Tuesday, January 08, 2008

Ma BARI baa loo Gurmanayaa, Mise UDUBta Bokhokhday?.

Waxyaabihii iigu amakaaga iyo qosolka (qosol-gariir) badnaa sanadka lasoo dhaafay, waxa ka mid ahaa, inaan maqlo Boorama oo u tafo xaydatay ololaha lagu sheegay gurmadka iyo taakulaynta gobolada BARI . Hadda waa Boorama oo hareeraheedu yihiin baylah, oo baahi iyo gaajo iyo darxumana carruuro ugu dhimanayaan degaanada ay xukunto qaarkood. Inay dhexdeeda isku grumatana looga geeyay shuhuura, inay meel shishe u boodana looga dhigay biyo dareeri.

Dhawaan waxan dhegaystay, Wasiirka Xidhiidhka xidhxidhayaasha Geela Somaliland, mudane Cabdi Xasani Buuni oo shir u qabtay reer Boorama ku saabsan taakulaynta iyo gurmadka gobolada Bari. Wasiir buuni wuxu ku yidhi reer Boorama, waxan idinka rabnaa arrimahan soo socda:

  1. xoolo nool-nool oo ciidanka gaajaysan ee dagaalka ku jiraayi, nolosha ku siisiibaan. Didhidhiq kuye. !
  2. Lacag cas-cas oo ciidanka looga dhigo darajo oo garbaha loogu taxo sida xiddigaha.
  3. Lacag cad-cad oo ciidanka loogu iibiyo hub casri ah oo meel dheer wax ka dila iyo dirays aanay xabaduba mari karin.


Intaasi markii uu Wasiirka xidhxidhayaashu gundhiga hadalka ka dhigay, waxu kale oo raacshay haddidaad (threat) oo wuxu yidhi:

“Reer Hargeysaba xoog iyo xeelad UDUBaysan ayaan ugu hanjabnay anagoo wadana sawaariikh iyo askar indho cas-cas, oo waxanu ku nidhi, handtidiinu waa hanti Qaran, oo waan idinkala wareegaynaa. Sidaasi ayayna iyagoo qadhqadhaya qaadhaanka ku soo dhiibeen.

Idinkuna reer Awdaloow, haddii ganacsatadiinu dhiibi waayaan qaadhaanka, waxan idin dul keenaynaa diyaarado iyo dubaabado iyo labaatan wasiir iyo askartoodii oo uu wato Abaanduulaha Madaxweyne xigeenka dalku. Sidaa daraadeed, kolleyba guutadaasi M/xigeenku wato way idiin imanayaane, bakhaarada soo faaruqiya, Geela soo xidh-xidha, oo soo xaraasha, gabanadiina qadiya, waliba gacmahana cirka u taaga uu ku dhawaaqa: "Awdaltay ka bannaanka..... xoolahay ka bannaanka.....Wasiirkeen ka Buunigeenna..iwm..iwm”.

Wasiirka xidhiidhka xidhxidhayaasha Geelu hadalkiisa ka sokow, ayaa hadana waxan dhagaystay sidii dadkii reer Boorama ee goobta shirkaasi lagu macsuumay u hadleen. Anigoon qof-qof rabin inaan u sheego ama u qaadaa-dhigo, waxa iiga bidhaamay hadaladoodii marka laysku soo wada xooriyo, inay dhammaan cabsi gashay oo diyaar u yihiin inay xoolahooda dhiibaan si ay naftooda ugu badbaadiyaa ugana nabad galaan budhka UDUBta Bokhokhday oo wada bashaaqin lahaa.

Aynu usoo noqono muhiimaddii qoraalkane, waxa xusid mudan in lays weydiiyo ujeedada loo galayo gurmadka iyo taakulayntu waxa ay yihiin, su’aalo badan ayaana halkaas kasoo bixi kara oo ay ka mid yihiin:

  • Ma Runbaa oo waxa loo gurmanayaa gobolada bari , gaar ahaan laas caanood mise waa Been?.
  • Ma Garaadadii iyo suldaanadii reer Laascaanood ayaa u yimidday Ugaasyadii iyo suldaanadii reer Awdal/Hargeysa/Burco, iwm oo gargaar weydiistay?
  • Mise waxba reer LaasCaanood ma weydiisane, waxay soo wakiisheen xukumada UDUB?
  • Hadaladii Wasiirka ee shirka gurmadka, maku jireen haba yaraatee wax ku saabsan in dad baro kacay lagu caawinayo qaadhaanka, oo dhar iyo cunto loogu gadayo iyo in reer Laascaanood soo wakiisheen?
  • Haddii lagu caawinayo ciidanka, dee dawladdii halkaasi geysay markii horaba miyay weyday awood kale oo ay ku ilaashato ciidankeeda oo an ahayn qaadhaan urursi qawad iyo quudhsi ku jiro, oo reero magacooda lagu qadhaabto.
  • Qaadhaanku ma tabarucbaa, qofba wixii taagtiisa ah ee uu rabo bixiyo amaba bixin waayo, mise waa qasab iyo qab-qab wax kaga qaad ah?
  • Xaqiiqdii ma BARI ayaa loo gurmanayaa, Mise UDUB baa gabnoowday oo naaskii godol ka weyday, gaawahana usoo qaadatay in iyada loo gurmado bal si doorashada dalka aanay ugu gaagixin ?


Jawaabaha naga soo gaadha su’aalahaasi waxaynu ku gorfaynni doonnaa qaybta labaad ee maqaalkan. Ilaa iyo inta aynu dib danbe u kulmi doonnana, waxan idinkaga tegaynaa sidaa iyo Nabad iyo Caano.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: