Saturday, January 12, 2008

Mahadnaq dad kii nagala soo xidhiidhay baaqyadii aan soo saarnay.

Waxan halkan uga mahad celinaynaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee xidhiidhka nagala soo sameeyay E-mailka iyagoo nagu taageeraya baaqyadii aan soo saarney ee ku soobaxay saylicipress.net 27dec.07 iyo 03Jan 08 kuwaas oo ay beesha Bahabarmuse kaga hadashay arrimo dhawra oo ay kamitahay arimaha Caadda iyo qodobo kale oo gobolka taabanaayey.

Maadaama ayna noo suurta galayn in aan qof qof ugu jawaabno waxaan jeclaysanay in aan halkan uga mahadcelino dhamaan dadkii nagu soo taageeray baaqyagii aan soosaarnay noona soo muujiyey niyadsamid iyo aragti midaysan.Waxaanan leenahay waad mahadsantihii waana waxaan idinka filaynay.Waxakaloon halkan rabnay inaan kala hadalno shaqsiyaashii baaqyadayadii dhibsaday oon iyagana leenahay, annagu shaqsiyaal ama beelo gaar ah oon cambaaraynayno ama gaar ahaan u eryanaynaa majirto ee waxaan kahadlaynaa waa wax xaqiiqa ah oo jira oo beelahaan noo khuseeya iyo waxyaabo aan beelaha kale la wadaagno.

Waanad kumahad santihiin idinkuna jaawaabihii aad kabixiseen, fikirkiinana xorbaad utihiin, laakiin annagu qadiyadayada cid aan uga haybaysanaynaa majirto.Waxa kaloon idiin sheegaynaa in aan idin soo gaadhsiin doono baaqyo kale kadib marka lasoo gaba gabeeyo shirarka beelaha ee lagaga tashanayo xodxodashada xukuumadda S/land wixii war murtiyeed ah ee kasoo baxa ee ku aadan mowqifkayaga, haddii Allah yidhaa.

Waanad mahadsantihiin. Xoghaynta gudiga xidhiidhka beesha Bahabarmuse.
Ahmed Abdillahi
Inf.caadda@hotmail.com

No comments: