo la shaqayn kara halyeeyga " Mayer CABDI SHIDE BILLE "

Kolse haday sidaas arimihu yihiin waan ina hamigeena xoojino waan inaa soo doorana qof u qalma jagada madaxweyne ku xeeganka ee xisbiga Kulmiye oo halyeey ah run-ahaantina qof ana ahayn Eng: Cabdiraxman Saylici ma arko " so far " waa nin ku haboon masuuliyada kartina ilaahay uu dhaliyey cadaaladna ku dheehan tahay wax yaloo badan Gobolka kaa qabtay ha ugu horayso " Airport--ka " Borame .... Shacabka Reer Awdal uma baahna wax jahwareer ku abuuro oo sii tukhun tukheeyaa waxeey u bahaan yihiin ruux damiir leh oo lexajeclo ka hayso Gobolka iyo dadkiisa, ruux kasta oo damirkisu nool yahay marnaba ina-aw-Cali ku tashan mayo , taasi waxay noqonaysaa adigoo isha far iska geliyey.

Waxaan u arkaa inay tahay talaabo khaldan in jahwareer lagu abuuro dadka walaalahaa ah ee reer awdal inkastoo ay reer Awdal marwalba midnimadu ay u tahay lama huraan....

Waxaan kusoo gebagebaynayaa maqaalkaygan maanta, tan iyo intaa aan hawada ku kulmi doono kulan danboo xiisa badan mar kale, Nabad Gelyo amaana allah iyo amaana rasuul scw.

Yasmin Doualeh
yasmin_qalanjo@hotmail.com

Sunday, January 13, 2008

Somalia: Fresh fighting erupts in Somaliland-Puntland disputed region

(SomaliNet) Fighting has renewed in the disputed region of Sool in northern Somalia between troops loyal to the rival authorities of Somaliland and Puntland on Sunday. The clashes happened in Dhamasa village, 80km north of Laasanood city, the provincial capital of Sool when the Puntland forces attacked positions of the Somaliland troops, sources say.

There is no immediate casualty resulted from the latest gun battle.

The authorities in the semi-autonomous region of Puntland accused the break away republic of Somaliland of starting the fighting.

The Puntland officials said its government would not tolerate the offensive from the Somaliland troops “We have killed several soldiers and captured number battle-wagons from Somaliland in the Laasanood fighting,” the adviser of the information minister of Puntland Bile Qabowsade said.

While, the Somaliland authorities in Laasanood said their forces killed and wounded several soldiers and also captured war vehicles in the fighting.

But no independent reports confirming the claims of both rival sides.

The latest fighting came as the Somali’s president recently said in Baidoa, the base of the transitional federal parliament that if the Somaliland troops would not withdraw from Laasanood it would result war with bad consequence.

On October, 2006, forces loyal to Somaliland authority took control of Laasaanood city from the Puntland troops.

Source: Somalinet