Monday, September 03, 2007

Laba Xubnood oo ay Wakiiladu Ansixiyeen

Hargeysa (Saylicipress) - Golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labadii xubnood ee ka dhinaa komishinka doorashooyinka. Fadhi gaar ah oo goluhu saaka yeeshay , uuna gudoomiyenaayey gudoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku simaha gudoomiyaha Cabdicasis Maxamed Samaale, ayaa waxa ka soo qayb galay 64 mudane.Waxaa golaha la horkeenay labada xubnood, waxaa la akhriyey CV-yadooda, waraaqaha caafimaadka iyo denbi la’aanta, ka dibna intii aan la bilaabin codaynta, ayaa debbeda loo saaray labada xubnood.

Labada xubnood oo kala ah, Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar (looshade), waxaa marka hore loo codeeyey Ismaaciil Muuse Nuur, waxaa ogolaaday 63 mudane, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, gudoomiyuhuna muu codayn .Xubinta labaad oo ah Xasan Maxamed Cumar, ayaa loo codeeyey , waxaa isna ogolaaday 63 mudane, hal mudane ayaa ka aamusay, cid diiday ma jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.Hadaba Xasan Maxamed Cumar ( Looshane) oo ka soo jeeday Gobolka Sanaag waxa ogolaaday 62 Mudane. cid diidayna ma jirinto. Gudoomiyuhuna muusan Codayn waxana ka Aamusin Hal Mudane.

Ismaaciil Muuse Nuur oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ay ogolaadeen 63 Mudane cid diiday iyo Cid ka aamustayna ma jirto. Gudoomiyuha wakiiladuna muusan codayn. sidaasi darteed labadaas xubnood ay ku shaqo galayaan dhawaan ee ay Guurtidu ku soo badashay labadii xubnood ee hore ee mudada labada jeer ah Golaha Wakiiladu Diideen oo kala ahaa Muuse Axmed Cumar (Muuse Madoobe ) iyo Maxamed Cabdi Xaamud (Nine).

Saylicipress - Hargeysa

1 comment:

Bahwaynta Saylici said...
This comment has been removed by the author.