Sunday, November 04, 2007

Tirada Gobolka Awdal ma Layaqaan? S. Muse Elmi

Awdal waxay ka kooban tahay afar dagmo Borama, lughaya, Saylac, iyo baki iyo dhawr degmo oo aan weli la ictiraafin sida aan weli Somaliland loo ictiraafin. dadka ku noolse ay u og yihiin in ay degmooyin yihiin.

waxa ka mid ah degmooyinkaa:
Garbodadar, Fardolagu-Xidh, Boon, iyo Dilla.

degmada lughaya waxa ku nool 800,000 kun oo qof dad lagu qiyaasay;
degmada Saylac waxa ku nool dad lagu qiyaasay 600,000kun oo qof iyo dad intooda ka badan guryo keliya ku leh iyo dad badan oo ay dhaqaale ahaan u saamixi wayday in ay ku noolaadaan cunaqabataynta uu maamulka Rayale ku hayo degmada Saylac darteed.

Baki oo Caasimada gobolka Awdal waxa lagu qiyaasaa dadka ku nool ilaa 550, 000 kun oo qof.

Borama oo ah magaalada ugu weyn gobalka Awdal ee ugu dad badan waxa lagu qiyaasaa 1,500, 00 qof. Islamarkana ah magaalada labaad jamuuriyada soomaliland Hargeysa marka laga reebo.

GOBALKA AWDAL oo ay umada Somaliyeed meel kastaba haku noolaadeene u ogyihiin inay kasoo baxeen aqoon yahanadii ugu badnaa umada soomaliyeed oo dhan.

waa xaqiiqo la ogyahey uuna ninba inkiri karin ilaa maanta. Maxeyse u qorsoon tahay tirada iyo tayada GOBALKA AWDAL WAA SUAAL JAWAABTEEDA UMADA REER AWDAL LAGA SUGAAYO!

umada gobolka Awdal waa in ay aad u foojignaadaan arimahan la xidhiidha tiro koobta darteed. dadkeena baadiyaha waa in la baraarujiyaa waxa maanta lasoo saaro waxay ina daba socon doontaa 50 sano ee soosocda - sidii ay dada badani hortey uga hadleenba waar ha'la foojignaado.

waxa la'inagu dhacay sidii lixdankii wax loo qaybsaday oo ilaa immika inaga hadhi la' oo ay keentay in dadka reer Awdal ay yihiin dad dulqaad badan ayse dhaxal siisay in wax faa'iido ah aan ka waynay in aan sidaas kusii jirno.

waar isku duubni baa loo baahan yahay. cadow keliya ayaan leenahay cadowgaasi waa cadaalad daro. jufo jufo ayeynaan isku qabsan Rayaale waa shaqsi keliya barina wuu tegayaa ayaan lagu dayan. isaga waxay dani ugu jirtaa in la'kala jajabo waayo waxa laga yaabaa in jufo ahaan lagu taageero.

waxa aniga iga talo ah kuwa inaga danbeeya aan u naxariisano. tiro koobtaa soosocota nin walowba dadkaaga baadiyaha gaadhsii fariintan ah in ay is qoraan. kuwa tiro koobta wada ha'la ogaado shaqsiyadahooga, aqoontooda, iyo waxa ay damacsan yihiin. ayaan laga seexan mustaqbalka caruurteena inagoo isku duuban.

WAXAY U BADAN TAHAY IN JEEBKA LAGU WATO 70, 000 KUN OO WARAAQOOD OO LOO QOONDEEYO AWDAL HALKA BURCO IYO BERBERA 200, 000 KUN OO WARAAQOOD LASIIYO OO CAADIYEN BORAME 10 JEER KA YAR.

MARKAA DHIBAATADII LIXDANKII (1960s) AYAAN MAR LABAAD INAGU BILAABMI; OO CARUURTEENA CURYAAMIN TIRO KOOB BEEN AH.

HA' LA FOOJIGNAADO

Suleiman M. Elmi

elmi_lion@hotmail.com

No comments: