Friday, November 09, 2007

Waxaa Fanka Baryahan Dambe Ku Soo Biiraya Wiilal Da’ayar Oo Dhalinyaro Ah...Weriye Afi

Waxaan waraysi kula yeeshay magaalada Borama Liibaan Xasan C/laahi oo ( Liiban Denark) lagu naanayso oo ka mid ah Fanaaniinta da’ayarta ah ee sanadahan dambe fanka ku soo biiray.

Waxaananu ka waraysanay Wakhtigii uu fanka galay iyo waxyaabihii ku kalifay inuu fanaan noqdo Liibaan waxuu sheegay inuu fanka ku soo jiray Mudo 4 sano ah.
Liiban Denmark waxuu faahfaahiyay in qofka sabobo badan oo uu ku galo fanka ay jiraan isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Aniga oo arday ah oo dhigta Dugsiga Hoose Dhexe Fasalka Sideedaad ayaan jeclaaday Gabadh ka timid dalka Denmark jacaylkeeduna si aad u daran ii hayay taasi darteed ayaana igu kaliftay Inaan fanka galo.

Liibaan waxa uu tilmaamay in Gabadhaasi uu aad uu jeclaa dabadeedna ay ka tagtay Borama una duushay Abudubey gabadaashi oo markii hore igu kaliftayba inaan fanka soo galo hadana Hopy gayga ayuu ku jiray inaan fanka ku biro.
Liibaan Denmark ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd magacan Denmark sida loogu bixiyay?

Waxuu yidhi “ Naanaystu waxay igu dhagtay gabadhii aan jeclaa ee aan ku taamayay inaan isla noolaano oo markii horena ka timid Denmark oo aanan waxaan ka filaynin samaysay taasi oo ahayd inuu nin soo doono dabadeedna guursado ka dibna ay u dhoofaan Abudubey markii dambe ee halkaasi tagtayna waxaan halhays ka dhigtay Denmark ayaa laga yimid ee waa inaad dalkaasi u dhooftaa hadaad si kale ku waydo waa inaad Tahriib u tagtaa Denmark si aad jacaylka ula wadaagto Inantaasi”.

Liibaan mar aan waydiinay su’aal ahayd gabadhii uu sidaa u jeclaa isagoo fasalka 8aad ee dugsiga Hoose Dhexe Dhiganayay maantana uu dhamaystay Dugsiga sare halka jacaylkii uu marayo iyo Gabadhii siday ka yeeshay Mar hadii la guursaday ,Liibaan oo arimahaasi ka hadlaya ayaa tilmaamay wakhtigan la joogo inaanay wado ka furnayn xiligiina uu dhamaaday gabadhiina imika waxay noqotay Gabadh la guursaday oo Marwo ah wax ka qoranina ma jiro , jacaylkaygiina horena wuu maydhmay laakiinse badii Fanka I galisay taasi ayay ahayd.

Liibaan waxuu sheegay inay jiraan Gabayo,Geeraaro, iyo Heeso uu ka tiriyay intii aanu maaxdumin jacaylkiisu hadaba waxuu tilmaamayaa waxii uu ka xusuusnaa heesihii markii ay dhooftay uu u sameeyey Gabadhaasi isla markaasina uu uu alifay ninka had iyo jeer heesaha u sameeya oo la idhaahdo Yuusuf Jaamac Aar oo uu ku tilmaamay dadka intooda badani inay wada yaqaanaan.

Heestaasi waxaan tiriyay markii ay Abudabay u dhooftay waxaana midhaheedii ka mid ahaa:-
Sida Geenyo Doox iyo
Daaqaysa seeraha
Oo aan daalayn Abidkeed
Deeqaay Adaa mudan.
Illeen Waabad duushoo
Dubbey baabad aadoo.
Dadkii Illowdee.
Naftaydaa ku doontoo
Degdeg iigu soo noqo.

Geeraaradii waxuu ka xusuustay Ereyadan Liibaan oo tilmaamay in gabadhaasi lacag ay ka dooratay oo jacaylkiisi halkaa ay ku lumisay.Geeraadkiina waxuu ku bilaabayaa

Madoonayo Dumarkaba,
Damnahayga uma furo.
Tii Aan doortay.
Durba Didiyeen.
Ha I daayeen Dumarkani.
Waa diradiraalee.,
Ha Daayeen Dumarkani way na kala dilaayaan.

Liibaan mar uu ka hadlayay cidii fankan cidii ku dhiiri galisay waxuu sheegay in markii hore ku dhiiri galisay oo ay ku taageertay waa sida hadalka u dhigaye Fanaanada Qaaliga ah ee aan aad iyo aadka u jecelahay Hooyada Fanka Aamina C/laahi Xirsi sidii ayaanan ku bilaabay Fanka markii 2003 waxuuna sheegay inuu ka qayb qaatay Ruwaayado badan oo ka dhigay Magaalada Borama oo uu kala qayb qaatay Fanaaniinta G/Awdal mar uu Djibouti safar ku tagayna waxuu sheegay inuu Ruwaayad Saliimka iyo Hotel Sharaton ay ku dhigeen uu kala qayb galay Fanaanada wayn ee Nimco Jaamac Migil barigii dhawayd ee ay ku soo laabatay Djibouti laakiinse waxuu cadeeyey inaanuu Liibaan xidig ka ahayn ee uu kala qayb qaatay Fanaanadaasi Nimco Jaamac.

Waxuuna sheegay in Ruwaayadaha Borama ay ku soo bandhigeen uu ka xusuustay Ruwaayad lagu soo ban dhigay Borama oo magaceedana la idhaahdo Waalib Iyo Dhoof , Dhibaato Maxaa Kala Haysta, taasoo uu ku macneeyey inay ula jeedeen in dhalinyaradu ka waantoobaan dhoofka isla markaana ku tilmaamay inay iska joogaan taasoo ay ku qeexayeen Dhulkeenaa lagu dhargee, Dhulkeenaa Hooda leh, Dhulkeena eega , Waalidkana ha dhibina , waxuuna intaasi sii raaciyay in kuwo kale oo wadaniya uu kaga qayb galay Hargeysa iyo Borama.

Liibaan waxuu sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu meel fiican fanka ka gaadhi doono sida fanaaniintaa uu soo xusayna uu nin caan ah noqon doono oo dadku yaqaanaan.

Weriye Abokor Afi

1 comment:

Anonymous said...

Nice dispatch and this fill someone in on helped me alot in my college assignement. Thank you as your information.