Friday, September 07, 2007

Ayaa mudan inaa latahniyadeeyo - Abdifatax Cige

waxaan aad iyo ad ugufaraxsanahay inay jiraan hablo soomaaliyeed oo awood uleh hal abuurka inkastooy badan yihiin dadka yaraysta awoodooda hal abuurnimo aniga laftaydu waxaan aaminsanaa inayna karti ulahayn hal abuurka waxaanan odhan jiray

tarabuunka maansada marka loo tartamo gabay haween laguma tala galo hadanna waxaa waajib igu noqotay inaan noqdo midka ugu baaqa inaa haweeenka lagu dhiiri galiyo looguna sacabiyo waxyabaha ay kusoo dareen bulshada hada waxaan uga socda hadalkan oo igu dhaliyay qoraalka maqaalkan waxay ahayd laba maanso oonka akhristay lughayanews oo ay kala lahaayeen oumalkhayr robleh cilmi oo joogta Dakar siniingal iyo rooda miisaan oo joogta maraykanka.

mansooyinka ayaa ahaa kuwo aad loola dhacay oo runtii soojeeediyay indhah dadka markaas waxaan aad iyo aad uga xumahay inaan lahabsaamay inaan tahniyadeeyo haweenkaas inta aaminsan inayna haweenku awood ulahayn hal abuurkana waxaan rajaynayaa inay kawaantooban aragtidoodaaa sida mr.sakariye xuseen oo katirsan bahda lughayaba uga soonoqday aragtidaa waa sida uu kubayaamiyay maqaal uu kaqoray gabaygii gabadhaas rooda hadaba anoona kusii dheeraanayn ayaan jeclaaday inaan kusoo xidho maansadan yar oo ahayd mid ay sabab u ahaayeen maansooyinka haweenkaas waxaanan idhi

tira badan dadka jecel
talaabada allaa qora
tuse macalinbaa umudan
tacliin barashadeedana
haka taginadaa roon
taariikhda dunidana
inlataabacaa roon
todobaad dhawaydbaan
tixdan rooda helayoo
tankis iyo alaylehe
taree boo ayay hayd
midla tiigsaday hayd
sida loo texee hadal
lootiriyo maansana
laga tuugsaday hayd
tixda gabay wanaageed
murti taaba galinteed
gabadh toosisay hayd
kutiiq tiqsatay hayd
tilmaan bixisay bay hayd
tolka kaca tidhay hayd
tosha marada baylahan
farta ugu tilmaantood
isku taga tidhay hayd
alaylehe talaabada
tiriig soco yidhay hayd
bulsha loo tar tama iyo
kuwa taagta aan hayn
wax utara tidhay hayd
aan kuutuura hadalkee
cida taarka aan diri
aan utabi isleeyahay
tagsan rooda weeyaan
sootabi murtida oo
talan taali sheekada
hakatagin sargoyantiyo
tafa tirida weedhaha

sidoo kale maansada ay kuqortay umalkhayr robleh lughaya ayaa taabanaysay bulshada dhaqankeeda iyo qaabka loodhisi karo reer. taasina waxay mudan tahay amaan kuwaasoo kalena waa kuwa loobaahanyahay markas waxaan jeclaan lahayn inaan aragno haweeenkaloo soomaaliyeed oo iyaguna kaqayb qaadanaya nolosha bulshada iyo hal abuurnimada waxaanan leehay labada gabdhoodba mabruuk halkaana kasii wada

c/fatax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
Cairo

No comments: