Tuesday, January 08, 2008

Sannadka Cusub iyo Sirta Ku Qarsoon: Labo Kala Roori, RABBI waa is Gaadhsiiyaa.

Waxyaabaha sannadkani cusub durba la bilaabmay ee lagu xusuusan doonno waxa ka mid ah:

(1) Doorashada KENYA.

Doorashadii Kenya waxay noqotay mid digniin ugu filan Somaliland , Afrika iyo Caalam weynahaba. Waxayna muujisay in nabad galyo kasta oo lagu faano iyo diimuqraadiyad kasta oo la sheegto, Afrika ay tahay uun Afrika. Doorasho xalaal ahi haddii aanay dhici karina inuu dal kasta oo Afrikaan ahi afka u dhici doono.

Dadkii reer Kenya ayaynu aragnay oo dhawr cisho ka hor kuyuu ugu jiray inay codeeyaan. Hadana waxaynu aragnay iyagii oo isla dhawr cisho dabadeed, kuyuu ugu jira cunto iyo dhar loo qaybinayo, kuna noqday qoxooti dalkoodii Hooyo.

Taasina waxay digniinta ugu weyn si gaar ah ugu tahay Somaliland, oo diimuqraadiyadeeda, dawladnimadeeda iyo dalnimadeeduba aad iyo aad uga itaal yaryahay midkan KENYA . Durbana waxa muuqda saan-saan lagu garanayo in dib looga guranayo doorasho ka dhacda Somaliland . Danbaana ugu jirta inay dib u dhigaan haddii aanay doorasho daacad iyo xalaal ah sugi karaynin, dalkana waa u badbaado. Waana digniinta iyo sirta sannadka cusub.

(2). Rayaale iyo Yuusuf oo isku hal diyaarad wada raacay.

Qaybatani, waxaynu ku eegaynaa sirta Rabbaaniga ah ee ka danbaysa labadii madaxweyne, Daahir iyo Cabdilaahi, ee Ummadda Soomaliyeed kala jiidanayay mudada dheer, oo labadoodiiba isku diyaarad layskugu keenay, isku dalna ku wada degay, isku dalna kasoo wada raacay.

Sirta halkan ku jirti waxay tahay in Soomaali si kastooy u kala roorto ama u kala go¢dana ay maruun kulmi doonto iskuna iman doonto. Waa Labo Kala Roori, Rabbi waa is gaadhsiiyaa. Halhayskaasina waa mid aad looga yaqaano Awdal.

Waxa lagu andacoonayaa inay baahi labada madaxweyne kulmisay oo duruuftu qasab ka dhigtay inay isku diyaarad soo wada raacaan oo isku hal qol oo diyaaradaasi ah soo wada fadhiistaan. Maxayse tahay baahidaasi; ma mid caafimaadbaa?; ma mid dhaqaalaa?; ma mid siyaasadeedbaa?; maxay tahay?.

Aniga waxay ila tahay, mar haddiiba ay dal shisheeye kasoo wada raaceen diyaarad shisheeye, kuna soo wada dageen dal shisheeye. Inay baahidaasi isku keentay, ay tahay mid ka tarjumaysaa sida Soomaali gacan shisheeye ugu jirto, uguna baahantahay gacan Soomaaliyeed oo isku geysa.

Maalmihii u danbaysay labada madaxweynaba way isku buutaynayeen, oo waxay iskugu faanayeen muruq militari inuu midba midka kale ku muquunin doono. Hadana midkoodna dalkiisa kama soo raacin diyaarad dalkiisa laga leeyahay, midkoodna dalkiisa si toos ah ugama soo duulin. Waliba waxa laga yaabaa, oo intaas u dheer, inay labadaba diyaaradda kusoo raaceen muxawil oo lacagtiiba lagu leeyahay.

Isma itaal dhaamaan, ismana arrin dhaamaan, oo hadday inuun wax is dheer yihiin, iskumay dhiibeen Amxaaro, karaamadana iskama qaadeen. Si kastooy iskugu dayeen inay kala rooraana, dee waa kuwaas isku soo rooray, ee isku meel wada kuududsaday, waana sirta sannadka cusub ee sidaas ula socda.

Su¢aasha xiisaha badanina ee an dadweynaha uga tagaynina waxay tahay; toloow maxay is weydiiyeen markii ay ku kulmeen qolka fadhiga diyaaradda xabashida, ee xabashina kala ilaalinaysay?.


Ma waxay is weydiiyeen sidan:

Daahir: C/Laahiyoow Nabad ma sheegtay?

C/Laahi: Daahiroow Af- xabashi igula hadal, waa laynoo jeedaaye?

Mise waxay is weydiiyeen wax kale?. Maxay u malaynayaan Akhristayaashu, muxuuse farshaxanka ugu weyn ummadda Somaliyed, AMIIN CAAMIR, kasoo sawiri doonnaa wacdaraha sannadkan ee mucjisada badan gaar ahaan Daahir iyo Cabdilaahi oo isku diyaarad lagu wada sido?.


Nabad iyo Caano


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: