Boorama-(Lug)-Tan iyo intii ay idaacada Voice of America ( VOA) bilowday inay barnaamijkeeda Afka Somaliga u soo wareejiso habeenkii fiidkii ayaa waxaa soo kordhaya hadal haynta ay dad faro badan hadal hayaan Dhagaysigeeda, waxaana intaasi dheer oo ay dadku is waydiinayaan waxa uu noqon doono Mustaqbalka Barnaamijyada ay baahiso Idaacadu ee ku aadan Gobolka Awdal.
Waxaa Hubaal ah oo uu dareenku dadku ku salaysan yahay sida ay idaacadani uga duwanaanayso ama ay ula mid noqonayso idaacada BBC-da oo noqotay mid G/Awdal iska indho tirtay ,C/raxmaan Siciid Nuur oo ka mid ah dadka Dhagaysta Idaacada VOA ayaa tilmaamay sida uu u arko idaacadan Cusub waxaa uuna yidhi “waa layaab in ay VOA ay joogaan wariye-yaal waawayni xarunteeda Maraykanka hadana ay indhahoodu qaban waayaan Ruug Cadaayo dhinaca Saxaafada oo ay ka mid yihiin Prof Daahir Maxamuud Xadi iyo Wariye Abokor Hassan Afi iyo Wariye Maxamed Cumar Sh.Ibraahim isla markaana ay Gobolka oo dhan iska indho tireen”.
Naciima Xasan Nageeye ayaa iyadana qabta dareenkani mid ka xoogan oo ku aadan Idaacada VoA howlgalkeeda Somaliland waxaanay tir “waxaa VoA Gobolka ka galaysaa Gobod aan la iloobi doonin hadii ay noqoto mid marta wadadii ay BBC-du martay waxaase la gudboon Maamulkeeda inay ka fiirsadaan howlaheeda ku aadan Somaliland”.
Inta badan wararka Saacad walba ka dhaca Gobolka Awdal ayaa waxa ay yihiin kuwo aanay inta badan ka waramin Idaacadaha BBC iyo VOA taasi oo loo aanaynayo inay ugu wacan tahay wariyeyaasha ka howl gala idaacadahaasi oo ku sugan meelo ka baxsan G/Awdal inta badana wararka ay gobolka ka tabiyaan oo ay ka helaan ilo xigasho ah oo aan ku salaysnayn goobjoognimo taasi oo sabobta inay buun buunin ama yamxeerin ku sameeyaan xaqiiq ama dhacdo si ka hufan loo sheegi lahaa hadii wariyeyaal u shaqeeya Idaacadaasi ku sugnaan lahaayeen Gobolka.
Waxaa kale oo iswaydiin mudan Sobobaha ay u suurto gali wayday Idaacadaasi ay wariye toos ah ka qaadan Gobolka Awdal maadaama ay reer Awdal yihiin dad ku ab-tirsada Aqoon ka soo jeeda xadaarad hore , isla markaana ay leeyihin wariyeyaal waawayn oo la iska indho tiri Karin.
waxaa intaasi sii dheer oo dadka inta badan Idaacadahaasi dhagaystaa ay is waydiinayaan waxaa sobobay in doodaha ay qabtaan Idaacadahaasi inta badan ay uga maqan yihiin dadka ku sugan Gobolka gudihiisa maadaama ay isgaadhsiintu tahay mid wax walba saamaxaysa tani ayaa waxaa ka dhashay in ay dad faro badan oo reer Awdal ah u arkeen Idaacada BBC da mid takoor dhinaca saxaafada ah ku samaysay Gobolka Awdal taasi oo aan ilaa iyo imika la ogayn sabobta ay u dhacday,marka loo soo noqdo Idaacada VOA waxaa la is waydiinayaa Ma mari doontaa wadadii ay BBC-du ka martay G/Awdal ee dhalisay in ay reer Awdal BBC-da ka tirsadaan Godob , faqooq iyo Aano ay ku BBC-du kasbatay oo ay Awdal kaga reebtay Gobolada Kale ee dalka mise waxa ay noqon doontaa mid ay indhaheenu qabtaan suxufiyiinta ku sugan Gobolka iyo Wararka iska soo daba dhacaya ee Saacad walba ka dhaca G/Awdal ee dhinacyada Siyaasada, Horumarka Bulshada, Dhaqanka , Taariikhda iyo Nolosha guud ahaan.
Idaacada VoA ayaa baryahan dame howlgalladeeda dhinaca warbaahinta ah ee dalka la dardar galiyay ilaa iyo imikana waxaa ka howl galay Wariyeyaasha kala ah Shaadiya Maxamed Rooble, Sahra Iidle iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo intuba ku sugan Magaalada Hargeysa.
Wariye:-Cabdalle Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama
Friday, November 09, 2007
Idaacada VOA Ma Waxa Ay Ka Maraysaa G/Awdal Wadadii Ay BBC-du Ka Martay Ee Takoorida Ahayd...Lughaya
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment