Saturday, January 05, 2008

Boorama Waa Caasimadda Boorama: Hargeysana waa Caasimadda Awdal.

Mawduuceena maantu wuxu ku saabsanyahay; sida maamulka iyo maskaxda iyo muruqa magaalada Boorama aanu marnaba u dhaafsanayn seeraha Boorama oo kaliya (Seeraha ma dhaafto). Iyo sida Hargeysa iskugu xaabsatay dhammaanba xukunka qaybaha kale ee Awdal. Taasi oo la odhan karaba, ka sokow Somaliland , Hargeysa xaqiiq ahaan, waaba caasimadda Awdal.

(1). Kaalinta Boorama ee Awdal

Baki waa caasimada gobolka Awdal ee magac u yaalka ah, oo ay magacowday dawladii Siyaad Barre ee Jamhuuriyada Diimuqraadiga Soomaaliyeed. Habase noqotee intii dawladaasi jirtay iyo intii ka hooreysay iyo intii ka danbaysayba Boorama ayaa haysay hogaanka Awdal muddo aad dheerba. Gaar ahaan ilaa iyo intii Somaliland curatay, waxa Boorama si toos ah loogu sheegaa inay tahay caasimada Awdal.

Sida qaalibka ah, in Boorama lagu sheego caasimadda Awdal iyo in lagu sheegi waayaba midna iyadu uma baahna, oo Ilaahay ayaa ka dhigay Boorama, xarunta iyo xudunta iyo xaadhunta, ummadda ku abtirsada Awdal oo dhan. Waxaynuse ka hadlaynaayi waxay tahay inaynu is weydiino maxay tahay awoodda Boorama ay xarun ahaan (as a capital city) ay ku leedahay degmooyinka iyo tuulooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay?

Haddii an dhan walba ka rogay waxan ogaaday in; Boorama u tahay caasimad iyo cudud, Boorama oo kaliya, oo marnaba aanay ciidan iyo cid iyo ciriq toona u lahayn dhammaan degaanka kale ee Awdal. Waa lagu dhan yahay Boorama, oo carruur iyo cirroole iyo caaqil iyo cilmiyahanba waa layskugu wada yimid. Cidina uma maqna ceelna uma qodna weeyi murtidu, oo wixii ummad Awdal ka dhaqaaqaysay oo dhammi waxay joogaan Boorama. Hadana Boorama wax soo dhaafa ma jirto oo usoo gudba meel kale oo gobolka ka mid ah oo lagu xushmeeyo laguna xusuusto.

Ma jirto maamul toos ah oo mayal adag, oo miisaaman oo xarunta Boorama go’aano muhiim ah kaga gaadhi kara xaq darrooyinka iyo xaaladaha cakiran ee ka taagan degmooyinka kale sida SAYLAC,BOON, BAKI ; LUGHAYA; DILA IWM. Tusaalooyina waxa innoogu filan qaylo dhaanta tirada badan ee gaar ahaan kasoo yeedhaysa degmada Saylac ee ay ka mid yihiin xakamaynta xoolaha, xayiraadda gaadiidka iyo ganacsiga; duruufaha dhaqaale iyo caafimaad darro iyo abaaro ee ku habsaday degaankaasi iyo kuwa la midka ah.

Boorama iyadu awood kuma leh ay go’aan daakhiliya oo cidna kaga daba hadli karin kaga gaadho dhibaatooyinka dhulkaas iyo kuwa la midka ah ka taagan, waxayna mar walba u sii gudbisaa halkaa iyo Hargeysa. Sobabtuna waxay tahay, dee Hargeysa ayaa ah Caasimadda Awdal, waxana u hibeysay oo hadyad ahaan uga dhigtay, waa Boorama laftarkeeda, oo Hargeysa isku dhiibtay.

Kaalinta Hargeysa ee Awdal

Rag waa kii damac leh, oo damaca iyo faduusha hargeysa ku hayso Awdal waa mid ay mutaysteen, oo lagu mahadin karo, sobabtoo ah iyagaa la damci waayay, xaqna way u leeyihiin inay iyagu markaa wax is moodaan. Iskaba daa Booramee, waxay Hargeysi maanta caasimad u noqon kartaa Benaadir/Bari/Baydhabo..iwm. Intaanse Bari iyo Banaadirba gaadhin, aynu isku koobno sobobaha Hargeysi u noqotay caasimada Awdal. Intaynaan su’aashaas ka jawaabina aynu ku horreyno waxyaabaha loogu aanaynayo in Hargeysi noqotayba caasimada Awdal. Waxa ka mid ah:

Ø Meyarka gobolka Awdal oo si toos ah looga soo magacaabo Hargeysa oo an Boorama laga dooran.
Ø Xeebta gobolka Awdal, Lughaya iyo Saylac oo si toos ah looga xukumo Hargeysa, Booramana an lagala tashan.
Ø Kastamka (Custom) Saylac iyo cashuuraha xeebaha oo si toos looga maamulo Hargeysa una soo marin Boorama.
Ø Khayraadka badaha iyo Buuraha Awdal oo si toos ah Hargeysa looga xukumo, Booramana waxba laga weydiin.

Arrimahaas an soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo wali an la soo shaac bixin oo xitaa Boorama gudaheeda ka jira, waa kuwa loo aanaynayo inay Hargeysa noqotay Caasimada Awdal. Boormana ku ekaatay caasimada Boorama laftarkeeda oo kaliya. Hadaba aynu isku dayno inaynu ka jawaabno, Su’aashii ahayd Sobabaha Hargeysa u noqotay caasimada Awdal maxay yihiin?. Jawaabta su’aashaas qof waliba aragti gooniya ayuu kolley ka dhiiban karaa, waanay u furan tahay qofkii ka dhiibanay fikrad.

Waxanse tuhmayaa anigoo tix raacaya khibradihii qoraaladayda iyo wixii kale ee qawl iyo qoraalba an u soo taagnaa in, dadka qaarkood odhani doonaan:

Ø Wiilkeenii Awdal u dhashay, ee Madaxweyne Daahir ayaa fadhiya Hargeysa, oo taasi ayaaba innagu filane, maxaynu kale oo aynu rabnaa?.
Ø Somalilandba innagaa dhalinay oo waxaynu ku aasaasnay Dugsiga Sare ee Sh.Ali Jawhar, Markaa waa inaynu sharafta iyo gobnimada kaga hadhno wax walba.
Ø Hargeysa laftarkeedaba waxaba haysta reer Awdal oo innagaaba wax laynaga weydiiyaaye maxaynu ka rabnaa, oo innaga maqan .iwm…iwm….?
Waxayse Anniga ila tahay, hadda waa sida ay ila tahaye (Alleylehe siday aniga ila tahay):
In sannadihii 1991 – 92, reer Boorama QORI CAARADII lagaga saxeexay inaanay sheegan karin degmooyinka kale ee gobolka Awdal, Boorama oo kalaiya mooyiye. Taasi (oo wa markii la rabee) iyagana loo weydaarin doono (in return), in madaxnimada Somaliland looga ogolaan doono jagooyinka ugu sarreeya, iyo kuraas xaddidan oo kolleyba aanay ka heleen Soomaliweyn iyo Jabuuti labadaba’e.

Sidaasi waa siday aniga ila tahaye, haydayna sidaasi ahayn, dee sidee kale ayay tahay, oo maxaa kale oo lagu sifayn karaa, saxariirtan taalla Saylac iyo Lughaya iyo Boon iwm, ?. Waa su’aasha sannadka cusub, waxayna u taallaa inta sheegan karta reeeeeeeeer BOORAMA, su’aashaasi oo aynu sii jilcinayna waxaynu u dhigan karnaa sidatan ku qoran xarfaha jaammudka ah (Bold):
Booramaay; ma caasimada Awdal ayaad tahay, mise waxad tahay caasimada iyadu kalideed isku cumaamatay, oo ah caasimadda Boorama?????

Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan
hiildan@yahoo.com

No comments: