Friday, November 09, 2007

Xassan Sh. Muumin Kama Maqna Maalinta Abwaanka Soomaaliyeed - Qalinle

Su'aasha uu dadwaynaha usoo gudbiyey Xasan yare runtii waa su'aal loo baahnaa waanan soo dhaweynayaa,xasan yare waxan ku amaanayaa sida uu dadwayanaha usoo dhexdhigay su'aashan oo aan filayo inay umadda soomaliyeed aad isku waydiinaysay tan iyo maalinkii lasoo gabagabeeyey kulankii abwaanka Somaliyeed ee lagu qabtay cariga ingriiska.

Balse su'aashiisa ah "Xasan Sh.Mumin muxuu uga maqanyahay maalinta abwaanka London? wixii ka baxsani waa aragtidiisa shaksi sida aan filayo.

Inta aynaan ugalin su'aasha jawaabteeda halkan hoose waxan ka milicsan karnaa magaca abwaanka iyo sida uu uga dhex muuqdo Marti qaadka maalinta abwaanka somaliyeed ee lagu qabtay guriga dhaqanka iyo farshaxanka ee Oxford house.

Somali Week Festival 2007

Saturday 20th to Sunday 28th October 2007

Oxford House in partnership with a range of community organisations is pleased to present the Somali Week Festival as a part of Black History Month.

This prestigious Festival will take place at Oxford House from 20th to 28th October 2007 and will feature;Poetry recitals and cultural presentation by famous and legendary Somali poets such as Maxamed Xaashi Dhamac, known as Gaarriye, Maxamed Ibrahim Warsame, known as Hadraawi, Hassan Sheikh Mumin, Aw Jama Omar Isse and Hassan Abdulahi Hassan, known as Hassan Ganey.

Marka aan meel iska dhigno iclaanka ay sameysay Oxford house waxan doonayaa inaan waxyar ka iftiimiyo sida uu abwaanka caanka ah ee Xasan Sheekh Mumin uga dib dhacay kulankii abwaanka soomaaliyeed ee London.

Maadaama aan arintaa wax kala socday oon xataa is odhankaro marka laga yimaado Abwaanka, qofka ugu haboon ee ka jawaabi kara su'aashaa uu xasanyare dadwaynaha soo waydiiyey waa adiga, waxan jeclaystay inaan si kooban uga warbixiyo sababtii uu Abwaan XASAN SHEEKH MUUMIN kaga maqnaa bandhig faneedkii London ee la magac baxay (Somali week festival 2007) ee ka dhacay guriga dhaqanka iyo farshaxanka ee Oxford houseWaxay ahayd bilo ka hor markii abwaan Xasan Sheekh Muumin lagu soo wargaliyey in lagu soo marti qaaday bandhig faneed lagu qaban doono London sida uu noo sheegay mar uu la soo xidhiidhay ururka Gurmad Sep-22-2007 laakiin uunan imika la socon meel uu marti qaadkii ku danbeeyey mudadiina dhawdahay.

Markii uu abwaanku arintaa nagu wargaliyey ururka Gurmad wuxu isku xilqaamay inuu arintaa ka dabatego,ka dib anigaa hawshaa shakhsiyan ururku ii xilsaaray inaan ka wardoono.Bishii Sep-24-2007 waxa iisuura gashay inaan ismaqalo marwo Ayaan Maxamuud oo ahayd coordinator-ka hawsha gacanta ku haysay.Run ahaantii markii aan usheegay arinta aan usocdo qiyaastii waxan odhankaraa hadii ay fadhiday way sara kacday,hadii ay sara joogtayna way fadhiisatay.

Taasi waxay muujinaysaa sida ay Ayaan iyo guruubkeedu ugu hanweynaayeen imaatinka abwaan Muumin, midda kale waxay meesha ka saaraysaa kalmadaha Xasanyare adeegsaday kuwaas oon isleehay waxay ku yimaadeen ogaal la'aan.Ayaan oo ahayd qof aad ugu jajaban hawsha ay gacanta ku haysay waxay ii sheegtay inay abwaanka maalmahanba raadinayeen meel ay kala xidhiidhaan, maadaama hawshii dhawdahay imikana ay ku faraxsantahay inay akhbaar ka hesho iyadoo intaa iigu dartay inay invitation-nadii abwaanada qaar udireen kii Xasan Sh.Muumina uu diyaaryahay.

Isla habeenkiiba(sep-24-2007) waxan isku xidhay coordinator-kii iyo abwaankii.Si kastaba ha ahaatee Waxan halkan akhristayaasha ugu cadaynayaa in abwaanka caanka ah ee Xasan Sh.Mumin isla todobaadkaa gudihiisaba uu soo gaadhay invitation-kii iyo Tigidhkii diyaaraduba laakiin safaarada ingriisku kala daahday fiisihii.

Sidaas darteed Astaanta suugaanta soomalida abwaan Xasan Sheekh Muumin, Kama maqnayn Marti qaadkii maalinta abwaanka ee London.

Laakiin wuxu uga baaqday sababo la xidhiidha dhinaca socdaalka.Waxa xusid mudnayd in maalinkasta maxfalka laga sheegi jirey magaciisa inkastoo xataa dadweynaha mararka qaar loo sheegayey inuu abwaanku London joogo isla markaana uu kulanka kasoo xaadiri doono maalinta uu ku qoranyahay makarafoonka.
Sidaas darteedna dadweynaha madasha isugu yimid ay sugayeen abwaanka suugaanta soomaliyeed Xasan Sh.Muumin.

Jawhar Cabdisamad Qalinle

korwaayeel@hotmail.com

No comments: