Wednesday, October 31, 2007

Faalo: Qurba jooga Reer Awdal saamayn intee leeg ayay ku leeyihiin waxa qabadka gobalka? S. Suxufi

faalo wariye sakariye suxufi

marka hore waxaa mahad balaadhan iska leh Ilaahay ina siiyaya nicmooyin faro badan oo ay ugu horayso in uu inaga dhigay bulsho muslin ah oo leh dhaqan iyo xadaarad soo jireen ah oo ay inooga tageen awawyaasheen umada walba marka ay samaynasyo horamar waxaa laga eegaa dhinca bulshadeeda taas ayaana ka soo dheegan karnaa horamarka mustaqbalkeeda sida uu ahaan doono ,
bulshada reer awdal oo ah umada ka dhisan dhicana waxbarshada. kuna amaanan inay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira gobalka haba yaradaan hadab intaan u goda galin faalanada aan u ugu magac daray “qurba jooga reer awdal saamayn intee leeg ayay ku leeyihiin waxqabka gobalka” ayaan indhaha laga qarsan Karin ama qoraalkan laga reebi Karin wax qabka taariikh galka ah ee ay bulshada reer awdal ku soo kordhiyeen nimanka ixtiraamka badan u hayo ee isku hawla inay la socdsiiyaan bulshada reer awdal ee ku kula baahsan daafaha aduunyada in ay u soo gudbiyaan dhacdooyinka ku cusub gobalka iyo dalka waxa ku soo kardhay ragaas aan sheegayo waxaa weeyi nimanka tafaftirayaasha ka ah 6da wabsaad ee kale ah lughaya .com harowo.com boramanews.com awdalnews.com saylac.com iyo sayliciperss. akhisrte waxaad ogtahay ama aad la socotaa in ragaasi ay wax dhaqaale ku hayn warbaahintaas ee ay ka tahay hor ilaahay iyo iyagoo jecel in ay ka habaq tiraan wararka gobalka iyo ka dalka dadka ku nool qurbaha taasna waxaan ku leeyahay Aaleh xasnaad iyo khary ha idiinku badlo waxqabadkiina.akhriste aan daboolka ka qaado faalada.

waxa jira in wixii ka dambeeyay burburkii ka dhacay dalka uu saamayn xoog ah ku yeeshay nolashii bulshada soomaaliyeed kaaga dareenee waxaa kala haajiray hooyooyin iyo caruur ay dhaleen oo mudo aan is arag oo ku kale maqan qurbaha taasna waxaa u dheer in caruurta soomaaliyeed qaar kood aanan arag dalkooda hooyo taasina waxay saamayn ku yeelatay dhiigooga .markay nolashii dadku adkaatay waxaa dhacaday in bulshadu la timi firkir ah in ay wax ka badalaan habkii ay u mari la haayeeen inay helaan nolal dhaanta tan ay ku nool yihiin ayaa waxaa dhacday in bulsho badan oo reer awdal ah ay u haajiraan qurbaha tagidaa ay tageen qurbaha waxay u sahashay in ay dadkii ay kaga tageen dalka ay ka kabaan dhinaca dhaqaalaha taasna waa caadadii iyo dhaqankii lugu yaqaanay bulshada reer awdal in kastoo ay dumarku u badan yihiin dhican soo dirida biilasha taasna waxaad ku ogaan kartaa hadii aad tagto goobaha laga soo diro lacagta waxaad arkaysaa in 80% ay yihiin haweeen hase ahaatee way jiraan rag badna oo soo dir biilasha laakin dumarka ayaa kaga firficoon dhinca soo dirida biilasha.marka la eego bulshada reer awdal waxay gobalka soo galiyaan dhaqaale badan marka loo eego bishii inta ay soo diraan waxaa lugu qiyaasi karaa boqolaal kun oo doolar taasna waxan ku sameeyay dabagal.

dhanka kale magaalada boorama waxaa ku soo kordhay 10kii sano ee u dambeeyay dhismayaal qurxoon oo aad ka daalacan karto marka aad maraysid wadooyinka magaalada waxaana qurbo jooga reer awdal hadii ay dhismayaasha isdan ku sii wadaan waxay magaaladu isku badali doontaa sida caasimadaha caalamka taasina waxaan sugaynaa xilgeeda. hadaba marka laga tago biilasha ay soo diraan qurbo jooga reer awdal iyo daaraha quruxda badan ee magaalada ku soo kordhay in aanu jawaab u helno su’aasha ah. maxaa ka hortaagan qurba jooga reer awdal in ay maalgashi ku sameeyaan gobalka oo ay keenaan warshado? iyagoo wada socad ama shaqsi shaqsi ah waxaa jira oo aan

halka hoose ku sharxi doonaan dhawr muwaadin oo magaalada maalgashi ku samaytay hase ahaatee waxaan su’asha kor kusoo sheegay u dhaafayaa dhaamaan bulshada reer awdal ee ku nool qurbaha . waan ogahay ama aan ka warqaan inay wadaan lacag qaadhaan ah oo ay ku samaynayaan qurba jooga reer awdal garoonka biroole ee inta badan dayaco ku muuqday taasna waxaan leeyahay hambalyo halkaasna ka sii wada dadaalkiina laakin qurbe jooge agsoonaw goobo badan oo ka mid ah gobalka oo ay ka muuqaat in wax laga qabto sida tigada saylac , madaarka borama (Aadan isaaq) iyo meelo badan oo halkan ku soo koobi Karin.
bilihii u dambeeyay waxaa jray in abaabul xoogan wadeen ganacsatada magaaladu oo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa baahida ka jirta xaga laamayada sida ay ii sheegeen dad ku dhaw dhaw ganacsatadad gobalka arinta laamayadu meel fiican ayay u maraysaa hase ahaatee waxay u baahan yihiin caawin weyn oo ah in wax lala qabto wali may dhinci in maalqabeenada reer awdal qaar kooda arintaa laamayada ah wax kaga darsan waxaa la yidhi far kaliya fool ma dhaqdo waxaanse ugu bishaaraynayaa bulshada jecel hormarka gobalka in sanadkan soo socda ee 2008ku ugu bariya doono waa cusub oo u dhasha dadka reer awdal waa hadii sidii loo ogaa wax u socdaan .Tusaale bal aan u soo qaato nin reer awdal ah oo tagay qurbaha sanadku markuu ahaa 1975kii ilaa iyo maanta oo Eebe cimrigiisa gaadhsiiyay inkastoo aan jeclayan inaan magacaabo waxa uu soo diraa maalintuu uu galay qurbaha ilaa iyo maanta bishii lagaca dhan 400$ bal xisaabi inta ay noqonayso maanta waa malaayiin doolar . miyaanay ka fiicnan inuu dalka uu keeno warshada yar oo dadkiisu iyo dadka kale ka helaan shaqo iyo faa’ido isna waxay u ahaan lahayd magac iyo ajar bal aan u soo daadago dadka magaalada maalgshi la taaban karo ku samaystay ee mutasaytay in lugu abaal mariyo bilad sharaf ama lugu daro buuga taariikhda inkastoo la yidhi taariikhdu iyadaa isqorta ee lama qoro.

1: Idris maxmuud sacad(idirsi cunaaye) waa muwaadin reer awdal ah oo ka damqaday baahida ay u qabto magaaladiisu in ay hesho hotel wayn oo casri ah oo la jaan qadi kara dunida hormartay waa mulkiilaha iskag leh hotel Rays waxa uu dagan yahay boqortooyada sucuudi carabiya waa muwaadinkii ugu horeeyay ee ka dhisa magaaladiisa hotel casriya oo bulsho badan oo aan arag markii ay arkeen ay la dheceen quruxiisa waa oo hotel ka kooban qaybo kale duwan ee laga heli karo adeeg hufan oo diyaar kugu yihiin dad u leh xirfad wax walba oo aad ugu baahato kuu keenaya. waxaa lugu tirayaa inuu ka mid yahay 4 hoteel ee ugu waaweyn jamhuuriyada somalilanad laakinse waxa uu kaga duwan yahay hotel Rays kuma arkaysid wax dhaqan xuma ah oo u keeni karta magac xuma tusaale ahaan marka lugu tumayo aroosayda waxaa caado ah in arooskaas ay ku kulamaan bulsho badan oo ka kooban rag iyo haween oo is dhex boodaya laakinse hotel Rays taas uu ka madhan yahay marka ay jiraan aroosku waxaa loo og layahay in ay ka qayb qataan dhawr rag ah oo kale socda labada aroos taasan waxaa luugu ogal yahay in ay ka caawiyaan waxa ay u baahan yihiin aroosku . akhriste maalqabeenka Idirs maxmuud sacad (ina cunaaye) wax uu is taa hilaa in la siiyo bilad sharaf sababtoo ah wax uu magaalada u soo kordhiyay magac iyo qurux hadab isagu faa’ido intee leega ayuu ku qabaa hotel Rays waxaan odhan karnaa inta uu ku qabo waxa ka badan inta ay ku qabaan bulshad reer awdal ha noqto inta shaqaale ee ka hawlgala hotelka. waxaa jirta in maanta borama quruxdeeda ka turjumayo hotel rays oo marka aad magaalo ku tagta dalxiis waxaa lugu dagaa hoteelada ku yaale ama ka ugu qurux badan ee soo jiidanaya bilicad magaalada alayleh ninkaa nin dheh,

2:Yaasmiin jaamac saylaci waa gabadhii ugu horaysay ee maalgashi la taaban karo ku samaysa gobalkeeda waa gabadh dagan dalka jamhooriyada jabouti iyadu waxay aragtay in gobalkeedu u baahan yahay warshad si faysa biyaha waa gabadha iska leh warshada biyaha si faysa ee lugu magacaabo Shifo shirkadaas waan garan karnaa inta shaqaale ee ka hawl gala hadii la heli lahaa shirkado sidan oo kale ugu hawl gala gobalka waxaa soo bixi lahayd shaqooyin badan oo dadku ka helaan laakin waxaan ku boorinayaa in gabadhaa lagaga daydo wax qabadkeeda alayleh gabadhaa gabadh dheh,

3:Amoud foundation waa urur ay ku bahoobeen qaar ka mid ah qurbo jooga reer awdal xaruntiisuna waxay tahay dalka maraykanka la iskama qarin karo waxtarka oo u leeyahay bulshada reer awdal gaar ahaan kuwa ku nool gobalka waxa uu hada wadaa dhakhtar weyn oo ku yaala bariga magaalada borama waxaana lugu magacaabaa cubitaal Al xayaad waa dhakhtar dabooli kar baahida bulshada reer awdal iyo kuwa ku dhaqan geeska afrika waxa kale oo Amoud foundation caawimo u fidiyaan ururka lugu magacaabo Kaalmo waxa kale oo ay dhawaan taageero dhaqaale u fidiyeen dhakhtarka borama oo ay ku deeqeen lacag aad u badan oo la odhan karo dhakhtarku baahi weyn ayuu u qabay, dhanka kale waxa uu dhakhtarka u soo iibiyaan waxyaabo badan oo uu u baahan yahay oo maanta dhex yaala dakhtarka lama soo koobi karo wax tarka uu ururkaasi ka filiyo gabalka awdal hadab qurba joogii reer awdal ma intaas ayaa ka dhex iftiimaysa mise warshado ayay soo wadaana alayleh ururkaa urur dheh,

marka aan dhawrkan shaqsi ku daray qoraalkaygan waxaan ugu jeedaa in bulshada reer awdal kaga daydaan waxa qabadkooda iyana waxay u taha dhiiro galin .
guni iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa maansadan yar ee aan ugu talo galay nimanka tafaftirayashay ka haw warbaahinta Awdal

Warbaahintan awdal
Waa mid aad u wanaagsawoo
Aduunkood oo dhan ku baahdayoo
Rag aqoon sare leh hoo
Tignoolajikaga yaqaanoo
Aaladaha wax diraa
Aduunkooga ku iibshoo
Intifaacan awdal ku ceeshtoo
Ilaahi I abuurayaw
udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
ifka ay ku dhargaanaw
Markay aakhiraw gaadhaan
Udgoonaw janadii
Albaabka ku beeg
Ha ku waaran abidkeed
Warbaahinta awdal
Waa mid aad u wanaagsanaw
Nimankaa ishiti haaday
Aaladaha wax diraaya
Aduunkooda ku iibin
Way abaadi lahayd
Anfacay ku qabaan
Waa mid aad u yaraw
Ilaahi I abuurayaw
Udgoonaw nabiyaw(scw)
Nimankaa ishtihaaday
Ifka ay ku dhargaan
Markay aakhiro gaadhaan
Udgoonay janadii
Albaabka ku beeg
Abidkood ha ku waaran

wariye sakariye carab cadan (suxufi)
borama
email sakariyesuxufi@hotmail.com

No comments: