Marka hore shacbiga reer awdal ee ku kala maqana aduunka dacaladisa waxan gadhsinaya salan
Ma jeclayn inaan hadalka sii badiyo ee waxan jeclan lahaa inaan god daloolada gobalku leyahay oo kooban halkani qoraal ahaan idinku soo gudbiyo sababtoo ah waxad arakysaa dad badan oo xaqiiqda ka fog kuna faraxsan waxan sal iyo raad lahayn marka anigu waxan tagay dalki hooyo waxan ku so araky dadbana kala hadal sida xalku yahay ,anigoo jeclaa inaan faah fahiyo waqtiga oon iisaamaxayn qoraal badan iyo dadka oo u bahan in loga dhigo qaybo ayan usoo kobay balse aniga igama aha dhaleecayn ee waxa jira inaan isla ogaano ayaan jeclan lahaa si aan hadhow xal wara uga gaadhno ,waxa horumar ee la gadhay way muuqatye .
ugu horeynba waxa kuu soo jidanaya ood arkaysaa isna odhanysaa maxaa wax looga qaban layahay waxyabaha ay ka midka yihin
Siyaasada
Sanadan danbe malaha siyaasiyiintu qadiyad midaysa balse ay noqatay ninba meeshi ka dirir taasina gobala waxay u si hagaysaa halak lagama soo laabtan ah waxad arakaysaa siyaasiyinta ku maqaan konfurta somaliya oon wax xidhidha la lahayn Gobalka ay ka soo jeedaan kuwa gobalka jogana ay u haystaan rag aan iyaga matalin,
Hadaynu Somaliland u soo labano ma jiraan urur ay leeyihin reer awdal ama iyagu samaysteen kuma laha barlamanka kuras aan faro ku tiris ahayn ,komoshinka ,wasiirada ,gudida imtaxanadka, Iwm .marka aad tidhaa sida u soortoobaysaa inaad saxada sidaa uga maqantan waxay kugu jawabayan shacbiga reer awdal ama odaysha matala waxaynu lenahay madaxwayne oo waliged maal aynan gadhin ayaan gadhanintaas indhagu miyay qaban wayeen waxay lagu qanacasan yahay madaxweyne dorasho ku man kara lagana qaadi karo balse kuma fikiraan kuraasta ma guuraanka ah .si kastaba xaalku ha ahaade shacbigu gobalka wada degana ee asxbta iyo xigaalka ahaa ayaa ku kala dhinta asxaabta ka jirta Somaliland hadana ma arakysid wax dan ah oo dhafsan magac .
xeebta gobalka awdal iyo duruufaah jira
Deegankani waxa ka socda loolan kaasi oo ay kula jira beelaha darifka ka xigaa , Inta badan dadka deegaanka marka aad la kulanto waxa ay kugu boobayaan cabasho ay ka cabanayaan maamulka xukuumada.abaaraha,biyo la’anta iyo muranka dhinaca xuduudaha oo ah u dhaxeeya saddexda degmo iyo qabaa’ilka halkaasi kaga xeeran yihin Degmooyinkasi waxa ay kala yihiin degmooyinka Baki, Saylac iyo Lughaya iyo sidoo kale degmada Gebiley.
sidaynu ogsoonahayna waxa dorasha ahi kama ay dhicin tuuloyinka hoos yimdama lughaya sida Cabdi Geedi, Ceel La Helay ceel shekhiwm.Sidoo kale waxa muran ka taaganyahay deegaamo ku yaala sil-silada buurelayd Golis, kuwaas oo u dhaxeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki. waxaanay dheertahay kuwa kale dhul beereedyo kala ah caada iyo Mashruuca.
Dhulkani waxa beeray Sheekh Muxumed Raage oo ah sheikh ka soo jeeda dhinaca Gabiley. Sidaas darteed dadka ka soo jeeda degmada Gabiley waxay ku doodayaan inay tahay
deegaamadooda iyo beerahooda
Dhinaca kalena dadka beesha Ciisaha ayaa ka cabanaya inaanay gobolka
Degan tuuloyon ay ka mdi yihin geerisa xariirad balse awoodda fara maruujiyen bessha samron oo iygauna muran la so tagan
Si kastaba aha ahaate reer awdal shakhsi ka hadlaa ma jirto ama gashaanka u daruuraray waqtigana waa tagan yahay muran xal sidi lagu heli lahana waxa la suga shacbiga reerawdal.
Jaaliyad
Guud aahn qurba joga reer awdal waxay leeyihin jaliyado fara kuwa sii jiraymudooyin hore iyo kuwo had all magic baxshayba kuwaas oo ilaa hada malinba malinka ka dnabysa aad maqlyso jaliyad cusub kuwaas oo kala
1-Adal oo ujeedadii loo abuuray ahayd sidoo wax looga qaban lahaa baahida kala gadisan ee ka jirta G/awdal dhamantiba iyo in qurba jooga reer awdal suurto galiyan sidii loola socon lahaa kolba bahida tala waxna loga qaban lahaa.
2- jaaliyada waqooyiga America :- jaliyadasi oo oo lagaga wada hadaly dhaman aahida goblak tala ha ahaato ,waxbarshada ,caafimadka , xquuqda dumarka ,ganacsiga ,maktabadah ,beeraha, macdanata hidaiyo dhaqanka iyo Iwm
amoud foundation, gurmad, gargaar Iwm
dhaman jaliaydahsi reer awdal waxad mood in loo abuuray ama loogu talagaly ashkhaas magac ku doon ah ama ay ku jirto shcabiga reer awdal ka dhex muuqo
waxbarshada
Hadaan ka waramo muuqaalka guud ee waxbarshada run ahaantii aad ayay u fiican tahay gobalka awdal khaasatan magalada boorama inkastooy ay jiraan degmooyin kale iyo tuulooyin ka qaarkood aysan waxbarsho sababtoo oo ah waxan jirinba noloshii aasaasiga ahayd markaa hadayna tasin jirina waxbarsho kama hirgalyso .
Waxa jira dugsi sare dhexe hoose mana xuma tayadoodu balse hada dugsiga sare imataxandii natijidi ay noqoaty waxan laga filayan oo ardaydu wada hesha grade b c d halka A ka tahay faro ku tiris .
Lakin shaksi ahantayda waxay iila muuqata inaysan jirin gudi dhex dhexaada oo loo tabaary sxiida imataxaada iyo goblalad dhan ka kooban .
@ hadaynu eego Ngo ka hawalga gobolka tusaale ahaan Iqra oo iyadu amaan amaan mudan oo inta awoodeedu tahay wax ka qabata baahida wacxbarsho ee loo qabo dhulka ka fog magaalooyinka.
@jamacada camuud oo ah xudub waxbarsho ee waqooyiga somaliya iyadoo ku daysho mudnayd balse mudooyinka danabe oo dhan sumacadu malin maalinka ka danbaysa ay u muuqato inay dhabada saari dooi doonto waddii ay ku hoyan lahayd iyo baaba sumcad xumo kaga tagi lahayd taasina waxa tusala muuqda u ah inay dhabarka saaraty qaab qaabil oo ardayda ugu horeysay ay ukala qaday qabail .
anigu run ahaatii waxan ka hadalayaa god daloolada ku wajahan wax barshada kadibna sidoo looga waan toobi lahaa loona hagajin lahaa dad badan oo maangabi ahina waxa laga yaba inay god dalooada la sheego diidayan ee amanta uun jecel yihin tasi na maha ah sidii xal lagu gaadhi laha .
Eelo American University Borama: waxaa faraxd wayan inoo ah in gobalku hada yeesho jamacadii labad taasi oo ubaahan soo dhawayn iyo ixtiram gaar ah ,eelo oo noqon doonto mid tayo leh macalin ajaniba ah ay dhigin doonan oo macalmin khibrad gaar u leh oo master Dg Eelo on wlai la furin oo la furi doono Dec 15 2007 hadana jawgeedu waxa uu ku socdaa jawi faraxdi ka muuqato ardayda hada sugaysana aad ugu farax sanyihin.
si kastaba ha ahaato gobalku malaha midayn jamacadeed iyo waxbarsh oo gobalka dhan isku xidha
Dhaqalaaha
Guud ahaan dhaqalaha gobalka waa mid aan ka soo raynaynin maalinba malainka ka dnabysa sababtoo ah malaha kabayal dhaqale ,shacbiga gobalka ku dhaqaninan waxa ay ku filanyihin nolol maalmed kooda .90% shcabiga gobalak waxay ku noolyihin qaraabadooda iyo ehligooda oo dibada ku maqan taasi oo loo soo mariyo xawaaladaha .
Majiraan ganacsi baladhan ama shirkado loo shaqo tagaa inta shirkado jiratana waa faro ku tiris .
Waxaa tusaale gaaban kuu ah hadaad aroortii hore Iukacdo waxad arakysaa dhalin yaro badan o ku kala haysa dugsiyada iyo jamacadaha balse ma arkaysid aabayaal iyo hooyooyin ku kalahaya shaqooyin si ayna uga habsamin.
Gobalaka awdal malaha ganacsato aad u waawayn oo dekado waxa kala soo dega balse waxay yihin wakilada ama dilaalinta ugu waa wayn waqooyiga ee suuq geeya waxa ay ganacsatatda gobalada kale keenan ,Tusaale ahan usoo qaadata magalada ugu wayan gobalaka awadal ee xudunta u ah waa borama waxad ku arakaysaa bakhaarka ugu caansan ee ugu suuqa badan kaas oo shacbiga dhani ku xoonsan yihin waa waa wakiil ganacsade kale oo .
Isku soo duub gobalka awadal waa wadad wakiilo iyo`mas uuliyin shakhsi waxa kala soo degada dekadaha ma jiraan .
Mar aan wax ka waydiiyay mayarka magalada boorama cabdi shid bile xaalka magalada waxa uu igu jawabay (Run ahaantii xaalka guud ee magaladu borama way fiican tahay xaga dhaqalaha ayun baad moodaa inuu yar yahay oo jidadka oo xun awgeed kani jibouti iyo kani dilaba sida kale gud ahan magaldu way fiican tahy oo wax kale oo dhib ahi ma jiraan ) taasi oon oon wax iska wayidiyay oon idhi dhibta intaa ka badan ee mayarku sugayaa tallow watee .
Jidadka ama wadooyinka
Waxaa shaqsi kasta oo reer awald ah ama booqasho ku yimid lama ilaawan ah wadad isku xidha boorama iyo Dila taas oo ah wado aad dhib ,rafaad iyo tacab badan .
Hadana dhibta iyo tacabka intaa leeg waxad ku ilwaysaa markaad u kicin tinto dhankaas iyo xeebta gobalka awdal ood moodayso inaay ka raaxo badanyd 28 kii Km eed soo dhaaftay ,isku soo duub o gobalka awadal malaha wadooyin soogala ama ka baxa balse waxa jira 2 wado oo dhex mara magalada boorama taas oo ay ku kulman dadka iyo baaburtuba ood modyaso inay high way socdaan babuurtu iyagoo uga baran gobalka intisa kale wado yar oo caratuul ah tani ay sababbaty shil badan . halwado oo ka timaad dhigta ilaa hoosta tagta ayaa mayerkasta oo yimiada kharasha intee le eg ku bixiyaa balse aan sku dayin inay wado kale oo muhima furan
Xasuuq
Mujtamac kasta oo ka mid ah dadwaynaha ku nool aduunka korkiisa waxay leeyihiin maalmo taariikhi ah oo iyaga u gaar ah kuwaasi oo ay ku xusuustaan , dhacdooyin hore u soo maray oo isugu jira kuwa farxad leh iyo kuwo murugo leh oo ay xusaan .Hadaba waxaa jirta dhacdo taariikhdu aanay hilmaami karin oo dadka reer Boramana aanay qadarin iyo mudnaan midna siinin isla markaana ay xusaan maalmo aan maamuus ka mudnayn una dabaal dagan kuwaasi oo ay ka mid yihiin maalinta Aidska, dhalinyarada ,maalinta S/land iyo waxii la mid ah kuwaasi oo la odhan karo waa wax ka baxsan inay Borama ay xusuustaan mar hadii aanay dhacdo jirta ahayn .
Hadaba maalintaa aan la ilaawi karin waxay ahayd 31/01/1984 oo saacduna ahayd 10:30 subaxnimo oo ay ahayd duqeyntii diyaaradaha xabashidu ay duqeeyaan magaalada Borama gaar ahaan iskuulka hoose dhexe u dhow saldhiga boliska ee Borama halkaasina ay diyaaraduhu ku dileen arday yar yar oo gaadhaysa 87 arday oo halkaasi wax ku baranayay .Mashaqadan oo lagu tilmaami karo tii ugu naxdin iyo murugada badnayd ee soo marta mujtamaca reer Borama oo wakhtigaasi ka mid ahaa dowladii hore loo odhan jiray Somalia .
Waxay ahayd dhimasho caruur wadar ama koox ah oo meel kaliya ku wada dhinta tii ugu horeysay ee taariikhdu sheegto ee soo marta magaalada Borama waxaana arintaasi iiga waramay arday iyagu markaasi iskuulka dhiganayay oo iyagu markaasi ka badbaaday iyo waalidiintii kuwii dhintay qaarkood balse waxay ka deyriyeen inaanay dadka reer Borama taariikhdaa caruurtoodii diyaaraduhu laayeen aanay wax baroordiiq ah u samaynin balse ay ka gaabsadeen inay magacyadooda cadeeyaan.
Laakiinse wakhtigii dhacdadaasi dhacday 1984 waxaa isla markiiba hees ka tiriyay Maxamed Faarax Idaajaa isla marka waxaa arintii ka damqaday abwaan Daahir Maxamuud Xadi waxuuna tiriyay hees ay erayadeedu ka mid ahaayeen :-Baroordiiqdu mudan Aarku baaqsan maayeeBilli weeyi samirkuye Adna boramaay garo Ilaa iyo maanta Daahir oo ah reer Borama cidkale oo arintaasi xustay ma jirto kana damqatay aysan jirin .
Waxa jirta xasuuq kale oo ay gaysatay jibouti 1988-1990 kuwas oo loo soo saray bacadka oo haraadku layay .
Is xasuuqi isagana dhacay 1981-1991 oo lo gaysatay shacbiga awdal una gaysteen SNM [iyo amxaaradii taageeraysay...edited]
Cafimaadka
Waxaa aad la yabaysaa isbedlak way nee ku yimid dhakhtarka wayn iyo maamulkisa iyo agab laanta aata haysata oo laga sugayo hay ad waxa loo soo gadi kari sida balastar laga wayay malinki ramadanti oo lagu yidhi bukanki soo gata lama keenine waliye ,hadana waxad arakysaa dhakatir caalami ah oo tabaruc ugu imanaya qalinka culuska dhanka kale waxa jira dhkatro gaar loo eyahayh kaasi ka si tayo hooseeya balse shacbiga lagu maran habaaiyay qalab casri ah ayaa yala oo dumarkii 97% qalin lagu fulinayo lagana door bidaay 2oo$ oo faido isgaa u ah balse aan u ahayn shacbiga ,si kastaba ha ahaatee gobalkaku waxa u bahanayahay ka wara hayan iyo maul adag oo dhaktirta la xisaabtama.
Maamul xumadii ka jiraty dhakhtarka oo xalay soo if baxday ka dib markii Dr. Hadi waxba ka qaban kari wayay dhakhatirti ee baraty maamul xumada iyo shaqo sagsaaga.
Saturday, November 10, 2007
Reer Awdal Malaha Barnamij Siyaasadeed, Dhaqale, Jaaliyadeed Iwm...Siimoodi
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment