Friday, November 09, 2007

16 qof 6 ka mid ah ay yihiin ciidamo itoobiyaan ah oo ku geeriyooday dagaal xoogan oo galabtay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

In ka badan 16 qof oo 6 ka mid ah ay yihiin ciidamada itoobiyaanka ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday dagaal xooga oo galabtay ka dhacay deegaanka Black sea ee degmada Hodan iyadoo halkaasi caawa ay is hor fadhiyaan Ciidamada itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ee diidan joogitaanka ciidamada itoobiya.
iska hor’imaadyo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa galabtay mar kale ka qaraxay xaafado badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho,iyadoo Ciidamada itoobiyaanka ay isticmaalayeen hubka lidka diyaaradaha.
Dagaalo xoogan ayaa ka qaraxay deegaanada Black Sea iyo Towfiiq halkaasi oo Ciidamada itoobiyaanka ay galabtay la soo galeen gawaarida gaashaaman iyadoo ay la kulmeen iska cabin xoogan
Deegaanka Black sea ee degmada Hodan ayaa waxaa galabtay casirkii ku soo faafay Ciidamo itoobiyaan ah oo aad u fara badan kuwaas oo fariisinkoodu yahay wasaaradii hore ee gaashaandhiga
Dagaalkaan ayaa dhashay kadib markii Ciidamada itoobiyaanka ee fariisinka ku leh gaashaandhiga ay soo galeen xaafadaha black sea iyo albaraka.

Dadka ku dhaqan agagaarka xaafadaha black sea iyo albaraka ayaa sheegaya in ay arkayeen qasaare soo gaaray dadka rayid ah iyo ciidamada itoobiyaanka.

caawa waxaa ay labada dhinac isku hor fadhiyaan aagii dagaalku uu ka dhacay ee deegaanka black sea halkaasi oo la sheegayo in ay yaalaan askar itoobiyaan ah oo meydad ah.

Ciidamada itoobiyaanka ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay u soo baxeen in ay raadiyaan askari la sheegay in lagu jiidayay jidka 30-ka kaasoo lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha

Dagaalada kooxaha hubeysanni ay kala soo horjeedaa Ciidamada itoobiyaanka ayaa waxaa ay u muuqanayaan kuwa sii laba lixaadsanaya.

source. hornafrik


No comments: