Tuesday, November 06, 2007

Golaha baarlamaanka oo maalinta beritaa ka doodi doona qodobadii ka soo baxay shirkii nabadeynta beelaha.

Mogadishu ,6, November 2007 (HornAfrik Media) Gudoomiyaha xiligaan ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hor hadlayay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada ayaa shaaca ka qaaday in codka kalsoonida loo qaadi doono waxyaabihii muhiimka ahaa ee ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha ee kal hore lagu soo gaba gabeeyay magaaladatani Muqdisho.

Hadalka gudoomiyaha ayaana lagu soo waramayaa in ay maanta si weyn ay iskula dhexmarayeen lafa guridiisa mudanayaasha golaha shacabka ee fadhigoodu yahay magaaladasi.
Kulankaasi maalinta beritaa ay xildhibaanadu ku yeelanayaan gudaha magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka gobolkaasi Baay ee dhaca koofur galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa in diirada lagu saari doono tayeynta waxyaabaha wax ku oolka ahaa ee ka soo baxay shirweynihii beelaha ee Muqdisho ku soo idlaaday.

Waxaana la filayaa in kulankaasi uu ka qayb galo berito gudoomiyihii shirka dib u heshiisiinta beelaha mudane Cali Mahdi Maxamed oo isagu haatanba ku suga magaaladasi Baydhabo.
Xildhibaanada qaarkood ayaa la warinayay in aysanba ku qanacsanayn ka doodida qodobadii ka soo baxay shirkii beelaha ee Muqdisho.

Source: HornAfrik

No comments: