Wednesday, September 05, 2007

Guulaystayaal Geediga Wadaay - xaashi Jaamac Geele

Hambalyo, aad u balaadhan ayaan garwaaqsaday Ilma -adeerrayaal in aan idiin soo diro , kaddib markaan Caawa booqday web-kan qiimaha badan badan ee Saylicipress.Waxaa qiima wax kasta kawayn iigu fadhiyay , dareenkaygana si xamaasad leh u soo jiitay , arrimahan hoos aan ku xussi doono.



1- Awdal - The land Of Ahmed Gurey

2- Map-ka Gadabursi land, iyo Boqortooyadoodii caanka ahayd

3- Xuduudaha dhulka ay beesha Samaroon degto

4-maqaalaadka Taariikhda mugga wayn xambaarsan sida Adal Empire

5- Hammigiinna ku aaddan :-


a)In aad tiro koobtaan aqoon yahannada Reer Awdal, bal dhammaan Shacabka Reer Awdal.

b) Hammigiinna ku aadd Iftiin u Shiddaan bulshadan Laydhku ka bakhtiisnaa muddada dheer.

c) In aad Saxaafadda dhexdeeda bulshdana ama Shacabweynaha Awdal ( Gadabursi) ku baraarujisaan, daanahooda, si ay wax u qabsadaan, horumarna u gaadhaan, qayrkoodana ula tartamaan.
d) In aad Saxaafaddan dhexdeeda , ku difaacdaan xuquuqdooda maqan, ama la duudsiyi karo, waa midda keentay in Ciyaarihii hiilka qaawani ka muuqday, markay Saxaafaddu ka hadashay Sagaalka wasiir Maslaxadda u Yimaaddeed Boorama.

e) Isku soo xooriyoo, Waxaan aad uga maqsuuday in aad ka tarjunteen wax iga dhexguuxayay, sidoo kalana ka dhexguuxaya qof kasta oo u dhashay AWDAL.

f) Waxaan markhaati ka ahay in aad daboosheen Waax wayn oo maqnayd , taasi oo ah in ummaddani hesho meel lagu cabiro codkeeda, meel dareenkooda sheegta, meel dhawaqooda gaadhiisa dunida. Waxaan ku talinayaa in ad halkaa kasii waddaan haddii aad tihiin " Da'san", Ummaddani ( Gadabursigu) waa kuwa ugu aqoonta badan Soomaalida, sidaa waxaa qirsan Soomaali idaylkeed meelkasta oo ay joogaan, iyo Ajaanib badan, haseyeeshee muddo dheer oo lasoo dhaafay aqoontaasi ma noqon mid si muuqata miisaan ugu samaysa bulshawaynta Soomaaliyeed, sababta maan garan!!!!!, waxaanse u qaatay in Soomalida badankeed yahay Geeljir hadal badan , tookh badan , Faan Badan, halka Samarroonku aanu wax ka badbadin ah ku samayn Sooyaalkiisa taarikheed, ama jiritaankiisa qof ahaaned.

Marka waxaad mooddaa in ay aad daruuri u ahayd 1000-ka sano ee madaxa hadda lagaga jiro in la helo Saxaafad Curdin ah, aqoon ku dhisan, anshax ku dhissan, Garaad sare hogaaminayo, taasi oo ummaddan ( Samaroonka ) hagta tusta waxa ay yihiin hadda, tayadooda, awooddooda, iyo waliba waxay ahaayeen taariikhdii Awoowayaashoodii hore ee Geesiyaasha ahaa ee Ahmed Gurey iwm.

Haddaba saaxibayaal, garan maayo bogaadintaydani aan idiin soo hibeeyay , idinka "Saylicipress.net", Boramanews, Saylac.com, Harawo.com, Lughayanews, iyo Awdalnews, wax aan ku soo gunaanado!!!
Waxaanse odhan lahaa marka aad xussaysaan Sanadguuradiina fadlan Ogaysiis ku sheega bil ka hor, si bulshadani uga tashato uguna diyaargarawdo waxay abaalmarin,-billad ahaaneed idiin guddoonsiin lahayd, qof qof iyo wadarba. waxaanan Naawilayaa, haddii rabbi idmo in ay ku xigaan horumarkani Saxaafadeed, Idaacaddo Sitelite-ka laga dhagaysto oo FM-ah si codku u gaadho kan riyaha ku raacaya buuraha dhaladooda, sida Buur Madow, oo ah buurta uu hoos maro Durdur cad, halkaas oo [ceedceeda] anigu shakhsiyan aan ku dhashay.

Sidoo Kale Waxaan dhawraynnaa Joornaallo Afdhaadheer, oo xaqaa'iqqa xambaara. sidoo kalana daadka ku dara , beenta, cunsuriyadda, iyo fatooshka dadka qaar ku indhabeeleen siday u qorayeen. Waa waajib in lahelo meel loogu jawaabo, lagu saxxo xumaanta dadka qaar afuufayo, laguna hanuuniyo inta badan ee samaha jecel kana tirsan dadka ologga aynu nahay ee Soomaliyeed Digniin.

"Waxaan Walaalyaal idinka dardaarayaa in si cad oo ula kac ah Qof ama Qabiil waxyeello aanay kasban loogu gaysto."

Haddayse kasbadeen, mutaysteenna waxba kama qabo in dabaysha lagu daro, inta ay galeen si looga gooyo, " Walaal idaa ma shaqayso mararka qaarkood ee waxaa shaqaysa Dee aan isdaynno". Iska ilaaliya dulmi idalykii, meeshii dulmiga lagu ururiyaa way duntaa .

Guul, Guul, Guul, waxaa ah. Waaga u baryay bulshda REER AWDAL, ayaan badaanaa hadday heleen Saxaafad u hadasha sida Saylicipress.net


Mahad iyo Galladba Eebbaa Leh


Xaashi Jaamac Geelle
Mogadishu, Somalia

No comments: