Waxa ay ahayd 25kii bishii siddeedaad maalin jimca ah. waxaan ka soo anbabaxnay magaalada Boorama oo ah rugta aanu daganahay anagoo ah saddex wiil oo kamid ah ardayda wax- kabarata jaamacadda camuud (sephomore, junior, senior).
Waxaan habeenkii oo dhan soo guurnaba, waxaan aroortii xigtay soo gaadhnay lowya-caddo oo ah magaalo yar oo saaran xuduud ka somaliland iyo jabuuti kala badha; gaar ahaan dhanka Somaliland.
Gawaadhidii aan losoconay ayaan ka daadagnay si loo cashuuro shixnadaha ay wadaan; kadib ayaanu usoo dhaqaaqnay xafiiska Laanta socdaalka ee lowya-caddo si’aanu ugu gudubno xadka jabuuti balse nasiib daradii ugu weynayd ayaa halkaasi nag qabsatay.
Ninka lagu magacaabo kaahiye yuusuf dugsiiye ayaa waxa uu "na'waydiiyey sharcigii wadanka" Anaguna waxaan tusnay ID-card –ka jaamacada camuud Balse ninkaasi waxa uu yidhi waar sharcigii wadanka aad ku joogteen keena ama halkan ayaad fadhinaysaan ama camuud dhigta ama ha'dhiganinee. Waxaanu u sheegnay in wadanka Somaliland maanta wax aan aqoonsi ardaynimo ahayn oo dhexyaalaa uusan jirin; baasaboorada Somaliland –na kaliya hab diblamaasi loo bixiyo.
Hadal aanu ku qanacno ayaan ka sugaynay ninkaasi masuulka sheeganayey balse wax uu noogu werceliyey baasboorka soomaaliya maxaad u soo qaadan waydeen. Waxa aanu ku nidhi jabuuti hana waydiiso baasboorka Soomaaliya balse in aad afka kala xishooto ayey ahayd wadanka somaliland ayaad meesha u fadhidaa ee Soomaaliya uma fadhidid. Run ahaantii waxay ahayd maalintaasi maalmihii iigu yaabka badnayd ee isoo marta;
"Waxaan isweydiiyey ninkan kaahiye Yusuf Dugsiye la'yidhaah ee dawladu meesha soo fadhiisisay ma caqli xumaa haysa mise Aqoon la’aan ayuuba la silcayaa ?"
Anagoo degan caasimadda gobalka Awdal ee Borama islmarkaasna wadana aqoonsi Jaamacada camuud ayuu arinkaasi foosha xun leh nagula kacay. Iyada oo uu noo dheeraa Jawi aad u qalafsan oo kulayl iyo hanfi badan oo naftayaduna xamili kari la'dahay kulaylkaa halkaa ka jira maadaama oo xilli xagaaga lagu jiro.
Hadaba anaga oo faruurta dhexda ka qaniinsan cadhana noo dhamaatay ayuu oday askari ah la diriray una sheegay in aanu arday nahay sidaasna ayaanu ku soo dhaafnay meeshaasi sharka badnayd. Waxaan usoo kicitinay dhankaa iyo xadka jabuuti. waxa halkaasi ku hareeraysnaa milatari; dhabada laga galayo xadkana silig ayaa hareer kasta xayndaab looga dhigay; waxa aanu safdaba galnay dadkii reer Jabuuti iyo dadkii kale ee Somali passport-ka sitay ee doonayey in loo fiiseeyo. Markii aanu safkii ugu hor marnay ayey askartii jabuuti na waydiiyeen sharcigii wadanka aan ku gali lahayn.
Waxaanu u sheegnay in aanu arday nahay waxaanan tusnay aqoonsiga ardaynimo ee aan sidano. waxa aanan fahansiinay in danno nagaga xidhan yihiin jabuuti; islamarkaana aan
Sharci u haysan wadankooga. aad ayay na noo soo dhaweeyeen waxa ayna noo ogolaadeen in aanu wal-wal la’aan ku dhaafno xadka. anaga oo faraxsan ayaan u soo gudubnay jabuuti oo a ahayd meesha uu yoolkayagu ahaa ama aan u soconay. Run ahaantii askarta jabuuti sharci aanu haysanay na'guma sii daynin; laakiin waxa ay meel ay u dhaafaan waayeen ardaynimada naguna qadariyeen.
Hadaba akhristoow bal dhacdadan miisaan oo anaga nagu noqotay arin fajac iyo murugo badan;
Gabagabadii ayaa waxa aanu leenahay madaxda laanta socdaalka ee Gobolka Awdal
Waa in arinkaasi sida uu ku dhacay ay naga qanciyaan? Marka aad leedihiin keena sharcigii wadanka ma waxaad u jeedaan Abtirsiin mise waxaa jira shirciyaad aad bulshada u soo bandhigteen oo qofka aan sidan uu mudan doonoo ciqaab ?
Mar hadii ardayda reer soomaliland shuruud looga dhigayo soo qaata passporka Somaliya waxaan u aragnaa nasiib daro qaawan una baahan in xal laga gaadho guud ahaan inta ay khusayso. balse waxa ay talo ka joogtaa ninka xurmayn waayey, sharfin waayey, qadarina waayey, madaxdii mustaqbalka ee barito badali lahayd.
By guled omar mead
guuleedgcm@hotmail.com
Borame, Awdal
1 comment:
waayo ninka la yidhaah Dugsiye? ma calooshiisa u shaqaystaa mise shaqaale
Post a Comment