Saturday, November 10, 2007

Birtu Ma Habar Xuseenbay Ahayd?.!!! Hiildan

Huuno waxad yeeshiin; horta walaxda Gantaalka ah ee la leeyahay way haboowday. Dee haba iska haboowdo haday rabtee, hadana maxay ugu dul haboowday hooygii H/Xuseen ee Sh Awaare?. Birtu ma H/Xuseenbay ahayd?. Mise H/Xuseenbay u dan lahayd?. Ma digtii Wilwilaha (Warmaheena laga waashoo, Hidde weeyee) reerku kaga dayaamiyay ee ay ku taageerayeen Madaxweyne Saylici, ayaa la mooday Nukliyeerkii Raashiya oo lasoo gatay dabadeedna lasoo ganay, markaasaa gantaalkan naf la caariga ah iskaga reeba la yidhi. Waa Su’aalo xiiso badan oo wali la isba weydiine, Birtu ayay ahayd?. !

Doorkii hore waynu ogaynoo waxa la yidhi, diyaarado an la garnayn ayaa Hargeysa dul gooshayay, habeeno iyo dharaaro. Nasiib wanaag diyaaradahaasina waxa soo duubay xitaa noocay u ekaayeen noo soo sawiray, Sateliteka Harowo.com, oo Diridhabe wakhtigaasi u fadhiyay Hargeysa. Hase yeeshee midkoodna nooma sheegin cidda ay raadinayeen. Warkii iigu danbeeyayse waxa la iigu xaqiijiyay inay diyaaradaahaas oo ilaa imika wareegi raadinayaan DhanXiir oo loo aqoonsaday argagaxisada qarnigan ee dhinacyada badan leh. DhanXiirna waxa la sheegay inuu si fiican ugu madhmadheeyiyay oo diyaaradahaasi arkiba kari waayeen, balse wali raadinayaan, DhanXiirna wali u madhmadheedhinayo. Isagana waxan leenahay; DhanXiiroow u madhmadheedhi.........u madhmadheedhi DhanXiiroow..... !

Hadaba marka kaftanka laga saaro; xaaladda dalka Soomaaliyeed guud ahaan ku jiro waa mid aad iyo aad u werwer badan. Ama SomaliYar ha noqoto ama Somaliweyn ha noqotee Dal faraha inoogu jira oo aynu ku faani karnaayi haba yaraatee ma jiro. Maxaa yeelay; Ma Xukumi karno hawadeena, Ma xukumi karno Badaheena, mana xukumi karno xuduudaheena, oo xaalku waa ‘Allay Baday Baroorta’. Waxaynu gacanta ugu jirnaa cadaawihii ugu weynaa ee madoobaa iyo kii ugu weynaa ee caddaa oo is bahaystay, waxayna noo sheegayaan farriin (message) in meel ka mid ah dalka Soomaaliyeed oo ka badbaadi karaysaayi oo gacanta aanay ku haynin, aanay haba yaraatee jirin. Badbaadiye waa Ilaahay, bulshada iyo beledka Soomaaliyeedna Allaha Badbaadiyo.

Beledkeygii Hooyoow
Baxsanoow Dalkaygoow
Ilaahbaan Baryaayaa
Inuu Ku Badbaadshee
Buul Nabadi Taalloo
Bulshadiisa Deeqoo
Idayl Lagu Badhaadho
Hakaa Yeelo Boqorkay

Wa-Billaahi Tawfiiq

Abdiqani Ateyeh

London UK

hiildan@yahoo.com

2 comments:

Anonymous said...

[url=http://firgonbares.net/][img]http://firgonbares.net/img-add/euro2.jpg[/img][/url]
[b]where can i buy microsoft software, [url=http://firgonbares.net/]software at a discount[/url]
[url=http://firgonbares.net/][/url] music software to buy 4 Mac WinZip
purchase software license [url=http://firgonbares.net/]software sales canada[/url] shop software to
[url=http://firgonbares.net/]educator software discounts[/url] buy office software
[url=http://firgonbares.net/]buy macromedia fireworks 8[/url] windows vista ultimate activation crack
buy microsoft office 2007 software [url=http://firgonbares.net/]macromedia projector software[/b]

Anonymous said...

Bonjour, saylicipress.blogspot.com!
[url=http://esviagra.fora.pl/ ] viagra online[/url] [url=http://viagraespana.fora.pl/ ]venta de viagra en espana[/url] [url=http://viagraes.fora.pl/ ]vendo viagra online[/url] [url=http://viagramedica.fora.pl/ ] viagra en espana[/url] [url=http://viagrasinreceta.fora.pl/ ] viagra en espana[/url] [url=http://farmaciaviagra.fora.pl/ ]comprar viagra online[/url]