Saturday, September 01, 2007

Kulmiyenimada Beelaha Maxamad Case Iyo Feedhyahannimada

Horyaal-(Lug)-Ergooyin ka socda beelaha Maxamad Case ayaa Labo maalmood ka hor fadhi gacan ka hadal ku dhamaaday ku yeeshay gurigii hore ee madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ee Hargaysa, feedhyahannada sida wayn fadhiga uga dhex muuqdayna waxa ka mid ahaa Dr.Axmad Aadan Buuxane oo ah dhakhtarka gaarka ah ee madaxwayne Rayaale, sidoo kale xer uu gud.ku xigeenka xisbiga Udub ee Awdal oday Barkhad Cumar Xaaji Khayre watay ayaa hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa ku qabatay shir ay ku caddeeyeen in beelaha Maxamad Case 90% ay taageersanyihiin xisbiga talada haya ee Udub, waxayna intaa raaciyeen inayna beelaha Maxamad Case ahayn kuwo xisibi kaliya wada geli kara, balse ay seddexda xisbi ee S/land ka jiraba xubno matala ku leeyihiin.Arrintan ayaa ka danbaysay markii 20 kii bishan 8aad ay aqoonyahanno badan oo beelahaasi ka tirsani raaceen xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye,haseyeeshee shirarkan dhacay maalmihii u danbeeyay oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu madaxwayne Rayaale soo agaasimay ayaad mooddaa inayna wali ka soo bixin wax natiijo ah oo ka turjumi kara Udubnimo, maxaayeelay masuuliyiinta shirarkan u ololaynaya ayaa ah dhammaantood kuwo xilal ka haya xukuumadda madaxwayne Rayaale iyo Xisbiga Udub, islamarkaana la rumaysanyahay inay jagooyinkooda ilaashanayaan sida wasiir Axmad Xaaji Daahir, Barkhad Cumar Xaaji Khayre iyo qaar kale Sida ay khubaro badan oo siyaasadda ku xeel dheeri qabto, kulmiyennimada beelaha Maxamad Case ayaa ah mid aan la iska indho tiri karin.

maxaayeelay indheergaradkii 20 kii bishan ku dhawaaqay Kulmiyennimada beelahaasi waxaa hormuud u ahaa suldaanka guud ee beelahaasi Ibraahim Jaamac Samatar iyo aqoonyahanno badan oo miisan iyo saamayn wayn leh .Sida ay warar aan rasmi ahayni sheegayaan arrintan waxa hoos ka dhiraandhirrinayay muddo bil ahba aqoonyahanno beelahaasi ka tirsan oo leh ahamiyad heer caalami ah oo aqoonsiga Somaliland ba fududayn kara sida la aaminsanyahay, horena loogu xaman jiray inay iyagu hortaaganyihiin aqoonsiga dalkaasi .Haddaba iyada oo la sheegay inay Maxmad casaha intiisa badani taageertay Kulmiye ayaa haddana aanu meesha ka maqnayn khilaaf iyo muran hoosaad beelahaasi dhex yaal, kooxaha Udub ka tisran oo la filayo in laga tiro badanyahay ayaa aragtidooda ku salaynaya qadarinta Samaroonnimada Daahir Rayeele Kaahin iyo mgaca madaxnimo ee uu u tartamayo waloow aan wax qabad hagaagsan laga hayn, halka ay kuwa kalena soo bandhigayaan xujooyin ay ka mid yihiin xukuumadda Rayaale oo sida ay sheegeen cadaadis iyo cadaalad darro foolxun ku dhiqi jirtay illaa haatanna ku maamusha beelaha Maxamad Case oo kaliya hal wasiir ku leh xukuumaddaasi iyo wasiir ku xigeen 20 kii bishan is casilay kuna biiray Kulmiye .

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in taageerayaasha madaxwayne Rayaale ay doorkan isku dayeen inay Maxamad casaha feedh iyo dagaal ku hor-istaagaan kadib markii ay beelahaasi go`aankooda caddeeyeen, ragga ugu cad-cad ee loo igmaday inay awood iyo gacan ka hadal beelaha Maxamad case ku hor-istaagaanna waxaa ka mid ah Dr. Axmad Buuxane oo aan dhakhtarnimo ku koobnayn balse tababarro milatari oo horumarsan haysta, awood iyo awrranaan badanna u dhashay , dorraadna curcurkiisa tusay niman badan oo xanbaarsan aydyooloojiyadda Kulmiye, haseyeeshee waxaad moooddaa inay talo faro ka haadday oo aan Maxamd case feedh iyo laad toona lagu soo celin Karin, waxaaana qurux badnayd inay Xukuumadda Rayaale is-baddelladan kadis ah hore ugu xisaabtanto ,,, Dr Buuxanena maaha nin feedhkiisa loo babac dhigi karee alle ha sahlo .

Source: Lughaya News

No comments: