Waligay intaan jiray hadal aan ku diirsado oo salaadiinta reer Awdal kasoo baxa waa kii iigu horeeyey een ka maqlo, balse waxa igaga jira shaki weyn sababtoo ah loogama baran hadalo caynkan ah. Salaadiinta reer Awdal oo isku af ah, isku aragti ah ayaanlaa hela.
Hadii ay usuura gasho xukuumada somaliland, waxay damacsantahay inay samayso wax u eg diwaan galin oo ay dadka kaadhadh u qaybiso. Laakiin marna suura gal ma noqon doonto in dalka diwaan galin dhab ah laga sameeyo. Diwaan galintu maaha hawl yar oo maamulka somaliland si fudud u fulin karo,duruufo badan baa ku xeeran. Diwaan galintuna waxay ubaahantahay Masuuliyad,dhaqaale xoogleh,farsamo(qalab),wakhti iyo aqoonteedii.
Midna maamulka somaliland ma hayo laakiin wuxu doonayaa inuu wax iska malmaluuqo.
Sida ay warbaahintu qortay waxa magaalada Borama gaadhay wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha gudiga diwaan galinta Ismaaciil Muuse Nuur.Gudigu wuxu kulan la qaatay Salaadiinta gobolka isagoo uga waramay qorshahooda ku aadan diwaan galinta.
Hadaba, Salaadiinta reer Awdal oo aan looga baran inay ka hadlaan ama u hadlaan bulshada ay metelaan,laguna xanto in suldaan waliba dantiisa yar ee gaarka ah uun ka hadlo oo uu midba midka kale uun daba maro illaa ingiriiskii ayaa umuuqda kuwo maanta dhaqankaa bedelay.
Salaadiinta reer Awdal markii ay kulanka la qaateen nimankii komishanka ka socday waxay ku yiraahdeen.
1- in 135-ka goobdoorasho ee Sanaaduuqda loogu talo galay G/Awdal aanay ahayn mid ku filan Gobolka balse loo baahan yahay in la gaadhsiiyo ilaa 300.
2- Waxay soo jeediyeen in la kordhiyo wakhtiga diwaan galinta iyagoo sheegay inaanan hal bil waxba lagu fulin Karin iygoo soo jeediyey in diwaan galintu ugu yaraan 6 bilood ay socoto si loo suura galiyo in dadku ay helaan kaadhka aqoonsiga.
3- Waxay dufaaceen sumcada bulshada ay magacooda ku hadlayaan iyagoo yidhi: Hadiiba ay jirto oo reer Awdal wax ku shubteen sidaad ugu shubanayseen uunbay iyagna ugu shubanayeen.
4- Waxay ku taliyeen inaan la degdegin oo la turxaan bixiyo si aanay dhibaato uga dhicin diiwangalinta, nidaamkana waa nidaam cusub oo aad ku tilmaanteed inuu yahay mid Dimuqraadiyada Meel marinaya sidaa awgeed tamar la’aanta aad sheegaysaan la idinka siisan maayee waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo awood xoogan oo dhinaca dhaqaalaha iyo tirada dadka goobaha diiwangalintu ka dhacayso oo laga howl galiyo……Runtii Hadaladani waa kuwo dhaxal gal ah oo ubaahan in laga dhabeeyo.Laakin hadii dhaqaale lagu raadinayo waa kuwo dhabar jab ku ah bulshada oo ay salaadiintu ku hoosaasinayso mujtamaca gobolka ku dhaqan.
Aan usoo noqdo dulucda hadalkeyga. Anigu waxan aaminsanahay in la idin shirqoolayo hadii aad tihiin shacabkii reer Awdal.Ma jecli inaan hadalka ku rafto hadalkana waxa fiican intiisa yar ee murtida leh.
Waxa laguu sheegayaa adiga in dalka diwaan galin laga samaynayo oo dadka kaadhadh la siin doono,ka dibna qofka kaadhkaa haysta uuni codeyn doono,adigana daacadnimada iyo dawlad jacaylku ceebtaada maaha ee waa caadadaada.Siyaasigaaga iyo suldaankaagu inay saaqyo kaa raacaan ceebtooda maaha ee waa caadadooda.Adiguna hadhow inaad calaacal miciinstaa ceeebtaada maaha ee waa caadadaada.
Hadalka idinku badin maayo laakiin waxan idiin sheegi lahaa:
1- in diwaan galin sax ahi aanay marnaba dhacayn laakiin waraaqaha la sheegayo waxogey la soo cayimay gobolka la keeni doono.Afarta wiig la yiri diwaangalintu way soconaysaana waraaqaha iyo wakhtiga la iswaafajin doono,idinkuna aad sidiinii yoomka (shilinka) afarta maalmood ee la idin shirqoolayo aad ukala badin doontaan.Ka dibna indhihiina oo shan ah la idin odhan doono diwaan galintii way dhamaatay idinkoon kowba joogin ileyn waa jar la idinla maaganaaye.Waxa xigi doona calaacalkiinii iyo hebelbaa caynkaa noo galay.
2- Gobolada kale ee dalka oo boqolaal kun oo qof la diwaan galin doono.Tixgali weedhan "isku haye iskama hagrado".Waxa tusaale kuugu filan adhigii jilib jilibka iyo jufo jufada loo qaybsaday mujtamaca reer Awdal ee baaxadaa lehna la yiri 2000 oo neefbaa la idiin qoondeeyey inaad saylada keentaan.Waraaquhu waa tabta adhigaa uun ee maanka ku hay.
Ku baraarug sheekada:Xasuuso shirkii Boorama ee 1993kii sidii aad u ilduuftay,Xasuuso khiyaamadii 1995kii markii 1000 shilin 100 shilin lagaaga qaatay.Xasuuso been abuurkii codqaadistii dastuurka 2001dii,adigoon codayn lagu yiri Awdal 100% way ucodeysay dastuurtka.
Wax ku qaado shirqoolkii 2003dii markii doorashada madaxweynaha sidii laguu garba duubay,waxa lagugula kacay fal aan gobolada kale lagula kicin,waxa gobolka la keenay waraaqo ka yar kuwa gobolada kale lageeyey,waxa laguu diiday in gaadiid dhaqaaqo maalintii codbixinta halka gobolada kale ay wax waliba caadi ahaayeen.Waxa gobolka la keenay dad Hargeysa laga keenay oo la yiri way idin diwaan galinayaan,halka gobolada kale dadkii u dhashay diwaan galinayeen. Waxa la yiri: Mar idage alla ha dago laba goor idagase anigaa isdagay.
Intaa hore hadii aad calaacal sad mooday maanta iska garo waxa lagula maaganyahay,lama doonayo in diwaan galin xalaal ah wadanka laga sameeyo waxa loo qab iyo dig leeyahay waa adiga (awdal).Taa waxad ka dhan dhansanaysaa hadalka nimankan(gudiga)hawsha loo xilsaaray.Markii ay shalay/doraad la kulmeen cuqaasha iyo salaadiinta waxay ku andacoodeen in reer Awdal ku shubtaan doorashooyinka laakiin hadii la diwaan galiyo taasi dhici doonin. Waxa la doonayaa in 60-70 kun oo waraaqood gobolk la keeno,ka dibna aad intaa kuyuu ugashaan.Inta cimrigiina ka hadhayna taa la idinkula xisaabtamo.
Si kastaba ha ahaatee hadii diwaan galiln dhab ah la doonayo in gobolka laga hirgaliyo talada salaadiinta iyo cuqaasha hala meel mariyo"Hadhowbay dhurantaa oy ma dhexjoogin tidhaa,wataa Dheeg ololeysa ee waa dharaare dhacso".
Jawhar Cabdisamad Qalinle
Email: Qalinle@Gurmad.com
Source: Harowo.com
Friday, November 02, 2007
Hadhow Bay Dhurantaa oy ma Dhexjoogin Tidhaa, Wataa Dheeg Ololeysa, ee Waa Dharaare Dhacso!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment