Saturday, November 03, 2007

Meydadka 3 qof ah oo ay dileen Ciidamada itoobiyaanka oo laga soo qaaday maanta agagaarka garoonka Kubadda cagta ee stadium Muqdisho.

Meydadka 3 ruux oo Ciidamada Itoobiyaanku ay gowraceen oo Mid ka mid ah uu yahay shaqaale katirsanaa shirkada warbaahinta HornAfrik ayaa maanta laga soo qaaday agagaarka Garoonka kubadda cagta ee stadium Muqdisho halkaasi fariisin u ah Ciidamada itoobiyaanka.
Maxamed Xuseen Jaamac oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkada warbaahinta HornAfrik oo ay shalay guri ka soo horjeeda Idaacada ay kala baxeen Ciidamada itoobiyaanka ayaa maanta laga soo qaaday nawaaxiga garoonka Ciyaaraha ee stadium Muqdisho kadib markii ay bireeyeen Ciidamada itoobiyaanka deetana ay maanta eheladiisa u sheegeen in ay soo doontaan.
Labo ruux oo kale oo rayid ah ayaa waxaa iyana laga soo qaaday garoonka ciyaaraha kuwaas oo maalinimadii shalay Ciidamada itoobiyaanka ay toogteen deetana ay u qaateen dhinaca garoonkaasi.

Meydadka sadaxdaan ruux oo uu ka mid ahaa shaqaale katirsanaa Idcaadada HornAfrik ayaa waxaa ka muuqday rasaas iyo tooreeyay qoorta looga bireeyay taasoo ay dadka deegaanka aad uga agagaxeen.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah ilaalada qaaska ah ee shirkada warbaahinta HornAfrik ayaa la waayay kadib markii dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka gubta uu saameyn wayn ku yeeshay shirkada warbaahinta HornAfrik oo deegaankaasi ku taala.

Dhamaan shaqaalaha shirkada Hornafrik iyo Mas’uuliyiinta Idaacada ayaa waxaa ay murugo ka muujiyeen falkaan foosha xun ee Ciidamada itoobiyaanka ay markii ugu horsay u gaysteen mid ka mid ah shaqaalaha Idaacadda HornAfrik oo isaga oo aan waxba galabsan gurigii uu ilaalinayay ay Ciidamada itoobiyaanka ka wateen.

INAA ILLAAHI WAA INAA ILAAHI RAAJACUUN ALLE HA U NAXARIIRSTO MARXUUN MAXAMED.

Maxamed ayaa waxaa uu ilaalo ka hayay xiliga Ciidamada itoobiyaanka ay la baxeen guri ka soo horjeeda idaacadda oo uu leeyahay milkiilaha Idaacada HornAfrik Axmed C/salaam,iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada ay sheegeen in ay maqlayeen dawaqa janjeelka guriga oo Ciidamada itoobiyaanka ay xoog ku jabinayeen xiligii dagaalka uu joogsaday.
Dhiig fara badan oo islamarkiiba loo maleeyay loo Marxuun Maxamed Xuseen ayaa lagu arkay banaanka hore ee Guriga waxaana inta badan la isku raacay in Ciidamada itoobiyaanka ay qaateen ayna dileen.

Baadi goob xoogan ayaa loogu jiray meydka Maxamed Xuseen waxaana lagu guuleystay in si islaamnimo ku jirto loo asturo.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada Black sea, Baar Ubax iyo Gubta iyo deegaano kale ayaa waxaa Ciidamada itoobiya ay gacanta ku dhigeen dad aad u fara badan oo rayid ah waxaana maanta Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed ayaa maanta sheegay in ay dadka ay hayaan Ciidamada itoobiyaanka ka soo furdaamin doonaan.

Source: Hornafrik

No comments: