Saturday, January 12, 2008

Hambalyo BILE, Hambalyo BOORAMA

Waxan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Guddoomiyaha golaha degaanka ee gobolka Boorama, C/Raxmaan Shide Bile, Guddoomiye xigeenka, Muumin Gadiid Cumar, Xogyaha iyo dhammaan xubnaha gudida Dawlada Hoose/Boorama iyo dadweynaha Boorama.

Waxan ugu hambalyaynayaa biloowga iyo dhammaystirka jidka laamida ah ee markii ugu horreysay taariikhda laga dhex sameeyo Boorama gudaheeda. Sidoo kalana waxan rajaynayaa inuu jidkii ugu horreeyay ee laami ah ee isku xidha Boorama iyo magaalooyinka kale ee gobolku isna kusii xigi doono. Maamulka dawlada Hoose ee Boorama iyo dhammaan shacbiweynaha Boorama waxa u soo hoyatay guul taariikh gal ah oo mudan in la xuso looguna hambalyeeyo.

Haddii an wax talo ah ku darsado furitaanka jidkan laamiga ah oo dhawaan la filayo, waxan odhan lahaa; halloo dhamays tiro jidka wax kasta oo khuseeya saxada iyo badbaadada (Health and Safety). Maxaa yeelay, baabuurta Boorama uma baranin waddo laami ah, oo inay ku simbiririxoodaan ayaa dhici karta. ! Halkaasina, ku waxyeeleeyaan dadka iyo xoolaha jidka ag maraya iyo kuwa ay sidaanba oo halis ay galiyaan. Sidaa daraadeed, xawaaraha baabuurtu jidkaas ku mari doonaan, iyo arrimaha kale ee khuseeya taraaafikada (traffic issue) halla dhamays tiro inta an jidka loo furin baabuurta.

Sidaas iyo, Hambalyo BILE, Hambalyo BOORAMA.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye


HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: