Thursday, September 06, 2007

Cismaan Hindi Oo Sheegay Inuu Musharraxnimadiisii Uga Tanaasuley Beelaha Darafyada - Somaliland.org

Hargeisa, Somaliland — 6 September, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE, Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa sheegay inuu ka tanaasuley musharraxa Madaxweynekuxigeenka ee xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu doonayey inuu u tartamo. Waxana uu ku taliyey in musharraxa Madaxweynekuxigeenka loo daayo beelaha Darafyada.

Cismaan Hindi oo toddobaadkan ka soo laabtay cusbitaal ku yaalla Jabuuti oo loo qaaday, kadib markii dhaawac fududi ka soo gaadhey toorrey lagu soo weeraray, shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Baar Xaraf, magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE oo hadda dhammaystiray qabanqaabada Shirweynihiisa labaad uu saaran yahay culays badan oo ka dhashay rag badan oo u taagan musharraxiinta xisbiga.

"Sidaa darteed, waxaan doonayaa xisbigayga KULMIYE inaan ka qaado culayska dul yaalla, " ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Cismaan waxa uu sheegay inuu marar badan ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay musharraxa Madaxweynekuxigeenka Xisbiga KULMIYE.

"Maanta waxaan doonayaa inaan idiin sheego, oo aan reer Somaliland, gaar ahaan, taageerayaasha xisbiga KULMIYE u sheego inaan ka tanaasuley arrintaa, " ayuu yidhi.

Waxana uu sheegay inay taasi dan u tahay xisbiga KULMIYE iyo qaranka Somaliland oo dhan, isla markaana uu tixgeliyey heshiiskii Somaliland ku dhisantay oo ah ayuu yidhi in beelaha oo dhami ay ka muuqdaan hoggaanka sare ee dalka oo haddii Beesha dhexe ay qaadato Madaxweynaha, beelaha darafyaduna ay qaataan kuxigeenka.

"Anigoo Somaliland u hiilinaya, anigoo xisbigayga KULMIYE u hiilinaya ayaan ka tanaasuley anigu maanta musharaxnimadaydii, " ayuu yidhi.

Cismaan Hindi waxa uu u soo jeediyey ragga ay isku beesha yihiin ee u taagan musharraxnimada Madaxweynekuxigeenka ay ka tanaasulaan.

Source: Somaliland.org

No comments: