Sunday, November 04, 2007

Mudane Saylici; Waa Madaxweyne Saylici - Hiidan

Horey ma u maqasheen inuu mar hore jiray, Madaxweyne Jaamac Saylici (AUN)?. Hadana Horey ma u maqasheen inuu isna Mar hore jray Mudane Xaaji Diide (AUN), oo madaxweynaba ka awood badnaa?. Haatana ma maqasheen inuu jiro Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Wadaad (Saylici)?, oo tartan madaxweyne/xigeen ku jira?. HAA inaad leedihiin ayaan rajaynayaa, HAA dhammaanba Su'aalahaasi..!

Waayahaye, ujeedadaydu waxay tahay in mudane C/Raxmaan Saylici, ahayn nin ku cusub taariikhda siyaasadeed ee Awdal. Waa isla laftii Jaamac Saylici iyo Xaaji Diide (Reer Xasan cadde), oo taariikhdoodu horey u qornayd imikana wali isa sii qorayso. Wax cusub ma aha ee wakhtiga uunbaa markii horaba is badalay imikana isa sii badalaya, aakhirkana taariikhduna sideedii uubay ku soo noqon. Taariikh cusub lama dhoodhoobi karo, oo maruunbay kala dhantaalantaa, haddiiba laysku dayo in laga tago oo la tirtiro tii hore ee qadiimiga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, maqaalkii hore ee an qoray ee ciwaankiisu ahaa; “Mudane C/Raxmaan Aw Cali (Tolbadane), Waa Madaxweyne Ku Xigeenka, Haddii iyo Haddii walba”. Jawaabo dhawr ah ayaan ka helay, oo dadka qaar waxay yidhaahdeen mahadsnid. Qaarkoodna waxay yidhaahdeen ‘adigoo London Jooga, ayaan Lafa-Ciise kaa soo tooganaynaa, hadana muuqayaga iyo meel an kaa soo tooganayna la arki maayo’. ! Alliyo Nabiiiii, dee taasi waaba nooc argagixo cusub ah oo Caalamka horey loogu arage, cabsibaaba i gashay. !.

Maqaalkan imika ahna, waxan idin leehay, Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Wadaad (Saylici); mar hore iyo mar danbaba, haddii iyo haddii walba; waa Madaxweyne Saylici. Bal hadda in Libaaxley wilwile lagaga soo tirtirfado iyo in kalaba an eegnee. !

Shaqsiyan dan iyo muraad toona kama lihi Xisbiyada KULUDUBCID ee loo kala badinayo, iyo waxan iriqa sokeeye iyo qabiilyasiga laysku taageero. Qofkiise dan Awdal wada ama wadi karaayi, qooyskuu doono ha noqdee, wuu u qalmaa in la hadal qaado, oo la taageero. Waxanan hubaa in Saylici ka mid yahay dadka faro ku tiriska ah ee dhiiga iyo dhalashada Awdal dhuuxa iyo lafaha kaga jirto. Isla mar ahaantaana soo dhicin kara xaqa Awdal ku leedahay dhan kastaba geeska Afrika.

Muddo aad u dheer ayaa iigu danbaysay maqal iyo muuqaalba C/Raxmaan Saylici. Markii iigu danbaysayna wuxuba ahaa Injineerka ugu caansan magaalada Boorama. Oo dhisamayaasha ku yaala Boorama in ka badan kala badh ayuu isagu lahaa naqshadooda (Design). Dadka maalintay Boorama xabadi ka dhacdo ka carara ee shagaafaha ka gurtana kamid ma uuna ahayn. Kuwa dalkooda ka qaxa (sidaydoo kale) haday wax haystaana ma aha. Wuxu ka mid yahay kuwa inay halkaas ku dhex dhintaan diyaarka mar walba u ahaa, walina xaadhuntii dhex jooga. Carradiisana cadow uma soo hogaamin, cadawna ugama cararin, cid an wax wanaag ah ka tirsanayna anuu ma maqal.

Hadal iyo dhammaan; Mudane C/Raxmaan C/laahi Wadaad, iskaba daa inuu noqdo Madaxweyne Xigeene wuxuba u qalbaa inuu noqdo Madaxweyne. Xagaygana waxan leehay: Mudane Saylici, Waa Madaxweyne Saylici.

Nabad iyo Caano

Abdiqani Ateyeh (HiilDan)

London.

ateye@gurmad.com

No comments: