Saturday, January 12, 2008

Ergo 1 - By Omar Fahiye

Arimaha bar tilmaameedyada ah ee aan ku soo xidhay maqaalkaygii danbe waxa weeye waayaha iyo wadciga dulkeenii yaala, dadka waxaad mooda in laga qaaday awoodii wax qabadka…
oo loogu beddelay awood muran, markawaagu baryo ee la isku soo baxo magaalada waa lais wada haysataa,

(KU QABSO KU QADI MAYSIDE) xafiisyada dawladuna waxay ku mashquul yihiininay xaliyaan arrimaha, waxad moodaa hab nololeed cusub iyo in sidaaloo soo balamay oo hadii la waayo wax lagu murmo kan soo dacwoonayaimaan maayo xafiiska, kii xafiiska joogayna waxa ku dhacaysa shaqola’an markaa waa inuu jiraa muran.

Xafiis wax xaliyaa ma jiro wuxu habeeyaa keliya siduu
murankaasi u sii socdo ilaa mudada khilaaf cusubdhalanayo. Dadka shil baa ku dhacay waxa ka xumaaday dhaqankii iyogarshadii qolanimada waxa la isticmaalaa markay dhalinayso khilaaf waxlaga dabadheefayo, waxa dalka soo galay dhaqanno cusub, oo ahwaranwaryo iyo war been ah oo la abuuro lana faafiyo,

waxa dadka lagu kala dhex tuuray shaki, nin kasta oo xishooda mid an xishoon ayaa dabataagan, ka wax dulmaya ayaa ka garab badan kii la dulmaayay, dadka badh ayaa hadli kara, dacwoon kara ama wax boobi kara, badhka kale oo inta badan ah ma hadli karaan, ma dacwoon karaan, waxay boobaan iska daaye tooda ma daafici karaan(DAGMADAAN KU NOOLAHAY NIN DILAALA MOOYEE NIN DARYEEL YIDHAAHDA DULI BUU KAQORANYAHAY)Cadaaladu waxay ka soo dagtaa samada oo waa magac ka mid ah magacyadailaahay in la waayana ma aha waa tiirka ugu qiimaha badan diinteenaiyo sababihii ay u soo degtay, waxay la ogyahay in cadaalada ay kamasuul yihiin Qaadiyada iyo garsoorayaasha, waxana asaas u ah aqoon uuleeyahay sharciga u wax ku xukumaayo waxa la yidhi sadexdii qaadibalabo ayaa naarta gasha, midna wuxu gala janada labada naarta loo balanqaaday waa

1)Kan eexanaya oo qaladka xukxukumaaya isagoo garanaaya
2)Kan xukumaya qaladka ama saxa isagoon aqoontii lahayn 3) Kan saxdaxukumaaya isagoo aqoontii leh.

Cadaalad laantu waxay bani aadamkaku timaadaa markuu is duleeyo oo u ka baqo inuu xaqa isku taago ooafka ama adinka ka xidho dulmi u arkaayo fursada markaa waxa kafaiidaysta ka talada haya oo markaa siduu doono u amar ku taagleeye,faham oo mushkiladu ma aha madaxda ee waa dadaka, dawlada iyo madaxdadadkaa sameeya ayaga ayay u shaqayaan, ee ma aha inay dawladu iyomadaxdu dadka leeyihiin, hadii u dadku diido dulmiga waxa daayeysmilahaa maamulka waa in dadku sidaa fahmaan oo u istaagaan xaqooda. Kudarsoo dawladninaddii kooxdii afduubtay kaligood u dihintahay.

Cumar Sult. Faahiye Gadhcase

No comments: