Saturday, November 03, 2007

Max’ed Dheere oo ugu baaqay Abuu Mansuur iyo rag kale inay ka baxaan Muqdisho...iyo warar kale oo soomalida ku sahabsan - Abdifatah Ahmed

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo shalay galab xafiiskiisa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan tahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay inta badan ciidamada booliska gobalka Banaadir sugeen ammaankii gobalka balse ay jiraan kooxo fidno wadayaal ah sida uu hadalka u dhigay oo doonaya inay dhibaato ka dhex abuuraan shacabka Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale Saxaafada tusay wiil 14-jir ah oo ciidamadiisa kusoo qabteen dagaal Howl-wadaag ka dhacay isagoo tuuraya bam gacmeedka loo yaqaan F1.

Wiilkaan oo Saxaafada la hadlay laguna magacaabo Sharma'arke Seeraar Cilmi ayaa sheegay in macalinkiisa dugsiga uu kusoo daray kooxaha wax qarxiya, isagoo sheegay inuusan mar dambe kooxahaas kamid noqon doonin sida uu yiri.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadashay hooyada dhashay wiilkaan oo sheegtay in wiilkeeda la qalday ayna hada iyada lagu wareejiyay uusana mar dambe kooxaha kasoo horjeeda DF kamid noqon doonin.

Sharma'arke Seeraar ayaa loogu labisay dhar iyo kabo cusub isla markaana uu maamulka Gobolka guddoon siiyay xoogaa lacag ah, iyadoo Maxamed Dheere uu sheegay in caruurta maanta oo ah ubaxa dalka ay yihiin madaxdii dalka beri sidaa darteedna loo baahan yahay in la siiyo barbaarin hoose, si ay u anfacaan dalka iyo dadka

Max’ed Dheere ayaa sidoo kale ugu baaqay Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka ciidamada Shabaabka ee Maxkamadaha Islaamiga ka tirsanaa inuu ka baxo gudaha magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inuu Abuu Mansuur iyo rag kale oo uu kamid yihiin Sheekh Fu’aad iyo Sheekh C/qaadir Cumar Cali ay ku dhuumaaleysanayaan xaafado ka tirsan Muqdisho isla markaana ay wadaan weerarada ciidamada DF lagu soo qaado.

Waxa uu wacad ku maray inay soo qaban doonaan hadii ay magaalada ka bixin ama ay sharciga isku dhiibin sida ugu dhaqsiyaha badan, isagoo sheegay inuu ogyahay meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnahaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Max’ed Dheere ayaa kusoo beegmaya xili labadii maalin ee ugu dambeysay xaalada Muqdisho ay dagneed marka loo eego maalmihii hore ee lasoo dhaafay.

Rice iyo Museveni oo kawada hadlay arrimaha Somalia.

Xoghayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka Condoleezza Rice iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa shalay ka wada hadlay xaalada murugsan ee dalka Somalia.

Labada mas’uul oo kulan albaabada u laabnaa ku yeeshay magaalada Washington ayay ku lafa gureen xaalada Somalia iyo qaabkii loo soo celin lahaa nabada Somalia.

Illo diblomaasiyadeed u dhow dhow Rice ayaa sheegeen inay Rice ka codsaday Uganda inay ciidamada kasoo jooga Muqdisho kusoo kordhiso 10.000 oo askari kuwaaso nabada Muqdisho ka qeyb qaadan doono.

Rice ayaa sheegtay hadii ciidamo dheeraad ah oo Uganda ka socda ay soo gaaraan Somalia inay dalka Somalia ka bixin doonaan ciidamada Ethiopian-ka oo shacabka Soomaaliyed aadka u neceb yahay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay inay waxii qarashaad ah dowlada Mareykanka la garab taagana tahay xukuumada Kampala isla markaana ay awooda saari doonto nabadeyda Somalia.

Waxa aya sheegtay in kooxaha Al-qaacida ka tirsan ay kusoo badanayaan Somalia, isla markaana muhiim tahay in si nabadoon arrimaha loo xaliyo.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in dowladiisu ciidamo gaaraya 1,500 Askari oo nabad ilaalin ah udireen dalka Soomaaliya ,kana caawinaya dowlada Soomaaliya sugida amaanka goobaha dowlada sida Madaxtooyada ,Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Magaalo Muqdisho.

Waxa uu balan qaaday in ciidamada Mareykanka uu ka codsaday inay ku biiriyaan Somalia ay geyn doonaan si ay guud ahaan howlaha ammaan sugida Somalia la wareegaan askarta Uganda.Wuxuu sheegay in ay ciidamadiisu si wanaagsan wax uga qabteen xaaladaha Soomaaliya ,lana wareegeen hubab badan oo ay soo qabqabteen ciidamada dowlada Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG ah.Isagoo ku nuux-nuuxsaday in ay Uganda sii wadeyso taageerada ay siineyso Dowlada KMG ah ee Somalia ,wuxuuna sheegay in marar badan isku dayey wada hadalsiinta dowlada iyo kooxaha Asmara, balse wuxuu sheegay in ay taasi ka biyo diideen kooxaha dowlada ka soo horjeeda.Yuweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga Soomaaliya ay bilaabeen caawinta dadka ka barakacay dagaalada iyo rabshadaha ka socda Magaalada dagaaladu la dageen ee Muqdisho.

Isku soo duuboo, kulanka labadaan mas’uul dhex maray ayaa kusoo beegmaya xili waayadii ugu dambeeyay ay Muqdisho kusoo badanayeen weerarada ciidamada Uganda lagu qaadayo iyadoo weerar hoobiye oo dekada Muqdisho lagu qaaday dhawaan ay ugu dhaawacmeen afar askari Ugandhees ah.

Laura Bush oo ka hadashay xaalada murugsan ee Somalia.

Xaaska Madaxweynaha dalka Mareykanka Laura Bush ayaa si walaac uu ku jiro shalay kaga hadashay xaalada sii xumaaneysa ee dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxey sheegtay inay aad ugu xuntahay xaalada sii xumaaneysa ee Somalia iyadoo ugu baaqday Madaxweynaha Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed inuu heshiis la furo kooxaha kasoo horjeeda isagoo badbaadinaya dhiiga shacabka inuu daato.

Waxa ay xustay in iska horimaadyada Muqdisho ka dhaca inta badan ay qasaaro nafeed kasoo gaaraan shacab aan waxba galabsan taasoo cuqubo ku ah xukuumada hagoogan magacada shacabka sida ay tiri.

“Marnaba raali kama noqoneyno in shacabka lagu kor tunto, cidii dagaalsana waxaan ugu baaqeynaa inay miiska wada hadalka khilaafaadkooda ku xaliyaan” ayay yiri Laura Bush

Waxa ay xustay in kumanaan kun oo Soomaaliyeed ay ka qaxeey toddobaadyadii ugu dambeeyay Muqdisho, kuwaaso hada ku rafaadsan gobolada u dhow dhow oo aysan heynsan goob ay jiiftaan, cuno iyo caafimaad intaba.

Waxa ay ugu baaqday hay’adaha caalamiga ee gargaarka bani aadnimo ka shaqeeya inay mucaawano deg deg ah la gaaraan shacabka Muqdisho ka qaxay ee rafaadsan.

Waxa ay shaaca ka qaaday in Madaxweyne Bush todobaadyada soo socda tagayo Bariga Africa qeybo ka mid ah ,waxa ayna sheegtay in uu wada hadalo la yeelanayo Madaxda dowlada Soomaaliya dariska la ah sida Itoobiya iyo Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka xaaska Madaxweyne Bush ayaa kusoo beegmaya xili xiisadaha iyo dagaalada ka jira magaalada Muqdisho ay saacad saacada ka dambeysa sii baahayaan kuwaaso galaafanaya nolosha dad rayid ah.

Talyaaniga, France iyo Spain oo sharciyo adag kasoo saaraya tahriibayaasha Soomaalida.

Dowlada Talyaaniga, France iyo Spain ayaa sheegeen inay sharciyo adag ay kasoo saari doonaan Soomaalida Tahriibayaasha ah ee dhulalkooda sida sharci darada ah kusoo galaya.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha gudaha Talyaaniga oo lagu magacaabo Marcella Lucidi ayaa sheegay inay muddo ka indha xiranayeen tahriibayaasha Soomaalida ee dhulalkooda soo galaya, isla markaana hada waajib ku noqotay inay xakameeyeen arintaan.

Waxa uu sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay gudaha wadadam Talyaaniga, Spain iyo France ay soo galeen ku dhawaad 12.000 oo Tahriibayaal Soomaali ah kuwaaso si dhuumaaleysi ah doomo ugu soo galaya.

Waxa uu xusay in dalalka Italy, France iyo Spain ay kulamo deg deg ah ka yeesheen arrimaha Tahriibka, isla markaana dhawaan sharciyo adag oo lagu qaadi doono cidii si sharci daro ah dalalkaasi usoo gasha ay soo saari doonaan.

Waxa uu xusay in cidii si sharci darro ah ku soo gasha Italy, France iyo Spain si qasab ah loo tarxiili doono iyadoo ilaa haatana aysan cadeyn in baarlamanka dalalkaasi uu ansixin doono sharcigan ka dhanka ah tahriibayaasha soo galaya dalalkaan.

Isku soo duuboo, hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili xeebaha dalalka Liibiya iyo Turkiga ay ka socdaan abaabul xoogan oo ay wadaan kumanaan tahriibayaal Soomaali ah kuwaaso doonaya inay gaaraan wadadam Yurub qaarkood gaar ahaan Spain iyo Talyaaniga iskuna biimeeyaan badda weyn ee u dhaxeysa ee halista badan.

Ethiopia oo ciidan kale usoo dirtay gudaha Somalia.

Tv-ga dalka Ethiopia ayaa xalay laga sheegay in kumanaan ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan isla markaana wata gaadiidka dagaalka loo diray gudaha dalka Somalia.

Ciidamadaan ayaa lagu sheegay inay ku biiri doonaan kumanaanka ciidan ee Ethiopia ka jooga gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa la sheegay inay ciidamadaan ka qeybq aadan doonaan howl-galada Muqdisho ay ka wadaan ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa tirada yare e Soomaalida isla markaana ay ammaanka Muqdisho wax weyn ka qaban doonaan marka ay tagaan.

War Saxaafaeed kasoo baxay xarunta Madaxtooyada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwo tababar xoogan leh isla markaana la babac dhigi kara xoogaga kasoo horjeeda DF ee Muqdisho ku sugan.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadaan Somalia loogu diray kadib markii Dowlada KMG ah ee Somalia ka codsaday xukuumada Addis-ababa inay ciidamo dheeraad ah ay usoo dirto gudaha Somalia.

Ciidamadaan ayaa hada soo galay gudaha Somalia iyadoo la sheegay inay saacad kadib gaari doonaan caasimada Somalia ee Muqdisho oo ah meesha ugu xoogan ee qalaalasaha iyo dagaalada ay ka dhacaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee, imaanshiyaha ciidamadaan ee gudaha Somalia ayaa kusoo beegmeysa xili qalaasihii abid ugu xumaa uu ka jiro Muqdisho iyadoo ay soo badanayaan weerarada dharaartii iyo habeenkiiba lagu qaadayo ciidamada Ethiopian-ka.

Abdifatah Ahmed

No comments: