Saturday, September 08, 2007

Taageero iyo Wargalin - Omar Sulthan

08 Septemper 2007
Aniga oo ku hadlaaya magaca dhalinyarada qurba jooga maxad case kuwaas oo kala jooga Waqooyiga Ameerika, yurub, kanada, iyo bariga dhexe, waxaan marka hore taageero buuxda labarbar taaganahay go' aan ka geesinimada iyo badheedh ka ah ee ay dhawaan kala noqdeen kalsoonidii iyo taageeradii xisbiga kalidii taliska ah ee daahir Rayaale Kaahin.

kuna biiray xisbiga kulmiye.waxa kale oon hanbalyo u diraynaa mudane Hoori (oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada xanaanada xoolaha oo iska casilay) oo baal dahaba ka gaalay baalasha geesiyiin ta udhashay gobolkan awdal ee naf iyo maalba u huray bad baadada umadoo da, waxaan kuu haynaa sharaf waxaanan kugu taageeraynaa sida aad uga dhiidhiday xukuumada rayaale ee kubahawday cunfiga iyo cabudhinta mawqifkaaguna waa midka geesiga lagu yaqaan.kadib markaan u arag nay in maslaxada umada somaaliland dhamaantiis xisbigaas ay kujirto kaas u kusifoobay caadil nimo, diimoqraadi nimo, kala danbayn, iyo anshax wanaag,islamarkaana si gaara aan u aragnay in maslaxada gobolka aan kasoo jeedno ee awdal dani ugu jirto.waxaan goosanay hadaan qurba jooga maxadcase nahay inaan taageerada yada labarbar istaagno xisbiga KULMIYE.

kadib makii goloka awdal een kasoo jeed naa ku hongoobay xukuumada daahir rayaale kana qaday adeeg yada aas aasiga ah ee mujtamacaasi u baahnaa, ha, ahaato dhaqaale, caafimaad, iyo dhamaan ba adeeg yada bulshada oo dhan.taa soo ay u dheer tahay caga juglayn iyo cabudhin (qaybi oo xukun).Waxaan idin leenahay hambalyo talaabo loo baah naa ayaaad muujiseen waanan idin taageeraynaa. waxaan is la garanay inaan dhamaantayo is barbar taagno xisbiga kulmiye,lanashaqayno walaalahayaga xisbiga kulmiye ee qurba jooga isna barbar taagno lana qaybsano hawsha ku beegan adeega bulshada soomaaliland kaga xidhan wadanka debadiisa.taasi waynaga go an tahay.waxaan ku boorinaynaa niman ka leh xisbiga kulmiye waa SNM. wuudhamaaday waqtigii xisbiga udub istiraatijiyadiisa ku aadan awdal dhegta ugu ridayay waa SNM, waxaan idin leenahay snm waan dagaalanay waanan ka heshiinay dibna loogu noqon maayo sheekadaas, e rayaalow wax kale oo lagaa dhegaysto umada usheeg.waxaanan kuu sheegaynaa inaan si cad oon leex leexad lahay kaaga dareer nay xisbiga aad horjoogaha ka tahay ee udub. kadib markaan u aragnay in wax maslaxada oo umadan gobolka kunool habayaraatee ayna ugu jirin.

waxaan kaloon ugu baa qaynaa dhamaan walaalaha yaga ku nool gobala kan awdal ee maanta lasocda xaalada adag ee wadankani marayo gaar ahaan gobol kaan kasoo jeedno iyadoon cidna maanta loo tilmaamayn wax yeelada soo gaadhay intii uu xisbigaa si katalinayay dal ka.hadii aan tusaale yar idinka siiyo waxa ay dawladii rayaale awoodi wayday dhismihi groonkii biroole kaasoo soo galay maanta loo lanka siyaasada oo noqday markii sadexaad oo dhagax ladhigo. hadaba mee dawladii qaranka ee wadankan ka talinaysay ee waajib kasaarnaa adeega bulshada sida arinkan biroole iyo dariiqa dila iyo boorama u dhexeeya oo ku danbeeyay mash ruucii faanoole fari kama qodna iyo IWM. waxaan lee nahay xukuumada rayaale (Shame on you).


Waxaan hanbalyo u diraynaa dhalin yarada madaalaha ah ee gobol kan kasoo jeeda, sida ay goor iyo ayaan ugu guntan yihiin hawlihii ay dawlada rayaaye dayacday gaar ahaan dhismaha garoon ka biroole iyo iwmwaxaan hadal kayaga kusoo gaba gabaynaynaa:

"Raga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele."

Awdal hajirto;Nin habari dhashay halmaseegi waayo.

Omar Sulthan - U.S.A
omarsulthan@yahoo.com

No comments: