Friday, January 11, 2008

Suldaan Ka Tirsan Salaadiinta Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Gobolka Iyo Arrimo Kale Oo Uu Ku Tilmaamay Kuwa Aanu Weli Hore Ugu Arag Dalka

"Garan maayo wuxuu Rayaale qurba-joogga u sheegi doono, annagoo dalka joognay baa Fahmi La’"

"Dadweynaha gobolku waxay ku jiraan cunaqabatayn, waxa haysta rag Ooman oo ka yimi…”

Boorama, January 8, 2008 (Haatuf) – Mid ka mid ah salaadiinta Gobolka Awdal ayaa ka hadlay marxaladda gobolka Awdal iyo guud ahaanba dalku ka marayo dhinacyada dhaqaalaha, nolosha iyo arrimo kale oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa u baahan in wax la iska weydiiyo.

Sida uu ku soo waramay Maxamed Cumar Sheekh, weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo dhawaan waraysi arrimhaasi ka siiyey qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee ku sugan Boorama ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sida looga qaybqaadan karo taakuleynta Gobolada Bari iyo sida dhallinyaradii gobolkani uga baxday dalka.

Ugu horeyn Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa isagoo ka hadlaya xaaladda ka taagan gobolka waxa uu yidhi: “Weligay intaan joogay gobolka Awdal waa markii koowaad ee dad intaa le'egi qaxooti ahaan dalka uga baxaan, boqolkiiba afartan ayaa qaxooti ah, guryuhu waa faaruq. Iyadoo ay taasi jirtay ayaa haddana muddo saddex sannadood ah oo gobolkani cunaqabatayn uu ku jiray, waxna aan laga sheegin, lana iska adkaysananayey waxaa waxa soo baxday in xoolihii ay lahaayeen ee geel iyo adhiba lahaa ee ay u iibgeysan jireen Djibouti xeebahana mari jiray Geerisa loo joogsaday. Waanad ogeydeen in la yidhi xooluhu Carab bay u xidhan yihiin, cashuurtii waxay gaadhay neeftkii lix doolar ($6), sidaa darteed dadkan oo u dhashay nabad jacayl doonayana inay dalkooda wax u qabtaan, dagaalna iska diiday ayaa lagu kellifay inay xoolahoodii qori caaradii ku difaacdaan. Waa la oggaa in adhi boqolkun ka badan iyo boqollaal geel ah la iskugu keenay Geerisa, adhigaa waxa la yidhi neefkii lix doolar ku cashuura, haddii kale Berbera geeya oo carabkaa u geeya, isagoo carabkaasi Djibouti uun adhigaasi geynaya, qisadaa waxaanu u aragnay nin Oodweyne jooga ayaa shilin ugu hadhaye u geeya. Neefka Lawyacaddo laga soo celiyey ee la yidhi Berbera geeya, macnaheedu waa Oodweyne ku celiya, xoolaha aan waxba galabsan ee harraadka dhulka intaa le’eg lagu sii marinayo ee la soo lugaysiinayo waa wax laga naxo. Dadkaasi waxay haysteen way bixiyeen, maadaama lagu khasbay, waxana ka dambaysay bishii ramadaan badeecado lagala soo degay Djibouti taasi markay bilaabantayna, rag oomanbaa Bari ka yimi oo horjoogsaday. Ragaasina waa in laga soo gaadhaa gobolka. Dawladduu weligeedba way hortaagan tahay waxa ka soo degeya Djibouti. Maamulkii gobolka ee arrimahan wax ka qaban lahaana wuxuu noo sheegay inaanu awood u lahayn wax ka qabashada arrimahaasi, waxaanse ummadda u sheegayaa in arrimahan wax laga qabto.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in aanay xukuumaddu ogolayn xoriyatul-qawl ka hirgala gobolka Awdal, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Dhinaca kale gobolkan Awdal lama oggola xorriyatal qawlka, ragiinnaa i horfadhiya [weriyeyaasha] mid aan la xadhini kuma jiro, waxayna ku xidhmeen hawshooda. Waana nasiib-darro in maanta reer Awdal cawdaan iyagoo haysta hoggaankii dalka, hase yeeshee waa markii koowaad, waana kii kari lahaa ama u abuuri lahaa shaqooyin.”

Mar uu ka hadlayay Suldaanku arrinta taakulada ee xoolaha dadweynaha gobolka lagaga ururinayo wuxuu yidhi: “Waxaa la leeyahay xoolo haloo ururiyo, magaca dawladeed meel ay ku qoran tahay lama hayee maxaa xoolo nalagaga rabaa?”

Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye waxa kale oo uu ka hadlay safarka Madaxweynaha iyo kulanka la filayo inuu la yeesho qurba-jooga gobolka iyo guud ahaan Somaliland, iyo waxyaabaha uu Madaxweynuhu u sheegi doono qurba jooga, waxaanu yidhi: “Annagoo dalka joogna ayaanu madaxweynaha waxba u sheegi kari weynay, haddii uu maanta debedda ugu tegeyna [Qurba-jooga] dee waxa uu u sheegayo ma garanayo, boqolkiiba saddex ayaa jooga, wuxuna ku odhan doonaa waa la fiican yahay, iyaguna way soo dhaweyn doonaan uun. Annaga iyo kuwaasina [Qurba-jooga] waanu iskuwada xidhannnahay, laakiin annagii dalka joognay baa fahmi la', hadday tahay madax-dhaqameedyo iyo haddii aanu reer Boorama nahayba, waanad arkaysaan in wakhtigii uu dalka xukumayey dalkii xaalufay oo laga baxay.”

Ugu dambayntii Suldaan Muuse waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Badhasaabka gobolka Awdal, waxaanu yidhi: “Badhsaabka wax badan oo uu na faray waa loo qabtay, imikana diyaarbaan u ahayn laakiin abaar baa jirta oo waxba uma qaban karro."

Source: Haatuf

No comments: