Saturday, September 08, 2007

Ka Bago Taariikhda Awdal - Suleiman Elmi - Norway

Qarnigii 9aad ilaa kii 11aad MD, kooxo Xabashi ah ayaa ka soodhaqaaqayay Tigray oo soo gaarayay degmooyinka bariga Agaw ee Lastaiyo Waj, iyo Angot oo ahayd bartamaha galbeed ee dhulka Cafarta. Isla Qarnigii - 11aad ilaa bilowga qarnigii 12aad, kooxdaasi waxay soo gaartay dhulkawabiga Bashiilo oo ah WG ee Wallo1. Dhulkan oo markaa laga bilaabonoqday Beyt Amxaara, wuxuu qayb ka ahaa Agaw, wuxuuse ku dhawaameelaha ay iskaga yimaadaan dhulalka Agaw, Soomaali iyo Cafar.

Shantiiqarni ee ku xigay, Beyt Amxaara waxay ahayd saldhigga laga soo maamulomid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa adduunka oo dhex marayay Xabashaoo ay Amxaara hogaaminayso iyo Soomaali oo ay hogaaninayeensaldanadihii kala danbeeyay ee Shawa, Awfaat iyo Awdal.Koox Agaw ah oo nasaarowday ayaa abbaaraha 1137 la wareegtay xukunkaXabashida ilaa Amxaaradu ka qaadday 1275kii. Markaasoo dagaalka dhabtaahi ka dhex bilowday Soomaali iyo Xabashi. Dagaalku wuxuu ku saabsanaadal iyo diin, markaa haybta labada dhinac waxay kala ahayd muslim iyonasaaro.

SH AWA-AWFAAT-AWDAL:

Halgan iyo Dhiigbax:Dagaalkii ugu horreeyay oo dhexmara Soomaali iyo Xabashi, inta laogsoonyahay, wuxuu dhacay 1128 MD. Qabiilka Warjeex oo la filayo inuuwaqooyi ugu xigay qabaa'ilka Soomaalida ahaa ee aagaas degenaa, ayaaAmxaaradu soo weerartay, Sida lagu xusay taarikhda saldanaddii Shawa.Warjeex oo degenaa aagga Manze ee W/Shawa, waxay jabiyeen duullaankiiAmxaarada2. Sida qoraallo danbe caddeeyeen Warjeex waqooyiga waxaa kuweheliyay labada qabiil ee Gabal iyo Wargur/Wargaar, oo aan u haysannoin ayaguna soomaali ahaayeen.Degmooyinkooda waxaa ka mid ahaa: Maracaddey, Garbacaddo, Caluula,Agabo, Seega, Guraale, Dubaar, Maxfuud, Cabdille, Cabdi rasuul iwm.Saldanadda Shawa oo ay hogaaminayeen reer makhzuum, waxaa la asaasay896. Xarunteedu waxay ahayd Walaalaha/Walalah oo 50 mayl WB ka xigtayAddis Ababada maanta3.

Dagaal sokeeye ayaa 1234 ka dhex bilooday xukumayaashii saldanadda.Cumar Wali-asmac oo asagu Jabarti ahaa, ayaa 1277 soo fara galiyaykhilaafkaas. Xaruntiisu waxay ahayd Awfaat, oo sida Ibn Saciid(1214-74) sheegay, ahayd magaalo horumarsan, kuna aaddanayd aaggamaanta ay dhacaan magaalooyinka Hawaash iyo Haadaamo (Nazareth). Cumaroo ahaa nin awood badan wuxuu xukunka qabtay qarniga bilowgiisa. Islawaqtigaas ayaa Ibn Saciid aagaas ku meeleeyay dadka Karla oo looqaatay Xarla Koombe4.jabarti wuxuu ahaa magaca waqtigaas loogu yeeri jiray jilibkaWali-asmac iyo Daaroodka, oo sheekooyinka la xiriira asalkooduna iskumid yihiin; marmarka qaarkoodna mandiqadda laftigeeda ayaa loogu yeerijiray, sida rag Al-Maqriizi ka mid yaha qoreen5. Mar danbe muslimiintaXabashiyoobay, oo ayagu ka kooban kooxo aan isku asal ahayn, ayaamagacaas u qaatay ka ahaan hayb islaami ah.

Fara galintaas ka bacdi Dul-Marax oo xukunka Shawa hayay, qabayna ina Cumar Waali asmac, ayaa la sheegay inuu xiriir la yeeshay boqorkaXabasha. Waxaa markaa lagu eedeeyay khayaana waddan. Mar danbe ayaalagu qabtay goob dagaal, waana la dilay. Aakhirkii Cumar iyo wiilkiisa Cali waxay 1285 ka takhalluseen oo laayeen amiirradii reer Makhzuum ee xukunka isku haystay. Dhammaadkii qarniga waxaa muuqata Xabashidu inayku soo fidday aagga wabiga Walaqa oo ahaa xadka WG ee soomaalidiiwaqtigaas. Sheekh abuu Cabdalla Moxammed oo hogaaminayay beelahabariga Niilka buluuga ah, WG ee Shawa, ayaa 1299 isku dayay inuuhogaamiyo jihaad lagaga hortago fiditaanka Amxaara.

Ha yeeshee sida uusheegay Mufaddal, waxaa qorshahaas kala daadiyay rag ka mid ahciidanka sheekha oo xiriir la yeeshay boqorka Amxaara7.Xilligii suldaan Xaqqud-Diin, oo ahaa durriyaddii Cumar, 1320 aadkii,Awfaat iyo Amxaara waxaa ka dhex qarxay dagaallo culus. Xilligiisuldaan Sabrud-Diin oo walaalkii ahaa,1332, waxaa dhacay dagaalkii uguweynaa. Sabrud-Diin wuxuu doonayay dagaal kama danbeys ah inuu kuqaado nasaarada (Xabashi). Dagaalkaas oo socday 8 bilood aakhirkiiwaxaa lagu jabiyay muslimiinta ( Soomaali). Nasaarada oo uuhogaaminayay Camda Siyoon, waxay qabsadeen W/Shawa. C/Siyoon,Jamaalud-Diin ayuu ka caawiyay la wareegidda jagadii walaalki, si uuula heshiiyo. J/Diin markii hore taa waa aqbalay. Laakiin aakhirkiiwaa ku gacma sayray ujeedada C/Siyoon.

Nasrud-Diin oo walaalkood ahaaayuu haddana caleema saartay. Laakiin dadku waxay aaminsanaayeenmadaxtinnimada Cali Sabrud-Diin8.Alcumari 1340aadkii wuxuu tiriyay saldanadaha la dagaallamayayXabashida: Awfaat oo ay degmooyikeeda ka mid ahaayeen Saylac iyoAwfaat, ayaa ugu weyneyd; Dawaro ayaa KG ka xigtay; Baali ayaa Koofurka sii xigtay; Daara, Sharkha iyo Arabiini waxay ahaayeen saldanadoyaryar oo ah G/ Dawaro ama K /Shawa; Hadiya oo ahayd G/Baali ayaagalbeed ugu xigtay. Saldanadahaani inkastoo ay qaybsanaayeen, haddanaAwfaat/Awdal ayaa lahaa hogaaminta guud9. (Qoraallada taariikhiga ahiwaxay tusayaan in Soomaaliyadii waqtigaas - Barbariya - islaamku kufaafay 750-1200 kii)10.

Dadka iyo degmooyinka faraha badan oo dagaalkaas ka qaybgalay la yaqaan waxaa ka mid ahaa: Xarla, Geri, Weyteen, Awdal, Saylac, Harar, Adari, Nogob, Dawaro iwm. Waxaa kaloo ka mid ahaa kuwabadan oo aan maanta la aqoon, laakiin ay caddahay inay soomaaliahaayeen, sida: Moora, Gabal, Warjeex, Wargur, Hagar, Hargaya, Gaatur, Shawa, Gadaya-geri/ guray, iwm. Sida ay muujinayaan 10naan caddaymoodoo ah qoraalladii xilligaas, qabiilooyinkani waxay ahaayeen Soomaali(facyaashii Tiirri-Dir-Jabarti) , inkastoo wax u qorayaasha GeeskaAfrika ay arrintaas, kas ama kamma u agmareen.Soddonkii sano ee ku xigay muslimiintu waxay ku jireen xaalad murugoleh oo kala qaybsanaan ah, sida uu ka cabbiray Al-Cumari, oo ayQaahira ugu warrameen culamo reer Saylac ahi. Xabashidu waxay kuguulaysatay inay xiriir la samaysato rag doonayay inay xukunkaboobaan. Waxayna qabsadeen Shawa, G/Baali iyo Hadiya. Amiirradu waxayu qaybsameen qaar la macaamilaya Xabashida iyo qaar doonaya in dagaallagaga soo dhacsado dhulka ay qabsatay.

Qof kasta oo doonaya inuuxukunka boobo wuxuu u tagi jiray boqorka Amxaarada. Taasi dagaalsokeeye ayay Awfaat u horseedday bilowgii 1360aadkii. Xilliganwaddaniyiinta waxaa hogaanka u qabtay Xaqqud-Diin iyo Sacduddiin.Labadaa wiil waxaa lagu colaadin jiray aabahood Axmed Cali Sabruddiinoo xiriir dhow la lahaa boqorka Xabashida. Xaqquddiin II ayaa xukunkakala wareegay awoowgii Cali iyo adeerkii Malasfax 1363 kii. Xaruntiisawuxuu u raray Wagal oo u muuqata B/Awfaat. Awfaat oo noqotay soohdin,dib uma samaya qaadin. Intaanu ku shahiidin goob dagaal 1373,Xaqquddiin, oo ahaa geesi laga heybeysto, wuxuu Xabasha ku qaaday inka badan 20 duullaan.Soddonkii sano ee ku xigay xukunka waxaa hayay Sacduddiin. Wuxuunaxabashida ku qaaday dagaaallo aan kala joogsi lahayn oo lagadareensanaa Yurub iyo dunida islaamka. Abaanduulayaashiisa waxaa kamid ahaa Asad, Moxamed12 iyo imaam Cali Saciid oo ka mid ahaaawoowayaashii Gadabuursi13.

Aakhirkii nasaaradu si weyn ayay isu sooabaabuleen. Si weynna waxay 1403 u jabiyeen muslimiinta. Sacduddiinwaxay dileen asagoo qoslaya oo ashahaadanaya. Maqriizi wuxuu xusay qofama kuwo khaa'in ahi inay xabashida tuseen suldaanka.Afar ka mid ah wiilashiisa, Sabruddiin II, Mansuur, Jamaaluddiin II,iyo Axmed-Badlay, ayaa xukunka iska baddalay. Kulligood dagaallo aanhoray loo arag ayay ku qaadeen nasaarada. Mararka qaarkood waxaygaarayeen Beyt Amxaara. Nagaash Yisxaaq, wuxuu marma soo rogaalcelinayay weerarro arxan darra ah. Sannadahaas ayay ahaayeen marka uusheeay inuu jabiyay Soomaali14. Taasi waxay u muuqataa 1425, markaasoouu suldaan Mansuur iyo walaalkii Moxammed ku qabsaday goob dagaal.Yisxaaq laftigiisa 5 sano ka bacdi ayaa la dilay.

Wuxuu ugu danbeeyay3 nagaash oo lagu dilay goob dagaal xilligii reer S/Diin. J/diin, ooahaa nin cadaaladda ku dheer, maxaabiistii uu xabasha ka qabtayna aybuuxiyeen dalalka islaamka, ilma adeertii ayaa ka maseyray oo dilay1432. Badlay oo baddalay, asagoo olole ugu jira inuu burburiyoXabasha, ayaa 1445 lagu dilay goobtii Cayn faras ee G/Dawaro15.Xilligii Khayruddiin Badlay, 1445-72; Shamsuddiin, 1472-88, iyoMoxammed Abuu Bakar,1488-1518, dagaalku waa sii socday, inkastoo looheysto inay ka qaboobaayeen raggii ayaga ka horeeyay. Laakiin 1471hogaaminta ciidammada waxaa la wareegay abaanduulayaal madax bannaanoo isbaddal doon ah. Waxaa ugu magac dheeraa garaad Maxfuud(1491-1517), oo 26 sano Xabasha ku qaadayay dagaallo aan hora looarag. Xilligiisii labo nagaash ayaa lagu dilay goob dagaal. Garaadkanawaxaa lagu dilay July 1517 goobtii Dalmiida ee G/Dawaro16.

ISBADDAL IYO HOGAAMIN CUSUB:

Geeridii Maxfuud waxaa ka dhashay dagaal sokeeye. Suldaan Moxammed oolagu eedeeyay inuu ka soo cararay goobtii lagu dilay abaanduulihiisa,1 sano ka bacdi ayaa la dilay. Labadii sano ee ku xigay 5 nin ayaaiska takhallusay. Intaan la dilin 1525, garaad Abuun oo ka tirsanaaisbaddal doonka ayaa dadka cadaalad ku xukumayay. Shacabka badankiisuwuxuu taageersanaa xukunkii taqliidiga ahaa ee reer Wali Asmac, oohadda gaabis noqday. Axmed Ibraahim Al-ghaazi oo 19 jir ah ayaa lawareegay hogaaminta Isbaddal doonka. Abuu Bakar Moxammed oo dib loogudhiibay xukunkii qoyskooda ayuu la galay dagaal sokeeye kanatakhallusay 1526 kii.

Inkastoo marar badan muslimiintu ku guulaysanayeen halgankooda,haddana ciidan joogta ah ma dhigi jirin meelaha ay xoreeyaan. Taasiwaxay wiiqday dhammaystirka guushooda. Ciidan joogta ah ayay nasaaradudhigi jireen, inkastoo aanay magaalooyin samayn jirin. Xaruntooduwaxay ahayd saldhig wareegaysta oo loo raro hadba halka dagaal kasocdo. Muslimiinta waxaa lagu soo weerarayay xarumo joogta ah oo reermagaal ama beeralay ah. Ciidanka xoola dhaqatada ka imaanayayna,goobta ka bacdi way kala tagi jireen. Arrimahaan ayaa hortaagnaa inSoomaalidu si joogta ah u jabiyaan nasaarada ama soo dhacsadaandhulkoodii lumay.Axmed oo 1526 kiiba bilaabay ka hortagga xabashidu, wuxuu rabay inuubaddalo qaabkaas. Hal is difaac iyo shan duullaan oo guul leh kabacdi, 1529 ciidamada imaamku waxay dhabarka ka jabiyeen quwaddiXabasha, goobtii Shimbira kore ee gobalka Fatagaar, K/Addis Ababadamaanta. Ciidammada imaamka oo ahaa 13000 oo nin, waxaa laga dilay 5000oo nin.

Kuwa nasaaradu 10 jeer ayay ka badnaayeen. Goobtan taariikhigaah waxaa ka qayb galay: Xarla, Geri, Harti, Jiraan (afarta ilmakoombe), Yabarre, Marreexaan, Habarmagade, Bursuub, Mazarre[Madigaan?]; Xarla waxaa hogaaminayay garaadkooda Moxammed, intakalana waxaa hogaaminayay Cusmaan Mataan Khaalid oo ahaa garaadkaGeri. Waxaa kaloo ka mid ahaa: Malasay oo ay hogaaminayeen: AbsameNuur, garaad Kaamil, garaad Shamcuun iyo Cabdullaahi Suuxe; Shawa iyoHargaya oo ay hogaaminayeen: garaad Daawuud, Sheekh Samaale, iyogaraad Cali Fangale; iyo Gadaya-Geri/ Guray oo ay hogaaminayeen:Cusmaan Sheekh iyo Axmed Shihaabuddiin. Sannadkii ku xigay dagaalkawaxaa ku soo biiray: Gurgure, Bartire, Hawiye iyo Gaatur.

Ujeedada imaamku waxay ahayd soo celinta goballadii la qabsaday eeShawa, Awfaat, Dawaro, Baali Hadiya iyo Fatagaar, iyo guud ahaanburburinta Xabasha. 7 duullaan iyo 3 olole oo waaweyn ka bacdi, 1535ayuu dhammaystiray ujeedadaas. Xadka dawladdisu wuxuu gaaraymuslimiinta Beja ee xeebta Eritreeya. Dagaal bilowday 1541, ayaamadafiicda Boortaqiisku ku jabisay ciidankii imaamka Feb. 1543 goobtiiWoyna Dega ee harada Taana, asagana lagu dilay.Sida la isku dayay inaan u fahamno Harar ma ahayn xadka Soomaaliya eewaxay ahayd xuddunta Soomaaliyadii waqtigaa.

Matalan Harti,Marreexaan, iyo Hawiye oo ay ugu suurta galsantahay inay ka soogurmadeen gobollo kale, arrintoodu sidaa ma ahayn. Carab-faqiih wuxuucaddaynayaa inay degenaayeen agagaarka Harar, halkaasoo ay walidegenyihiin. Qabiilooyinka kalana waxay degenaayeen isla aagaas iyo kasii galbeed17.Isla ayaamaha aabayaashii Xarla iyo Wali-asmac Jabarti ay galbeedka uhogaaminayeen jilibbada Daaroodka si ay ugu biiraan Soomaalidii halkaahoray u degenayd, ayaa qoysaska bariguna xiriir la yeesheen kuwagalbeedka. Matalan arrimo dhawr ah ayaa muujinaya in Udba lacag oo kubeegnayd Q10aad ama kii 11aad, dadkeedu ahaayeen kuwii degenaa gobalkaHarar-Hawaash.Ma muuqato in Cafartu qayb ka ahaayeen saldanadihii Awfaat/Awdal iyohalgankoodii. Alvares waxuu caddeeyay in Awdal, oo xadkeedu fidsanaamin Raascasayr ilaa Fatagaar, iyo Dankali ay laba dawladood kalaahaayeen18.

Cafarta oo ay horyaal u ahaayeen Dooba iyo Cawsa, waxayXabashida kula jireen halgan ka madax bannaan kan Soomaalida, inkastooay dhici karto in kooxo Cafar ahi mararka qaarkood ku soo biirayeenSoomaalida. Dadka kaliya ee ay caddahay inay qayb ka ahaayeen halgankaSoomaalida, waxay ahaayeen kooxaha Hawaashiga ah ee Adari, iyo dabcanArgobba, kuwaasoo waligood Soomaali ku tirsanaa. G/Shawa, G/Fatagaariyo Hadiya badankeeda, waxaa degenaa Kuushiyiinta galbeed oo waqtigaasloo yiqiin Daamuut. G-ka iyo KG ee Fatagaar, waxaa ayaguna degenaakooxaha Hawaashiga ah ee Guraage iyo Gafaat. Qayb weyn oo ka mid ahdadyowgan ayaa islaamay, oo xiriirka Soomaalidu saameeyay.

IMAAMKA KA BACDI:

Geeridii imaamka ka bacdi jaah wareer ayaa ku dhacay muslimiinta.Xabasha oo soo rogaal celisay iyo Oromo koofurta ka timi ayaa weerarroculus ku hayay. Amiir Nuur Mujaahid ayaa 1551 la doortay. Soomaalidudagaal ay gaareen W/Shawa 1559, waxay si weyn u jabiyeen Xabashidaayadoo halkaa lagu dilay Galawdewos. Asagoo raba mar kale inuuburburiyo Xabasha, ayuu amiir Nuur ka war helay Harar inay khatar ugujirto inay u dhacdo Oromada. Oromadu soohdin kale ayay ku noqdeenmuslimiinta.

Markaa amiirka, oo ay caawinayeen Aw Abaadir iyo Aw Cali,ayaa Oromada deyr kaga meeriyay Harar, intaanu 1567 u dhiman cudurummadda baabi'iyay.Markaa wixii ka danbeeyay Awdal waxay gashay xaalad murugo leh.Khilaaf iyo dagaal sokeeye ayaa soo food saaray. Ilaa 15 hogaamiyeayaa 1567-1590 xukunka isku baddalay. Xabashida ayay wali iska siidifaacayeen. Oramada ayaa dagaallo xun ku haysay, kuwaasoo Hararbaabi'iyay 1570aadkii. Sidaasoo ay tahay Soomaalidu 1577 waxay dib uqabsadaan ilaa Hadiya iyo W/Shawa. Ha yeeshee amiir moxamedkiiwaqtigaas, abaanduulayaashiisi i iyo 3 wiil oo ilma amiir Nuur ah ayaaHadiya lagu jabiyay oo lagu laayay. Oramadu 1583 waxay dileen amiirkiiwaqtigaas Moxammed Ibraahim Ghaazi. Isla 1570aadkii ayaa Cafartu sooweerartay W/Awdal iyo khadadka ganacsiga. Awoodda xeebta waqooyi waxaala wareegay maamulkii Turkiga19.

Boortaqiiskuna wuxuu duqeyn joogta ahku hayay qarniga oo dhan xeebaha Soomaaliya iyo kuwa muslimiinta ee laxiriira, marka laga reebo Xamar oo uu ka cabsaday.Dagaalkii muddada 3 qarni ah ka dhex socday Soomaalida iyo Xabashiduwuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa uguna dhig daadashadabadnaa ee adduunka. Ugu yaraan 6 ka mid ah nagaashyadii Xabashida iyo7 ka mid ah suldaammadii Soomalida ee xukunka qabtay 1360-1570 ayaagoob dagaal lagu dilay. Inkastoo Harar sii ahayd xurun dhaqan, haddanasaldanaddii Awdal-Al-Umaraa' a ka dib ilaa 8 qarni, waxay noqotay midbaaba'day.Waxay u muuqataa saldanidihii Ajuuraan iyo Majeerteeniya inay ka soofufeen danbaskii Awdal. Ajuuraan oo saldanad xoog badan ku lahaaberriga Banaadir Q15aad-17aad, waxaa la inoo sheegay inay asal ahaanka yimaadeen Hawd galbeed20. Alvares iyo Galawdewos, Q16aad waxay inoosheegeen in gobalka Raascasayr uu ka jiray maamul maxalli ah oo kuxiran Awdal21.

Ilaa Q13aad Xamar waxay ahayd dawlad abaabulan.Xabashidu suldaan Badlay waxay ku eedeeyeen inuu taageero ka helayXamar.Oromada oo duullaankoodu ahaa mid dabiici ah oo ka madax bannaanaydolojiyad iyo siyaasad, waxay kala dhexgaleen Soomaalidii iyoXabashidii is dilayay, waxayna qabsadeen gobolladii Soomaaliyeed ooXabashidu horay u jilcisay. Aakhirkii Q18aad, waxay bilaabeen inayislaamaan. Ka hor 1537kii Oromadu waxay ahaayeen qabiil kooban oodhalasha ahaan aan ka fogayn Soomaalida, kuna nabnaa G/Baali. Laakin1550-1800 waxay qabsadeen: min Maliindi ilaa koofurta Tigray, K-W; iyomin Harar ilaa Banii Shanguul, B-G. Dadyowgii Soomaalida, Cafarta,Kuushiyiinta galbeed iwm, ee degenaa dhulalka ay qabsadeen, wayoromeeyeen; in Oromadu mar degenayd bariga Geeska Afrika, waxay ahaydbeen fakatay, oo hadda la saxay22.

Jabkii soohdinta koofureed:

Fahamka jabka Q16aad ma dhammaystirna, haddaynaan xusin waxyaalihii kadhacay koofurta fog (gobalka Omo-Taana) ee Soomaaliyadii waqtigaas.Bartamihii Q16aad ayaa Oromadu bilawday weerarkoodii gobalkaOmo-Taana-Ganaane. Weerarkoodii Koofurta waxay muddadaas jab iyo kalafirir u geysteen Soomaalidii iyo Baantuuga oo ayagu ilaa 800 kiitartiib ula soo degayay Soomaalida xeebta waqooyiga Mombaasa. Dhowrmagaalo oo Buurgaabo iyo Geedi ka mid ahaayeen ayaa baaba'ay. Jabka kudhacay gabolka koofureed, waxaa astaan looga dhigaa: Madanle iyoMaracato iwm oo aan lahayn meelay ku danbeeyeen; Segeju oo u qaxaydhinaca Tanga W/Tanzaaniya; Katwa oo ah ilaa 8 qabiil oo ku biirayBaajuunta; Bayso oo ku go'doomay aagga Hadiya; Gabra oo oromowday;Garre iyo Rendille oo ay ku dhacday kala firir weyn; kooxoSoomaali-Sawaaxili ah oo u soo qaxay Baraawe; Kooxo Soomaali iyoBaantuu ah oo u soo qaxay Shabeellada hoose. Cilmi baaristu waxaycaddaysay dhammaan koxahani inay ahaayeen Soomaali (facyaashiiMadanle-Digil/ Mirifle) boqollaal ama kumanyaal sano degenaa gobolkaOmo-Taana, kuwaasoo uu saameeyay weerarkii Oromada iyo fiditaankiiBaantuuga.

Baantuuga oo dhawr qarni ka hor ka soo dhaqaaqay gobolka wabiyadaKongo-Nayjar, 200-400 kii MD ayay soo gaareen bariga Afrika. Muddadii800-1000 kiina aagga Mombaasa23 . Isla 500 ilaa 1500 MD, ayaaNiiliyiinta iyo Niilo-Xaamiyiinta oo ka kala yimi K/Suudaan iyoG/Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, ku faafeen WG ee Kenya.Qarnigii 16aad wuxuu ku astaysanyahay jabkii kowaad ee Soomaalida,kaasoo ay waayeen saddex-dalool, 1/3, ka mid ah dhulkoodii qadiimkaahaa. (Labada gobol ee muhimka u ah taariikhdii hore ee Soomaalida ookala ah: Raascasayr-Shawa- Shabeelle iyo Omo-Taana-Ganaane, waxaa iskuxirayay gobolka dhexe oo aan ugu yeeri karno Hadiya-Hawiye, kaasoo ahkhadka isku xira bar-bilowga wabi Shabeelle iyo xeebta k/bari).

JABKII 2aad:

Inkastoo 1600aadkii Xabashidu ay u jeesatay aagagga Gondor iyo Goojaamayna xasuuqday Agaw iyo Falaasha, haddana ilaa 1850 aadkiidawladnimadii Xabashidu way luntay. Waqtigaan ayaa reer Yurubbilaabeen inay soo nooleeyaan oo bakhti afuufaan Xabashida. 1870Xabasha waxay ka koobnayd Tigray iyo dhul aan ka badnayn 100 km oo isku wareeg ah oo ahaa W/Shawa iyo G/Wallo. Qaybtan oo uu xukumayayMinilik iyo Tigray waxay midoobeen 1889.

Markii ugu horreysay ooXabashidu dib u qabsato dhul Soomaaliyeed waxay ahayd bilowgii1880aadkii, markaasoo Minilik ku soo fiday aagga Haadaamo, bartamahaHawaash. Ha yeeshee dagaalka dhabta ahi wuxuu bilowday Des. 1886 -Jan. 1887 markaasoo ay qabsatay Harar24. Siinta hubka faraha badan eeay ku gaysatay xasuuqa iyo dhaca ka sokow, 1886-1954 Xabasha waxayreer Yurub la saxiixatay ugu yaraan 10 heshiis oo u ogolaanayay inayqabsato dhul Soomaaliyeed ( 1886, 1889, 1897, 1934, 1942, 1944, 1948,iyo 1954; kuwaani kuma jiraan heshiisyada reer Yurub laftigooduu ay ukala saxiixdeen inay qaybiyaan Soomaaliya). Itoobiya 1950aadkii waxayqaadday olole weyn oo ay kaga hortagaysay xorriyaddii Soomaaliya iyomidnimadii labada qaybood. Markay taas reer galbeedka taageera ugaweyday, waxay si ku meel gaar ah isugu xumaadeen saaxiibadeediiIngiriis iyo Maraykan.

Dadaalka ugu weyn ee 1960aadkii lagu horistaagayay in gobolkii Taana (NFD) uu ku biiro Soomaaliya wuxuu kayimi Itoobiya.Itoobiya waxay ahayd dalka kaliya ee is hortaagay xornimada Jabuuti, ucodayntii arrintaas ee Golaha guud ee Ummadaha midoobay 1976. Ilaaqaybo Soomaali ahi ay ka xoroobeen 1960, Itoobiya waxay adduunka kadhaadhacsiinaysay inaanu jirin qaran Soomaaliyeed. Dhinaca ka hortaggadareenka waddaniyadda, Itoobiya waxay ka qayb qaadatay dagaalkiigumaystayaashu la galeen daraawiishta; Xasuuq ayay ku samaysay 1944,1948 iyo 1952, dadka aagga Jigjiga-Harar, badanaa Geri, sababtoo ahinay taageera u muujiyeen SYL amay diideen soo noqoshaddii Xabashida.Ceelcad, Doollo iyo Hawd galbeed ayaa taasoo kale ka dhacday1960aadkii25.40kii sano ee u dhexeeyay Jan. 1887 oo la qabsaday Harar iyo Jan. 1927oo la jabiyay saldanaddi Bari, waxay ku aaddanyihiin jabkii labaad eeSoomaaliya. Ma aha oo kaliya inay ku guuldarraysteen halgankii aygaleen muddadaas, waxay kaloo waayeen daloolkii 2aad ee dalkoodakaasoo u gacan galay Xabashida.

Halgankaas waxaa ugu weynaa lix dagaaloo kala ahaa: Dagaalkii Daraawiishta 1899-1920 kii. Wuxuu ka mid ahaaisticmaar diidyadii ugu khasaaraha weynaa ee adduunka; halaag iyobaaba'a aan hor iyo dib toonna loo arag, ayuu u geystay Nugaal iyohareeraheeda inkastoo uu saameeyay Soomaali badankeeda. DagaalkiiJubba-Wajeer 1890aadkii iyo 1915kii, wuxuu ahaa gadood waana ugukhasaara yaraa. Dagaalkii Sh/hoose: waa goobtii Lafoole 1896 iyodagaalkii Biyamaal 1906-8, daraawiishta ayuu xiriir la lahaa.Dagaalkii Sh. Xasan Barsame, Sh/dhexe Feb.- Abr. 1924 kii. Dagaalkiisaldanadda Hobyo 1925 kii. DagaalKii Majeerteeniya 1925-27.

Talyaanniga oo Bari fallaago u haystay, Ilaa 1901 dii dhawr jeer ayuuka duqeeyay dhinaca badda. Ha yeeshee labadii sano oo ugu danbeeyay,dagaal ciidammada badda iyo kuwa lugtuba ka qayb qaateen wuxuu ahaakii ugu khasaara badnaa kan daraawiishta ka sokow.

Isla markaa hay'adihii siyaasadda ee Soomaalida ee waqtigaasi mamoogeyn khatarta fiditaanka Xabasha iyo dhicitaanka Harar. Ingiriisku1890 wuxuu ku qiyaasay Majeerteeniya ilaa 750 oo qori inay u dirtaybeelo reer galbeed ah oo laga magacaabay Geri, si ay u xoreeyaanHarar. Isla ayaamahaas ayaa maamulkii Ingiriiska ee Berbera sheegayinuu ku gacan sayray wafdi ka yimi Majeerteeniya oo doonayay inuu kadhaadhacsiiyo ciidan ay ka dajiyaan Saylac, ka bacdina ku weeraraanHarar26. Horayna Xirsi Cali oo 1886 amiir Cabdullaahigii Harar ergoahaan ugu diray Ingiriiska si uu ugala hadlo weerarka Xabashida, wuxuuka socday Majeerteeniya, kaasoo markii hore turjumaan carabi u ahaaIngiriiska27. Boqor Cusmaan iyo Keenadiid oo col ahaa 1890aadkii waxayheshiis ku ahaayeen inay Talyaaniga ka dhaadhacsiiyaan inuu u hubeeyo50000 oo nin oo laga qoro Bari iyo Bogox, si ay ugu duulaan Harar.Markii taas lagu diiday, boqor Cusmaan wuxuu u jeestay inuu taageeroSayyid Moxammed, oo uu hub u dirayay 1900-1903.

Keenadiid laftigiisuhub ayuu u dirayay sayyidka, intuuna ka qabsan Galkacyo 1902.Ma garan karno sababta boqorku xiriirka ugu gooyay sayyidka 1904 tii,waxaanse ogsoonnahay Agoosto, xagaagii 1903 dii, sayyidku intuu jidkaku sii jiray inuu fuliyay xasuuqii Ilig-daldale, kaasoo ugu danbeeyaydhawr arrimood oo naxdin leh oo daraawiishtu ku tallaabsatay28.

SABABAHA GUULDARRADA:

Guul darrooyinkaas taariikhiga ah Soomaalida waxaa dhaxal siiyayarrimaha ay ka mid yihiin: hogaamin xumo: wax badan dadku ma araghogaamiye danta ummadda ka hormariya tiisa, oo lagu midoobo; dadka ootaariikhda dalkooda kaga sugan jahliga ugu weyn; dadka badankiisa oowacyigooda siyaasiga ahi hooseeyo; dadka badankiisa oo aan dhaqan ulahayn inay taageeraan awood dhexe, oo ka gudbi la' dareen qabali ahama dan shakhsi ah; ayadoo lagu kufriyay nicmooyin khaas ah oo ay kamid yihiin: caqiido samaawi ah iyo midnimo kaamil ah; marka duruufadagi jirto oo dadka qaarki u wareegaan dhanka cadawga.Marka Biyamaal iyo saaxiibadood ay hor taagnaayeen Talyaanniga, ragkale ayaa kala shaqaynayay qabsashadii Banaadir; Rag ka socda beelahaWG ayaa Ingiriiska u suurta galiyay inuu jabiyo Daraawiish; Rag kasocda koofurta Ximan (Galgaduud) ayaa Talyaanniga u suurta galiyayinuu jabiyo ciidankii Cumar Samatar iyo Xirsi Guushaa;

Inkastoo reerwaqooyiga-Mudug ay qayb ka ahaayeen dagaalladii kululaa ee lagudifaacayay Eyl, haddana aakhirkii dagaalka way ka baxeen, rag katirsan ayaana ku biiray ciidanka reer- Mudugga koofureed oo horaybaTalyaannigu ugu adeegsanayay jabinta Majeerteeniya29. Koox odayaal ahoo wax ma garad ah, ayaa 1940aadkii Itoobiya u kaashatay in Ingiriiskuku wareejiyo Soomaali galbeed, ayagoo dhabar jabiyay ololihii SYL iyoshacabku ugu jireen inaan taasi dhicin30.Inkastoo Soomaalidu ka mid yihiin dadyowga dhiigga ugu badan udaadshay qarannimadooda, haddana ilaa haatan kuma naalloon wax guulah. Waxay ku guuldarraysteen inay iska saxaan gol daloolooyinka laharay. Dhibaato khaariji ahi waxay tahay, Itoobiya oo mar walba udarban inay ka faa'iidaysato gol daloolooyinkaas.

GABAGABO:

Qabiilooyinka maanta degen Burco, Gaalkacyo, Baladweyn, Qoryoolay iwm,450 sano ka hor, waxaa laga yaabaa inaanay halkaa degenayn. Laakiin isbaddalkaasi ma aha mid la dareemi karo, ummad ahaan, waayo kuwa ayagala mid ah ayay baddaleen, kuwaasoo laftigoodu aan ka fogayn halkaas.Dhulka u dhexeeya Harar iyo Hadiya, 450 sano ka hor waxaa degenaa dadsida kuwa Raascasayr ka tala qaadanayay suldaanka Saylac; laqabkamadaxdoodu ahaa "garaad"; dhulkooda magacyadiisa ay ka mid ahaayeen:Wargaal, Buur,Baabsare, Baahila, calamaale, Kob, Dalbaad, Dayr, Racbooda, Gunbura iwm; kuwaasoo 1200kii, Sh. Nuur Xuseenkii Marka kusoo dhaweeyay Baali; kuwaasoo Amxaaradu ka baratay 1332 in qaybta sareee biyaha Shabeelle magacoodu yahay Wabi, Oromaduna ka baratay 1537kii, walina magacaasi yahay kan kaliya ee loo yaqaan halkaas.

Dad ka qarannimo duwan dadkii noocaas ahaa ayaa maanta degen dhulkaas,kuwa ayagii la hayb ahina raja weyn kama qabaan inay sheegtaandhulkaas. Taasi waa natiijada lagu yaqaan marka ummadi kala fahmiweydo farqiga u dhexeeya khilaafka gudaheeda iyo khatarta cadawgeeda.Soomaaliya waxay ku jirtaa jabkeedii 3aad, daloolkii 3aad ee dalkeedaka badbaadayna maanta cidla ayuu yaal; Xabasha waxaa la gudboonxaqiijinta riyadii ay kunka sano rimmanayd, inay maruun kulaashobadweynta Hindiya iyo badda Cas. Meles iyo kooxdiisu waxay jeclaanlahaayeen inay dhamaystiraan shaqadii Camda-siyoon iyo Minilik.Soomaali inay ka soo doogto arrimahaas aan udaynno garashada dadkeedaiyo garnaqa taariikhda.

suleman mousa elmi
Norway
elmi_lion@hotmail.com

4 comments:

Anonymous said...

Hello !.
might , perhaps curious to know how one can reach 2000 per day of income .
There is no need to invest much at first. You may commense to receive yields with as small sum of money as 20-100 dollars.

AimTrust is what you haven`t ever dreamt of such a chance to become rich
The firm incorporates an offshore structure with advanced asset management technologies in production and delivery of pipes for oil and gas.

Its head office is in Panama with affiliates everywhere: In USA, Canada, Cyprus.
Do you want to become a happy investor?
That`s your chance That`s what you desire!

I`m happy and lucky, I started to take up real money with the help of this company,
and I invite you to do the same. If it gets down to select a correct partner who uses your money in a right way - that`s the AimTrust!.
I make 2G daily, and what I started with was a funny sum of 500 bucks!
It`s easy to join , just click this link http://owegosakid.greatnow.com/alajub.html
and lucky you`re! Let`s take our chance together to feel the smell of real money

Anonymous said...

I wish not acquiesce in on it. I regard as polite post. Expressly the designation attracted me to review the whole story.

Anonymous said...

Good fill someone in on and this enter helped me alot in my college assignement. Thank you as your information.

Anonymous said...

Good day, sun shines!
There have were times of troubles when I didn't know about opportunities of getting high yields on investments. I was a dump and downright pessimistic person.
I have never thought that there weren't any need in big initial investment.
Nowadays, I'm happy and lucky , I started take up real income.
It's all about how to choose a correct partner who uses your money in a right way - that is incorporate it in real business, parts and divides the profit with me.

You can get interested, if there are such firms? I'm obliged to tell the truth, YES, there are. Please get to know about one of them:
http://theinvestblog.com [url=http://theinvestblog.com]Online Investment Blog[/url]