Sunday, September 02, 2007

Suldan Ibarahim Jamac Samatar oo beeniyey inuu la kulmay Cabdi Xassan Buuni

Boorama-(Lughaya News)-Suldaaan Ibraahim Jaa-mac Samatar ayaa shabakada Lughaya News u xaqiijiyay in aanay jirin wax kulan ah oo u la yeeshay Wasiir Cabdi Xasan Buuni safarkiisii Boorama ee maalintii jimcihii sidoo kale suldaanku waxa uu ku tilmaamay war xaqiiqda ka fog maqaalka ay daabacday jariirada Ogaal 1seprem-bar 2007 , maqaalkaas oo sheegayay in wasiirku uu la kulmay Suldaanka kana wada hadleen arimo siyaasada u janjeedha, waxana uu suldaanku isaga oo arintaas ka waramaya uu yidhi “ waxa aan warkan ku waabariistay saaka mana jirtosaxaafad aan kulmay oo aan uga waramay kulan aan la yeeshay wasiir Buuni” waxa kale oo uu Suldaanku xaqiijiyay in uu maqlay safarka wasiirka balse aanay jirin wax martiqaad-kulan ah oo ay hore u lahayeen ama ay u balan sanaayeen isaga iyo wasiirku, waxana uu yidhi “ waan maqlay in uu wasiirku yimid mana ogayn wax uu u yimid, mana jirin wax kulan ah oo aan yeelanay, waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu suldaanku yidhi sanado isma aanaan arag aniga iyo wasiir Cabdi xasan Buuni”.Suldaanka ayaa xusay in aysan jirin ujeedooyin ay u kulmi karaan oo la mid ah tan ay jariirada Ogaal daabacday waxana uu yidhi “anigu Suldaan ayaan ahay mana jirto arimo siyaasadeed oo aan wasiirka kal hadli karaa” waxa uu suldaanku intaas sii dabo dhigay “danaha shacabka ayaan u adeegnaa hadii aan salaadiin nahay waxana naga mamnuuc ah in aan garab gaar ah u adeegno”.

Sida ay Lughaya News ka soo xiganay jariirada Ogaal cadadkeedii soo baxay Sabti 1 - dii Septembar, 2007 ayaa waxa ay ku xusnaa maqaalka uu suldaanku beeniyay kaasi oo ay cinwaan uga dhigeen kulan dhex maray wasiirka golayaasha iyo mucaaridka ugu waawayn gobolka Awdal ayay kaga sheekaysay in ay xubnaha mucaaridka ugu waawayn ee gobolka uu shir la yeeshay Wasiir Buuni kana wada hadleen sidii ;loo turxaan bixin lahaa xurgufta siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumada iyo macaaridada gobolka Awdal waxana ay jariiradu sheegtay in uu wasiirku la kulmay xubno ay ka mid yihiin Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, Xaaji Axmad Miisaan iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar. Waxana ay jariiradu xustay in ay wararkan ka soo xigatay wariyaheeda magaalada Boorama Daahir Axmad Jirde.

Source: Lughaya News

No comments: