Friday, November 02, 2007

Warsaxaafadeed ay Maanta Soo saareen Ururka Somaliland Website Journalists association (SLWJA) - Mohamed Inji

Warsaxaafadeed ay Soo Saareen Maanta Ururka Somaliland Website Journalists association (SLWJA) ayaa Waxa uu udhignaa Sidda Tan: Waanu ka Warqabnaa Websiteyada ay Leeyihiin Cadwga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beenta Qaawan ee aan Geedba ku gabanayn ee ka Fog Xaqiiqada Dhabta ah , Websiteyadaasi ay Leeyihiin Maamulka Majeerteeniya ee Beenta Qaawan Faafinaya

waxaanay kala Yihiin kuwan hoos ku qoran .

Widhwidh.com , badhanonline.com, iyo Waliba Websiteka Jidbaale.com Kuwaasi oo Been iyo Waxaan jirin ku qoray Websiteyadan Reeraysan ee leeyihiin Dadkii laga saaray Laascaanood ee maamulka majeerteeniya ee hadda Dhufaysanaya Garoowe iyo meel Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland Dhirbaaxo ku geeyay Ma ka warami karaa meel laga saaray Cidii Caqli lihi way Fahmaysaa Jawaabta .

Ururka Somaliand Website Journalists Association (SLWJA) Waxa uu Beeninayaa Wararka Beenta ah ee ay Daabaceen Websiteyada Cadawga ee Majeerteeniya Sida Widhwidh.com iyo Kuwo la hal Maala oo Xaqiiqada ka Door biday been Qolaysan waana kuwii ilaa markii Ciidamadda Somaliland ee Xooga Badani Qabsadeen Laaascaanood ku adkaysanayay waa Been ee Majeerteeniya ayaa haysata Laascaanood .Run ahaantii Waa Wax laga Yaayaqsoodo hadii Been goor walba ad ku Baaxiso Mareege ama Website xataa hadii Websiteka ay leeyihiin cidii doontaa waa in Runta laga Doorbidaa ayaa Anshaxa Saxaafadeed dhigayaa .Ururka Somaliland Website Journalists (SLWJA) Udulqaadan Maayo Been Danbe oo Warbaahinta cadawgu soo Maleegto .Maamulka Majeerteeniya Hoogii ay kala Kulmeen Ciidamadda Somaliland Waa tii uu Cadde Muuse isagoo Cararaya Garoowe Xilkii uu kaga xayuubiyay Taliyihii Ciidanka Majeerteeniya Isla markiiba .

Afhayeenka Ururka Somaliland Website Journalists association (SLWJA)
Wariye Mohamed Mussa inji

No comments: