Thursday, November 08, 2007

Xassan Sh. Muumin Muxuu uga Maqan yahay Maalinta Abwaanka London? - Xassan Yare

Waa su'aal da' waynoo madaxa daalinaysa sobobta uu uga maqan yahay abwaankii waynaa ee soomaaliyeed ee xassan sheikh muumin ee sameeyey ruwaayadii ugu qiimaha badnayd umada soomaaliyeed ee ku daabacnayd suugaantii lagu baran jiray dugsiga sare ee dalka soomaliya ka hor intii uu burburku dalka ku dhicin.wejiyada ka muuqda sawirka shabakaha ku sharaxan waxaad moodaa in ay jufo keliya ka socdaan oo ah beesha degta Hargeysa iyo Burco.

ayaa soo qaban qaabiyey?
muxuu yahay qorshuhu?
ma abwaanka soomaaliyeed baa?
ma abwaanada Somaliland baa?
ma kuwa jufada dhexaa?

haddii ay soo qabanqaabiyeen beesha dhexe ee isaaq waa ay cadahay in Hadraawi iyo Gaariye meel ay hadalo isku waydaarsadaan inay rabaan.

haddii ay somali tahay aaway abwaanadii iyo qoraayadii waawaynaa ee umada soomaaliyeed ugu cad-cadaa sida Xassan Sh. Muumin, Mahumud Ciise Sangub, Nuradin farax, iyo kuwa cusub sida Bacadle oo ay adkaan lahayd inuu yimaado isagoo ku sugan xamar darteed haddiise loo guntado kuwa badan oo ka duwan wejida gaboobay ee dagaaladii sokeeye aadka uga qayb qaatay sida hadraawi iyo gaariye ma matali karaan bulsho waynta Soomaaliyeed ama Somalilandba.

gaariye ayaa laanta afsomalaiga ee BBC ka sheegaayey inuu kasoo qayb galay dhaqdhaqaaqii SNM oo ah wax laga xishoodo haddii aad abwaan tahay.

Hadraawi inkastoo uu ka toobad keenay mar uu ka hadlaayey VOA in haddii uu hadalada qaar dib ula noqon lahaa uu la noqon lahaa sida caydii cadayd ee uu ku qaaday maamulkii Somaliya iyo dawladii ugu danbaysay intii dalku dumin.

waxa loo baahan yahay in laga gilgisho weji qabiilka iyo sugaanta oo aan meel wada marin.

meelna kama muuqato wax isku iimaanshagani wejiga uu leeyahay.
Somaliland?
Soomaali?
jufada dhexe waxaan ahayn lagama dhex arko. waar wax ha la'isku falo.

qabyaalad ayaan loo isticmaalin sida wadamada gaalada doofaarka looga cuno; oo cunto kasta lagu daro.

runtii xassan sh. muumin oo sharaf iyo maamuus ka mudan umada soomalida ama Somaliland iyo gaar ahaan reer Awdal oo uu u dhashay.

sharaf ugama baahna dhawr oday oo meel iskugu yimid iyagoo qabyaaladan duluca ku guntan suugaana sheeganaya.

tartan hadii la galo waxa cad inuu cidla kaga tagayo markaa in been la isku sheego oo amaan la'isku tuulo waa la'iskaga baahan yahay mararka qaarkood; waayo waxay ila tahay haddii ay dhacdo in maalmaha soosocda lagu darin Xassan Sh. Muumin (Aaabaha Suugaanta Soomaaliyeed) inay ka baqeen in ay wajahaan abwaanka culus kuwii soo qaban qaabiyey.

suugaan iyo qabyaaladi dab dhaxmooday weeyaan
qoraa iyo qabiil durdur oomay weeeyaan!!!

ereyadaa Sh. Muumin oo aan jacburay - Xassan Raali noqo
Xassan Cumar (Xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com

No comments: