Friday, September 07, 2007

"Reerkayaga Ammaan Geli "

Zakariye Hussein
07 September 2007
Riyaad : Dr.C/Muxsin al Casaaf oo u dhashay dalkan Sucuudiga oo noo dhigi jiray maadada Iidheda iyo Ogaysiiska ayaa maallin maalmaha ka mid ah nooga warramay wakhtiyadii uu ardayga ahaa ee uu warfaafinta baran jiray waxaanu soo qaatay dhacdo wakhtigaasi soo martay oo ahayd inuu la kulmay isaga oo jaamacadda ka sii hoyenaya oday da` wayn oo waydiiyay waxbarashadiisu nooca ay tahay.

Dr. AlCasaaf waxa uu yidhi markii aan u sheegay inaan ahay arday saxaafadeed ayuu duqii I waydiiyay qiimaha qalinka aan jeebadda ku watay, markaasaan ugu jawaabay buu yidhi qalinkaygu adeer waa mid qiimo jaban taagan oo waa labo Riyaal, odaygii ayaa yidhi sida uu sheegay Dr .alCasaaf : "ha ku celin mar danbe hadalkaasi, ma adiga oo wariye ah ayaad leedahay qalinkaygu waa rakhiis , wuxuuna intaa raaciyay buu yidhi : ogow inuu qalinkaagu ka qaalisanyahay kana karaamo badan yahay qalinnada kale, balse waxa waajib ah inaad ugu adeegtid diintaada iyo dadkaaga ilaahayna ku raali gelisid ".

Sheekadan gaaban ayaa muujinaysa sharafta mihnadda saxaafadda iyo masuuliyadda wayn ee saaran saxafiga, sobobtuna waxay tahay warbaahinta oo ah sida ay reer galbeedku ku tilmaamaan awoodda afraad (the fourth power) oo la siman awoodaha sharci dajinta, fulinta , iyo garsoorka ee ay xukuumad kasta oo nidaamka galbeedka ee dimuqraadiga ku shaqaysaaba leedahay, sidoo kale saxaafaddu waxa ay si aan toos ahayn u hagtaa bulshada ay u shaqayso, iyada ayaana samaysa waxa loo yaqaan ra`yi waynaha (public opinion), waxayna adeegsataa awooodda iyo saamaynta macluumaadka oo markasta la huwiyo caqiidada, aydyooloojiyadda iyo danaha cidda faraha ku haysa saxaafaddaasi.

Sidaas darteed warbaahinta Somalida badankeeda ayaa la odhan karaa waxa ay u adeegtaa qabyaaladda oo ah mowduuca inta badan qaata wakhtiga ummadda Somaliyeed, islamrkaana seejiyay nooc kasta oo horumar ah, iyada oo la odhan karo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed way ka simanyihiin aragtida qabyaaladda.tusaale ahaan wakhti hore ayaan ka aqriyay website Somaliyeed dhacdo aan aad ula yaabay oo ahayd nin wariye ah sida la sheegay oo shabakaadaas iyada ah ka ka tirsan oo la xidhiidha akhristeyaasha shabakaddiisa ugana jawaaba waxyaabaha uu arko inay lid ku yihiin beesha uu isagu ka dhashay, si foolxunna ula dacwiya akhristeyaasha oo loo baahnaa inuu u noqdo tusaale wanaagsan oo ay qoraalka kaga daydaan, balse isagu hadalkiisa ku soo afjara markasta "reerkayaga ammaan geli", waxaanan aad ula yaabay nin ka mid ah akhristayaasha oo intuu kaydiyay hadallo meel ka dhac ah oo uu sheegay inuu wariyehaasi u soo diray isla shabakaddii uu saxafigu ka tirsanaa ku baahiyay.

Dhacdadaas oo aan aad uga naxay wakhti horena dhacday ayaa igu faral yeeshay inaan maqaalkan qoro, inkasta oo aan in badan ka dib-dhacay xilligii ay dhacdadu taagnayd, si uuna qoraalkaygu u noqon mid fadeexad iyo weerar shakhsi ahaaneed xanbaaarsan, haatanna waxa iga reebban inaan sheego goortii, goobtii iyo ciddii falkaasi samaysay, maxaayeelay kaliya waxa muhiim ah in falka iyo dhaqanka qaldan uun la naqdiyo iyada oo aan la magcaabayn ruuxa ay ka xumaatay, waxaanan filayaa inayna wax faa`iido ahi ku jirin in macluumaadkaasi la soo bandhigo.

Si kastaba ha ahaatee inkasta oo ay dad badani si shuruud la`aan ah wariyeyaal isaga noqdeen kadib markii ay aaladda interneku fududaysay baahinta macluumaadka, haddana waxyaabaha wariye kasta looga baahanyahay waxa ka mid ah aqoon ballaadhan oo ah mid guud iyo mid dhinaca saxaafadda ah, maskax badni iyo hal-abuurnimo iyo kalsooni uu naftiisa ku qabo oo aan marnaba u horseedin islawayni iyo kibir.sidoo kale shuruudda wariyenimada waxa ka mid ah inuu qofka doonaya shaqadani noqdo ruux furfuran oo sabir badan , kartina u leh shaqo wadareeda warfaafinta , iyada oo wariye kasta oo muslim ahna looga baahanyahay inuu markasta ku xisaabtamo amaanonimada erayga iyo qalinka oo uu ilaahay ka cabsado,,, allahayow warfaafintayada ha ka dhigin mid ku salaysan '

"reerkayaga ammaan geli " aamiin.. aamiin.
Zakariya Hussein
Riyaad
murtishiil@hotmail.com

No comments: